Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada waaweyn ee caasimada hargeysa ayaa cabasho xoogleh usoo gudbiyey masuuliyiinta dawlada, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, wasaaradda arrimaha gudaha iyo laamaha amniga, Cabashada ganacsatadan ayaa waxay salka ku haysaa ciidamo aan saldhig lahayn iyo dhallinyaro shufto ah oo wada socda kana amar qaata maayirka caasimada ee Cabdiraxmaan SOLTELCO oo boob, hanjabaad iyo dhac ku haya waa sida hadalka ay udhigeene.
Ganacsatadan ayaa waxay maalmahanba cabashadooda usoo gudbinayeen saldhigyada ciidamada bileyska sida saldhiga dhexe ee caasimada iyo saldhiga New hargeisa, muddo markii cidiba ay dheg iyo jalaqba u siin weyday warkooda ayaa waxy shalay dacwadooda la horyimaadeen masuuliyiinta qaranka heer gobol, wassarada arrimaha gudaha gaar ahaan wasiirka amniga, wasiir ku xigeenka, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maamulka iyo agaasimayaasha laamaha amniga.
Sidoo kale waxay warbaahinta iyo Masuuliyiinta qarankaba u xaqiijieyeen in maalmahanba si arxan darro ah loola dhaqmaayay oo meheradahoodii iyo hantidoodiiba la baabi’iyey, Afhayeenka gudida ganacsatada ee caasimada oo si qoto dheer uga waramay dacwadan ayaa waxa uu yidhi:
“Dacwadayadani waxay kasoo gudubtay dhamaanba saldhigyada caasimada kuwo dhexe iyo kuwo heer degmaba, waxaan halkan idiinku caddeynayaa inaanay dawlada dhexe wax war ah ka haynin budhcaddan isugu timid dawlada hoose ee hargeysa, sababtoo ah waxay noqdeen dad usoo shaqo tagay sidii ay u xalaashan lahaayeen hantida umadda, waxay boob iyo dhac ku hayaan meheradihii ganacsadu lahaayeen, hadii aad kawar qabtaan iyo hadii kaleba waxa jira ninman shufto ah oo dhalinyaro ah waxay wataan askar bileys ah oo direyskii ciidanka qaranka sharaftiisii diley waxay ka amar qaataan maayirka caasimada Cabdiraxmaan Soltelco, iyagoo kooxo kooxo u socda ayay meheradaha dadka iskasoo galayaan waxba ku weydiin maayaan waraaqo dacwado ah ma sitaan meheradaada intay iska baadhaan oo sidey doonaan ka yeelaan ayaa hadii aad lahadashana intey ku qabtaan ku xidhayaan kadibna 4 illaa 5 milyan oo shilinka somliland ah kugu ganaaxayaan.”
Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:
“Intooda badanina habdhaqankoodu waa nidaam tuugonimo ah oo hantidayadii xalaashadey hadii sidan ay wax kusii socdaanna waanu is difaaci waanaan la dagaallami doonaa nimankaas, waa arrin runtii aad u fool xun waana wax khalad ah hadii dambi nalagu hayo annaga ayaa dambiilayaal qaran ah hadii kale nimankan iyo qolyahan dawlada hoose hanallagasoo qabto.”
Wasiir ku xigeenka amniga oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi:
“Run ahaantii waa laydinla qaatay dacwadiinan waa arrin culus waxbaanu ka qabaneynaa insha-allah sida ugu dhakhsaha badan dibna u arki meysaan balse walaalayaal idinna dadkiin u naxariista oo sixir bararkan iyo maciishadan hoos nooga dhiga nabad galyadanna aynu ilaashano runtii waxa xusid mudan in arrintani ay tahay camalkiinii ee bal dib isugu noqda oo dadkiina u tudha, waxan aad shicibka iyo annagaba naga iibineysaana bal dib u eega oo date kiisa iyo waqtiga uu dhacaayo nagasoo hubiya markaad soo qaadanaysaan, runtii annana hawshaas waanu daba galeynaa waa sharci darro waanu la tashaneynaa dibna idiinku iman maayaan nimankaasi.”