Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28240

170 qof oo Tahriibayaal ah oo lagu soo qabtay xeebaha Sanaaag

$
0
0



Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Qaybta 3-aad ee fadhigoodu yahay Xeebaha Gobolka Sanaag ayaa qabtay tahriibayaal ka kooban rag iyo dumar oo laashash doonaayay in ay ku galaan dalka Yemen halkaasi oo ay uga sii gudbayeen dalka Sucuudiga

Tahriibayaashan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ayaa tiradooda lagu sheegay 170 qof, waxana ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ay tahriibayaashani ka soo qabteen xeebta Waqdariya ee gobolka Sanaag, waxana sidoo kale ay xukuumadda Somaliland ku daba jirtaa shabakada dadkani tahriibisa iyo cid kasta oo ku lug leh danbugan foosha xun.

Xeebaha Somaliland ayaa ay ciidamada badu aad u ilaaliyaan waxana aad u adag in ay isticmaalaan dadka hubka ganacsda iyo dadka wax tahriibiya

Ilaa hada xukumadda Somaliland kama ay hadli dadkaasi sida sharci darada ah uga tahriibaayay xeebaha Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28240

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>