Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28181

Tababar loo Furay Hawlwadeennada Cilmi Baadhista Wasaaradda Beeraha

$
0
0

Tababar loo Furay Hawlwadeennada Cilmi Baadhista Wasaaradda Beeraha

Hargeysa, (Qaran news)-Wasiir Ku-xigeenka Beeraha oo Tababbar u Furay Hawl-wadeenada Cilmi-baadhista Ee Wasaaradda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa Maanta Tababbar u furay Hawl-wadeenada Waaxda Cilmi-baadhista iyo Fidinta ee Wasaaradda Beeraha.

Tababbarkan oo ay soo agaasintay Waaxda Cilmi-baadhista iyo fidinta beeraha Somaliland, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii aqoonta shaqaalaha kor loogu qaadi lahaa.

Tababbarkan oo uu furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, ayaa ka qayb-galay Agaaeimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha waaxda Cilmi-baadhista Axmed Nur Aadan.

Wasiir ku-xigeenka Beeraha iyo Agaasimaha guud oo halkaa ka hadlay, ayaa ka qayb-galayaasha u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan Tababbarkan oo soconaya Muddo 3 Maalmood ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28181

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>