Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Dareenka Maanta Jira Iyo Dhibaatooyinka Haysta Somaliland… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

$
0
0

“Haday dunida ceeb tahay
dus-duskiyo khiyaamadu
noo dabeeccad weeyaan
Nin dilaala mooyee
degmadaan ku noolahay
nin daryeel yidhaahdaa
duli buu kaa qoran yahay”
Maansadii daba-taxan ee Abwaan Gaariye Allaha u naxariistee.

Marka hore ilaahay baa mahad leh ii suurto-geliyay inaan maqaalkan qoro, intaa kadib waxaan salaamayaa Saxaafada iyo Akhristayaasha.

Sida umada reer Somaliland ay wada dareensantahayba Dalka waxaa ka jira Abaaro iyo Dhibaatooyin ay weliba u dheertahay Sicir barar.

Dadkeenuna noloshiisu waxay ku xidhantahay dhaqaalaha kasoo gala xoolaha iyo beeraha.

Xoolihii way madheen!, beerihiina Abaaro darteed warkoogaba’daa.

Siyaasiyiinta, masuuliyiinta maamulka inoo haya iyo Ganacsatada dareenkaa inta umadda la qeeybsaneeysa way yartahay ama maba jirtaba!.

Dad weeynihiina waxay ku sifoobeen:
“Nimaan-kaba dareen qabin
Inuu dayn ka maqan yahay
Ayaan doono lagu karin.

Dulucdeyduu waxay tahay
Dowga aada boorama
Kuma geeyo daafeed
Xeerkiyo dastuurkii
Loo dejana kuma fulo
Raggu waa is dili jiray
Dibna wuu u kaban jiray
Weli dunida lama arag
Cudur aan dawo laheyn
Doqonimo mooyee..” -(Abwaan Gaariye)

Walaalayaal dalka iyo dadka unaxa oo ilaahay ka baqa oo Umadda u gurmada. ilaahay abaaraha ha inaga saaree.

Alla Mahad Leh.

Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: 063-4453653
Boorama – Somaliland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>