Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

$
0
0

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

Hargeysa(Qarannews)Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa markii ugu horraysay hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System).

KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.

Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>