Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Cabdillahi Cabdi Xaaji Cumar oo Qiray in Haylkakii Dawaladnimo aanu Jirin

$
0
0

“Dad aan la dooran … dad aan la dooran… dadan aan la dooran saddex jeer ayaan ku celiyey ayaa go’aanada u danbeeyey ee dalka go’aamiya”

Cabdillahi wuxuu sheegay in dalkan madaxweynuhii loo doortay inuu hawl-gab noqoday, sida awgeed, uu awoodi maamul ee dalka uu ku wareejiyey wiil ay habta guud wadaagan, wuxuu kale oo La-taliyaha shaqada ka tegey (resigned) uu sheegay in Madaxweyneyaashi hore ee dalkan soo maray sida, Cigaal iyo Riyaale ay lahayeen Wasiiro madaxtooyo laakin ay shaqadoodu ku koobnayad maamulka madxtooyadda,

Wuxuu sheegay Cabdillahi in maanta uu Maxmuud Xaashi wadanka ka taliyo, markii horena uu ka talin-jirey Xirsi Xaaji Xasan. Madaxweynha Axmed Maxamed Maxamud wuxuu bedelay Haykalkii dawaladeed wuxuu awoodi wadanka u dhiibay wiilal ay hab-wadaag yihiin. Waa Madaxweynehii ugu horeeyey Somaliland ee qabyaald qaawan dalka ku maamul.

Wuxuu sheegay in wasiirka Madaxtooyadda ay safaf dhaadheer ugu jiraan wasiiradda kale oo uu tiradooda ku sheegay 69. Maxamud Xaashi waa Ra’iisul-Wasaare isaga ayaa leh awooda madaxweyne, waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweyne-ku-xigeenkii uu cida fadhiyo oo shaqadiisi uu hayo Wasiirka Madaxtooyadu. Meel cido ah ka calaacalo. Wuxuu sheegay in aanu canbaaray ee uu yahay madaxweynhiisi

Wuxuu sheegay in aanu madaxweynaha ku dhaliilayn arrimaha uu sheegay, waxaa hadaba is-weydiin ayuu ku dhaliilay arrimaha? Waa arrin is burinaysa. Waxaa talada dalka loo dooratay waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, qofka hawasha gabay ee masuuladda loo dhiibay ka soo bixi kari waayey waa Axmed Maxamed Maxamud.

Cabdillahi wuxuu ka dayriyey Gudigga Doorashadda (Commission) wuxuuna sheegay in iyagu ka danbeeyen wax uu ugu yeedhay mus-danbeedka Guddiga Doorashadda, wuxuu kale oo sheegay inuu Madxaweynaha u soo jeediyey inuu isku daro Guddiga Doorashada iyo Guddiga Diiwaangelinta Xisbiyada oo mid laga dhigo. Wuxuu Cabdillahi dhaliilay habka loo soo xulay Guddiga Doorashada waxaa ka maqan goboladda darafyadda sida Sool iyo Seleel ayuu yidhi. Wuxuu kale oo soo jeediyey in laba garyaqaan lagu kordhiyo oo tiradooda laga dhig 9 xubnood. Waa talo-wax-ku-ool ah.

Waxaa cad in haykalkii dawaladnimo wax ka dhaca mooye aanu waxba ku kordhin muddad 7 sanno ah ee uu Madaxweyne ka ha wadanka Axmed Maxamed Maxamud. Aqoonsi raadintii (recognition) oo sheekadeedi dhamaatay. Arrimihii debedda oo ba’aabay. Ummaddii oo rajo dhigtay. Dhalinyaraddii oo Xamar u haqal-taagaya. Wasiiraddii oo boobkii hantidda ummada ku faanaya (dalkeena nimca fadhida). Bank-gigii Dhexe oo ba’aabay. Lacagtii Somaliland Shilling ahayd oo aan la istcmalahayn.

Doorashaddii oo u muuqata mida aan qabsoomay, haddii ay qabsoontan u muuqta mida dagaal iyo boob ka dhaco, waayo, Police wadanka waa mid aan la isku halayn karin oo ay ka muuqato aqoon la’aan, jaahilnimo iyo u adeegidda wasiiro gaar ah.

Waxaay u muuqata in wadanku ku noqon doono shir beeleediyo iyo meeshi aan ka soo guurnay 1997, muddo iminka laga joog 20 sanno. Waayo waa sida keliya ee colaad sokeeyo laga badbaadi karo.

Osman Awad
waaba2003@yahoo.ca


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles