Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

10-kii siyaasi ee ugu muddada dheeraa Somaliland iyo Waxyaabaha u saamaxey (WQ: Axmed Maxamed Cisman Caalin)

$
0
0

 

10-kii siyaasi ee ugu muddada dheeraa Somaliland iyo Waxyaabaha u saamaxey (WQ: Axmed Maxamed Cisman Caalin)

Badiba siyaasiyiinta Somaliland maalinta la magacaabo wixii ka danbeeya , waxay u kala baxaan laba kooxood kuwaas oo kala ah ; koox ay u bilaabanto  xaalad wadnaha farta ku hayn ah  iyo werwer ka soo waajihi doonta  talaabada tan xigta oo la xidhiiidha xil ka qaadis lagu sameeyo isagoo xooga saara sidii muddada kooban ee uu xilka ummada hayo sidii uu hantidaasi uga sameysan lahaa faraqabsi halka kooxda kalana ku sifeysan tahay arrin ka duwan oo ah , xil gudasho, ka midho dhalinta yoolka u dajisan iyo gudashadooda waajibaadkiisa  shaqo , isagoo Eebe la kaashada in uu xilka ku asturo , sidaas daraadeed waxaan mawduucaygan ku soo qaadan doonaa  siyaasiyinta 26 kii sannadood ee u danbeeyey ka dhex muuqday siyaasada Somaliland iyo sababaha u saamaxey in ay wakhtiyo kale duwan ku soo noqdaan masraxiyada siyaasada Somaliland , waxaanan u soo gudbin doona sida ay u kala wakhti badnaayeen

  1. Eng.Cali Cumar Maxamed  (Xoor-Xoor)

Eng cali cumar maxamed  (xoor-xoor) oo ah siyaasi qunyar socod ah islamarkaana inta badan la soo shaqeeyey xukuumadihii kala danbeyey ee Somaliland soo marey marka laga reebo xukuumadii C/raxmaan Ahmed cali oo muddo kooban jirtey  waxa uu xilkiisii u horeeyey qabtay 1993 , isaga oo uu magacaabay madaxweynihii labaad ee Somaliland Mohamed Xaaji Ibrahim Egal, waxaanu muujiyey dadaal uu ku kasban karo shacabka isagoo waajibaadkiisii shaqana ka soo baxey ;  inkasta oo dadka dhaliila siyaasadda cali xoorxoor ay ku sheegaan nin ku tagri falla hantida uu masuulka ka yahay haddana waxa uu si gaar ah horumar la taaban karo uga dhaliyey marsada magaalada berbera isagoo mudadaasi uu xilka hayey wax badan ku soo kordhiyey dakadda berbera , waxaana sababta soo noqnoqashada cali xoor xoor ee xilalka xukuumadaha loo nisbayn karaa nin hantey quluubta shacabka uu markaasi masuulka ka ahaa , waxaanu ahaa masuul gacan furan taasi oo noqotay mida u saamaxday digreetooyinka kala duwan ee lagu magacaabay

  1. Cali Maxamed Warancade

    Cali Maxamed warancade , waa siyaasi inta badan la soo shaqeeyey xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland isagoo soo marey xilal badan oo wasiiro u badan isagoo soo marey wasiirada , hawlaha guud, warfaafinta, waxbarashada, arrrimaha gudaha, duulista iyo hawada , caafimaadka, isagoo wasaarad kasta oo loo dhiibo si fiican uga soo bixi jirey , inkasta oo takhasuska cali warancade uu ahaa Nabadsugida (Amaanta), haddana khibradiisa shaqo waxay noqotay mid u saamaxday in uu wasaarado kala duwan ka hawl gali karo, waxyaabaha loo nisbayn karo in cali warancade uu xilalkaasi wakhtiyo kala duwan ku soo noqdo ayaa ah isaga oo ah siyaasi neceb  mucaaradada oo inta badan ka ag xukuumadda, iyo isaga oo xooga saara quruxda bilicda goobta uu masuulka ka yahay taasi oo sababta isbdedel togan oo indhaha shacabka soo jiidata

  2. Abiib diiriye nuur (Abiib timo cad)

    Abiib diiriye nuur (Abiib timacad) , waxa uu la kowsadey hormadii u horeysay wasiiradii uu magacaabay Madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland Alle haw naxariistii Marxuum C/raxmaan Ahmed cali tuur isagoo noqday wasiirka caafimaadka , sidoo kale Abiib diiriye waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii Madaxweyne cigaal Alle haw naxariistee iyo Madaxweyne riyaale , isagoo sidoo kale soo marey la taliye madaxweyne , sabababa gaar ah ee loo nisbayn karo magacaabista badan ee Mudane abiib ayaa lagu micneyn karaa masuul inta badan maleega  fadqalalooyin siyaasadeed (political assassination ) oo laf dhuun gashay ku noqda masuulka ama madaxweynaha xilka haya , taasi oo sababta in mudane abiib uu noqdo mid inta badan ka ag dhawaado xukuumadaha markaasi tallada haysa

