Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Dacwad waxaan ka idhi masaakiinta aan cidi u juuqaynin

$
0
0

DACWAD WAXAAN KA IDHI MASAAKIINTA AAN CIDI U JUUQAYNIN!!!!

Sidaynu lawada socono dalka waxaa ka tagaan saddex masiibo oo kala daran oo midiba mida kale ka daran tahay, saddexdan masiibo ayaan doonayaa inaan mid mid u falanqeeyo hadii ilaahay idmo waxaanay kala yihiin sidan hoos ku taala.
1. Masiibada koowaad ee umada haysaa waa abaabaraha oo mudo laba sano ah wadankeena haysta isla markaana galaaftay xoolo fara badan haatana waxay maraysaa in dadkii haraad iyo macaluul u dhintaan, ilaahay ayaan ka baryeynaa inuu isgaa qaadiree inaga soo jabiyo abaarahay waayo gacanta ilaahay ayuunbaa lagu baahi baxaa gacan bini aadam waxba tari mayso.
Dhinaca kale dadka reer miyiga ah oo abaaruhu halakeeyeen waxaa u raacday dhoofka xoolaha nool oo ahaa isha dhaqaale ee guud ahaan dalka ayaa la joojiyey taasi oo si weyn u saameysay bulsho aad iyo aad u fara badan oo miyi iyo magaalo bal eh.
2. Masiibada labaad ee iyana in dhaweyd ba ina haysatay waa sixir bararka oo isna cagta mariyey ama saameyn weyn oo taban ku jeeshay dadka danyarta ah guud ahaan, sixir bararkan oo ay sababeen dhawr waxyaabood oo ay ugu weyntahay hoos u dhaca shilinka soomaaliland iyo kor u kaca dollarka.

Tani waxay timid ka dib markii xoolaha dhoofkooda la joojiyey kuwaasi oo dabcan uu dollar fara badani inaga soo gali jiray, waxaa kale oo yaraatay lacagtii dollarka ahayd ee iyana inaga soo gali jirtay dibada ee ay dadkeena dibadaha joogaa soo dhigi jireen xawaalahadaha.

Dhinaca kale waxaa intii yarayd ee hadhayna isasii hamba raacshay lacagta inagaga baxda qaadka oo laga dhigay dollar kadib markii dawlada itobiya u baahatay lacag adag ayaa waxay soo rogtay in lacagta qaadka ay ku qaadato dollar taasina waxay noqotay ka daroo dibi dhal.
3. Masiibada sadexaad oo aan odhan karo waa tan ugu daran waa dawlad xumada ina haysata taasi oo tahli kari weysay inay maarayso ama wax ka qabato dhamaanba masiibooyinkaa aynu sare ku xusnay ee dadkeenii miyi iyo magaalaba halakeeyey.

Dawladu waxay tahli kari wayday inay wax ka qabato oo usii weel samaysato masiibooyinka dabiiciga ee ay abaartu kow ka tahay, waxay dadkeeda u samayn kari wayday biyo xidheeno waaweyn iyo riigag kuwaasi oo hadii maamul wanaagsan oo daacad ah la helo ay yartahay lacagta ku baxaysaa, iyadoo taa ka soo hor jeedkeeda ay dawladu arrimaha qabyaalada iyo danaha gaarka ah ku bixiso malaayiin lacag ah.

Geesta kale dawladu waxay ku guul daraysatay inay sixir bararka wax ka qabato iyadoo la yaqaana wakhtigan xaadirka ah halka ay furtu ku godan tahay oo ah in gabi ahaanba la joojiyo lacagta dollarka ah ee qaadka lagu qaato ee aada dhinaca itoobiya,isla markaana ay ka shaqaysiiso baanka dhexe ee dawlada kaasi oo hadii sidii uu ahaa looga shaqaysiiyo wax badan ka qaban kara sixir bararka.

Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah in ay dawladu tidhaa sixir bararka waxaa sabab u ah zaadka taasi oo runtii aanay waxba ka jirin runtuna hada way cadaatay.

Guntii iyo gaba gabadii waxaan dawlada u soo jeedinayaa inaanay iska indho tiring xaqiiqada horteeda taala oo aanay ku warwareegin meelo aanay waxba ka jirine dadkeeda ay badbaadiso, waayo cida dawlad lagu yahay waa dadweynaha cida codka laga rabaa waa dadweynaha kuwa aad ku faantaan waa dadweynaha sidaa awgeed waa inaad sidan dadka u dhaantaan ood masaakiintiina il dheer ku eegtaan ood iska daysaan qabyaalada iyo qudhunka aad malaayiinta dollar ku bixinaysaan.

ALLAA KAHAD LEH

WW/Q: JAMAAL CABDILAAHI (ABU CIZA)
jamaalsuxufi@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666