Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Hotel-ka Cusub Ee Amina Waris ee laga dhisay hantidii qaranka oo diiday in uu bixiyo cashuurtii qaranka loogu adeegi lahaa Daawo Shatigani

$
0
0

Hargeisa,(Qaran-news)- Hotel-ka raaxada ah ee ay afada madaxweynaha Somaliland ka dhisatay magaalada Hargeysa ee todobaadkani albaabada loo furay ayaan haba yaraatee bixinin wax Tax- ama cashuurtii ku waajibtay ee dastuuriga ahayd sida ku cad Shatiga kor ku xusan oo cadaynaaya in aan haba yaraatee wax cashuur ah lagu qaadin taasi oo ay ahayd in ay ku dhacdo qasnada dawlada,

Hotelada kale ee Hotelkani dhigiisa ah ayaa laga qaadaa cashuur joogto ah taasi oo ay ku xusaan shatiyada kani la midka ah, waxna halkaasi kaaga cad in cashuur dhaaf naas nuujin ah loo sameeyay marwada madaxweynaha Amina Waris Jirde, oo Hotel-kani ugu magac dartay walaalkeed oo dhintay mudo hore, isla markaasina ay ka dhaxashay dhulka ay ka binaysay dhismahani cusub.

Qoyska madaxweynaha siiba marwada iyo wiilka ay sodoga u tahay ee Bashe Cawil Morgan ayaa aqalo qaali ah ka dhistay maglooyinka Berbera iyo Hargeysa iyaga oo ishan ku haya Hotelo iyo aqalo qaali ah oo ay ka dhistaan doonaan agagaarka madaarka Burco kadib marka madaarkaasi la dhamaystiro iyaga oo haysta dhul baaxadleh oo aan ka fogayn madaarka Burco oo ay ganacsigooda ku fidin doonaan iyaga oo haya ama meel dhigtay lacagtii ay ku kicin lahaayeen xitaa hadii ay qaadanyso marka ay xilka ka tagaan.

Isku soo wada duuboo, Hotelkani Amina Waris oo laga dhisay hantidii qaranka ayaa hadana laga sii naas nuujinyaa cashuurtii qaranka, waana waxyaabaha la yaabk ah  ee maanta dalka ka taagan ee aan hore inoo soo marin xitaa xiligii ay Somaliland gacanta qaldan ugu jirtay xukumaddii Siyaad Bare ee Malatariga ahayd


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles