Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Shirgudoonka labada gole oo xal ka gaadhay Khilaafka Xeerka Doorashooyinka

$
0
0

Shirgudoonka labada gole oo xal ka gaadhay Khilaafka Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)-Waxa maanta heshiis laga gaadhey qodobadii khilaafku ka taagna ee xeerka Doorashooyinka .

Guddiyadii labada gole Baarlamaan u saareen arintan ayaa ku heshiiyey in qodobo loo daayo sidii Guurtidu ku ansixisay , qodobona loo daayo sidii golaha wakiiladu ku ansixiyeen .

Todobaadka soo socda ayaa heshiiskan la hor geyn doona Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada si ay xildhibaanadu u ansixiyaan
Isla todobaadka danbe ayaa la filayaa in Golaha wakiiladu xeerkan u gudbiyo Madaxweyne Muuse Biixi .

Waxaana ay arintani u muuqataa in uu sidaas ku dhamaadey khilaafkii ka dhex jiray labada gole Baarlamaan ee xeerka Doorashooyinka ku saabsanaa.

Ileysnews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>