Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

150 kun ee Awdal ka codayn doonaa ma Waddani ayey u badan doonan mise Kulmiye.

$
0
0

Musharrixiinta Madaxweyne ee Abdirahman Cirro iyo Col.Muse Biixi waa laba nin oo ixtiraam iga mudan, abtirsiin iyo is-aqoonna iima kala dhawa, waxayse kala hoggaaminayaan laba xisbi oo kala midab ah, oo aan midna qorshihiisa la dhacay…waa Waddaniye, balse aanan maamulkiisa qurbaha u bogin, gaar ahaan maamulka ka jira dalalka Yurub. Hoggaanka xisbiga ee Abdirahman Cirro hoggaaminayaana malaha maba oga in dabayl badani kaga imanayso qurbaha.

Xisbiga Kulmiye-na waxa aan ka soo maagay dawladda uu muxaafidka u yahay ee aanu marnaba diyaar u ahayn in ay tilmaamaan dhalliillaha hadheeyey maamulkeeda iyo hoggaanka sare ee Kulmiye oo ku mashquulsan kala qaybinta shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland. Sidoo kale waxa bar madaw ku noqday siyaasiyiinta ka soo kallaha xafiisyada dawladda, gaar ahaan kuwa reer Awdal ee wada danaystayaasha ah, mujtamacyada ay ka soo jeedaanna barta madaw ku ah. Laakiin Xisbigaa Kulmiye waxa aan jecelahay taageerayaashiida qurbaha Yurub, gaar ahaan xubno aan saaxiib nahay oo hawl wadeenna ka ah dalka UK.

Aragtida noocaasi ah keligay ma qabo, waana aragti la ila qabo. Waxana ay cidlo gabaahiir ah dhigtay Col. Muse Biixi oo nin adag ah. Haddii uu raggeedii heli lahaana ciyaarta siyaasadda guul weyn ka soo hoyn lahaa. Balse immiga ay muuqato in kooxda Abdirahman Cirro ay aad uga habaysan tahay, ciyaarta siyaasaddana si fiican u waddo. Abdirahman Cirro laftiisu haddii aanu si mug leh uga hawl gelin qurbaha, waxa uu mudan doonaa, mid taasi Muse la mid ah.

Dadku waxa ay sheegaan in xisbiga Kulmiye haysto dhaqaale ka badan ka Waddani, isla markaana ay dawladdu aad u taageerayso, oo ay la shaqaynayso. Hase yeeshee, markii aan arrintaa u kuur galay, waxa ii soo baxday in xisbiga Kulmiye loo qayilaad tago, balse aan loo codayn doonin. Waddanina uu muujiyey in uu yahay xisbiga rajada iyo mustaqbalka Somaliland. Fara madhnaantuse ay wiiqi doonto. Ciyaarise waa gellin danbe ee aan eegno.

Si kastaba arrini ha ahaatee, haddii aan u soo noqdo Awdal iyo codeeyayaasha 150 kun ahi, in ay illaa immiga ka soo taagan yihiin maamulka xisbiga Kulmiye, oo xataa aan la hubin in ballan qaadyada uu dadka u sheegay ay run tahay. Kala qoqobka iyo qabyaaladda aan shaadhka huwanaynina ay tahay ta lagu nacay, sidaasi daraaddeed, haddii maanta ay doorashadu dhici lahay, waxa 95% waxa ay u codaynayaan Xisbiga WADDANI., Madaxweynaha mustaqabalkuna waxa uu noqonayaa Abdiraan Cirro.

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>