Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28252

Xukuumadda Somaliland oo dhambaal tacsi ah u dirtay dawladda iyo shacbiga Iran

$
0
0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dawladda iyo shacbiga Iiraan oo ay ka tacsiyadaysay shilkii diyaaradeed ee ay ku dhinteen madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii arrimaha dibadda Iiraan Hossein Amir-Abdollahian.

Siday werisay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Wasiirka Arrimaha dibadda JSL Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa dhambaal tacsi ah oo u diray shacbiga iyo dawladda Iiraan.

Wasiirku wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland uu tacsi tiiraanyo leh u diray shacbiga iyo xukuumadda Iiraan, waxaanu uga tacsiyadeeyay diyaaradii ay ku dhinteen madaxweynihii iyo wasiirkii khaarajiga Iiraan.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo madaxda ku dhimatay diyaaradaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28252

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>