  3. C/laahi Maxamed Ducaale

    C/laahi maaxmed ducaale oo la kawsadey wasiiraddii xukummadii labaad ee Somaliland oo uu hogaaminayey marxuum cigaal , waxa uu noqday wasiirka maaliyada isagoo markaasi ka soo baqooley maraykan oo uu wax ku soo bartay , sidoo kale wax uu noqday wasiirka duulista iyo hawada , warfaafinta iyo arrimaha dibada , C/laahi maxamed ducale oo ahaa nin siyaasad furfuran oo ka madax-banaan qabiil waxa loo nisbayn karaa xilalkiisa kale duwan masuul ka caagan xaydaabka qabiilka ee inta badan naafeeya masuuliyiinta Somaliland

  4. Saleebaan Maxamuud Aadan

    Saleebaan maxamuud Aadan waxa uu xilkisii u horeysay ka qabtay xukuumadii u horeysay ee Somaliland isagoo noqday wasiirka maaliyada , sidoo kalana waxa uu noqday wasiirka ciyaaraha ee wasiiradii 1997-kii uu soo dhisay marxuum cigaal , 2004-tii ayaa loo cumaamaday gudoomiyaha golaha guurtida ee Somaliland ka dib geeridii marxuum sheikh Ibrahim sh. Yusuf sh. Madar , Saleebaan maxamuud ayaa lagu tilmaamaa nin mucaaradad adag isagoo xilalka badan ee uu soo qabtayna loo nisbayn karo siyaasi aragti dheer oo culays siyaasadeedna ku dhex leh beesha uu ka soo jeedo

  5. Eng Maxamed Xaashi Cilmi

    Engineer Mohamed xaashi cilmi oo la soo shaqeeyey xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland waxa uu xilkiisii u horeysay ka bilaabay mayorka caasimada hargeysa iyadoo wakhtigaasi mayor-ka caasimada uu magacaabi jirey madaxweynaha wakhtigaasi tallada haya; waxaana magacaabay madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuum maxamed xaaji Ibrahim cigaal , waxaanu wakhtigaasi soo bandhigay kartidiisa siyaasadeed isagoo shacbiweynaha ku dhaqnaa caasimada ay la dhaceen waxqabadkiisii , sidoo kale Mudane maxamed xaashi waxa uu soo marey wasiirada ganacsiga , maaliyada , sababta ugu weyn ee loo nisbayn karo xilalka kala duwan ee wakhtiyada kala duwan soo noqnoqday ayaa la odhan kartaa isagoo ah nin awooda iyo culayska saara masuuliyadda shaqo ee uu markaasi hayo isaga oo ay u dheer tahay daacadnimo iyo shaqo hufnaan, sidoo kale Engineer Maxamed xaashi ayaa ah nin inta badan ka madax banaan xaydaabka qabiilka ee naafeeyey nidaamka siyaasada Somaliland

  6. Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir

    Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ahaa mayorkii u horeeyey ee ku yimaada codka shacabka Somaliland, waxa uu ahaa mayorkii Afraad ee Somaliland yeelato , waxaanu noqday mayorkii ugu muddada dheeraa magaalada hargeysa , isagoo xilkasi hayey 2002-2012, oo ah muddo toban sanno ah , waxaanu mayorka loo nisbay karaa in uu muddadaasi golaha hogaamiyo isaga oo ahaa nin inta badan ilaashada danahiisa u gaar ah , isagoo wakhti badan galin jirey sidii uu u baajin lahaa kalfadhi kasta oo ka dhan ah xilkiisa , waxaana dhacday in uu koobmey waxqabadkii dawladda Hoose wakhtigaasi, isagoo sidoo kale noqday mayorkii ugu safarka badnaa muddadii uu xilkaasi hayey.

  7. Maxamuud sheekh C/laahi Cige

    Maxamuud sheikh C/laahi oo ah inta badan siyaasi qunyar socod ah oo aan inta badan ka dhex muuqan masraxyada siyaasadd Somaliland waxa uu haddana ka mid yahay siyaasiyiinta ugu muddada dheeraa Somaliland 26-kii sanno ee ay jirtay waxaanu soo noqday agaasime ka tirsan xukuumaddii Marxuum Maxamed xaaji Ibrahim cigaal , isagoo noqday badhasaabkii ugu muddada dheeraa gobolka awdal , sidoo kale hadda waxa uu ka mid yahay golaha wasiirada ee Somaliland isagoo ah wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta

  8. Mohamed Cismaancaalin (|General dayib)

    Mohamed cismaan caalin oo ahaa madaxa laanta aqoontiga ee wasaarada arrimaha gudaha waxa uu xilkaasi hayey ilaa wakhtigii marxuum cigaal isagoo hadda ah taliyaha laanta socdaalka ee jamhuriyada Somaliland , sababta uu Mr general dayib ku kasbay sii joogista booskiisa ayaa ah isaga oo ah masuul khibrad badan u leh masuuliyadiisa shaqo

  9. Nuux ismail taani

    Sareeye Gaas nuux ismail taani waxa uu xilkisii u horeeyey ka qabtay xukuumadii madaxweyne rayaale isago noqday taliyaha ciidanka militariga , sidoo kale waxa jeer magacaabay madaxweyne siilaanyo , isaga oo wakhti xaadirkana ah taliyaha ciidanka bilayska , sababta loo nisbayn karo soo noqnoqoshada MR taani ayaa ah isaga oon ah nin daacad ah islamarkaana ay jecelyihiin badiba ciidamada miliatariga ee uu masuulka u yahay

Wabilaahi tawiiq

Diyaarintii :  Ahmed Max’ed Cisman Caalin

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles