Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Xisbiga Waddani oo sheegay inay dersayaan heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya, una Jawaabay Soomaaliya

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxamuud Jaamac Galaal ayaa sheegay in xisbigoodu ay mowqifkooda rasmiga ee ku saabsan heshiiska Itoobiya shaacin doonaan haddii Madaxweynuhu uu u soo bandhigo qoddobada heshiiskaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay shacbiga ka eegi doonaan danta ku jirta heshiiska badda ee lala galay dawladda Itoobiya.

Mr Galaal oo u warramayey laanta Afsoomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in Soomasliya aanay khusayn heshiisyada ay Somaliland la galayso caalamka.

Waxa kaloo uu tilmaamay in Soomaaliya qayladeedu aanay waxba uga dhignayn Somaliland.

Xoghaye Galaal wuxuu intaas ku daray khilaafkii doorashooyinka laga heshiiyay laguna rajo weyn yahay in ay wakhtigoodii ku qabsoomaan doorashooyinka isa saarka ah ee madaxweynaha iyo kuwa ururrada siyaasaddu.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>