Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Somaliland Oo Cagta Saartay, Nidaamkii Beelaha Ee Laga Gudbay?

$
0
0

Waxa sal iyo sameysan u ah Somaliland nidaamkii qabiilada ee ka dhacay burco horaantii sannadkii 1991 kii laguna doortay madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato oo ah C/raxman Axmed Cali (AHN), shirkaas oo markii danbana noday mid dhabaha u xaadhay shirweynihii loo dhamaa ee ka dhacay Boorama laba sanno iyo xoogaa ka dib laguna doortay madaxweynihii labaad ee Somaliland oo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN).

Madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa muwaadin jecel horumarka, waxaanu ka fekeray si bulshada looga saari lahaa nidaamka khariban ee qabyaalada qabiilaysan, waxaanu ku dhawaaqay in siyaasada Somaliland ay ku salaysnaan doonto xisbiyo laga maarmi karo qabiilka oo si dimuquraadi ah loo soo dooran doono cid dadku ay rabaan, halka ay markii hore ay qabiilafu ka shiri jireen, nidaamkaasi wuxu ahaa mid shaqeeyey illa haddana shaqeeya balse madaxweyne Cigaal ma uusan arag geedkii uu beeray midhihii u dhalay ee laga goostay oo ahaa horumar iskeed ay bulshada nabada jeceli u sameysatay, taas oo Illaahay sareeyana uu ku garab galay.

Si kastaba, muddooyin sannado ah ka dib waxa talada hayey xisbigii uu aas aasay madaxweyne Cigaal oo ahaa UDUB, waxaana xilka la wareegay ka dib geeriddisii Daahir Rayaale oo ahaa ku xigeenkiisii, waxaanu talada Somaliland hayey muddo ka badan todoba sannadood oo aanay jirin qabiilo shirar qabsanaaya, iyo qabyaalad cad.

Intaa ka dibna waxa ku guuleystay doorashooyinkii dhacay sannadkii 2010kii xisbiga Kulmiye, waxaanu ku bilaabay dardar hor leh shaqadii qaranka lixdii bilood ee ugu horeysay, balse waxa barbar socday oo bilaabantay, qabyaalad, shaqo la’aan iyo shirar beeleedyo qaarkood dawladu ay u arkaysay inay dani ugu jirto, waxaana jiray kuwo kale oo ay isku dayday inay is hortaagto laakiin ay ku guul daraysatay.

Haddaba maanta waxa taagan in xukuumadu ay qabiilada ay kala shiriso, kuwa ay u aragto inay dani ugu jirtana ay soo dhaweyso, kuwa ku mucaaridka ahna ay fogeyso, balse waa in ay ogaato in mucaarid iyo tageeraba ay iyadu dawlad u tahay, dhaliishuna waa toosin.

Haddii ariku sidan ku sii socdana, waxa suurtagal ah in lagu noqon doono nidaamkii beelaha ee laga soo gudbay rubuc qarni ka hor oo ahaa xal xiligaa loo baahnaa balse maanta aan loo baahnay, haddaan laga joogina waxa uu noqon doonaa tubtii dib ugu laabashada nidaamkii qabiilada.

Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>