Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Safiirka Somaliland u jooga dalka Jabuuti oo lagu marti qaaday kulan mihiim ah

$
0
0

Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti oo lagu casuumay Xuska Xasuuqii Rwanda, Lana Meeqaam ahaa Safiirada Maraykanka iyo China….

Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qaybgalay Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda dalka Ruwandi ku leedahay dalka Jabuuti, iyadoo safiirka Ruwanda u fadhiya Jabuuti u soo casuumay Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti iyo Safiirada kale ee ku sugan dalka jabuuti.
Ujeedada munaasibada ayaa ahayd xus sanaadla ah, oo dadka reer Ruwanda ku xusaan xasuuqii ba’naa ee Rwanda dhacay sannadkii 1994-kii, kaasoo lagu xasuuqay in ka badan 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda tuutsiga.

Safiirka dalka Ruwanda u fadhiya Jabuuti, ayaa Afrika uga digay colaadaha qabiilada, isagoo sheegay inay tahay fool-xumo iyo xad-gudub, waxanu tilmaamay in cashar laga barto wixii 1994-kii ka dhacay Ruwanda.
Si kastaba ha ahaatee, Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa sanaad walbaa lagu casuma Munaasibada Xuska xasuuqii Rwanda, sidoo kale Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti waxa kaloo lagu casuumada kulan kastaa oo lagu casuumo diblumaasiyiin iyo safiiro, waxana hada uu dhex fadhiyay lana meeqaam ahaa safiirada China iyo maraykanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>