Bal siday noqon lahayd siyaasada Somaliland haddii distoorku ogolaan lahaa Musharaxa madaxbanaan (independent candidate) oo jagada madaxweyne u tartama? Waxaan anigu aaminsan ahay inay musharaxiinta saddexda xisbi, ay siyaasad doodan fadhiidka ah wax weyn ka bedeli lahaayeen, oo xisbiyo mabda’ iyo hadafba leh ay innoo soo bandhigi lahaayeen, dee ilayn tolla’aydani caqli maahee.
Sheeko ayaa tidhaahda, nin buu berri mas qaniiney, markaas baa Wan sumal ah oo weyn loo qalay, si subig badhi loogu shiilo, oo markaas dabadeed subaga badhida la cabsiiyo. Ninkii masku qaniiney oo suntii iyo kaarkii la baaxaa degaya, baa madiibad subagii badhidu ku jirto la dul keenay, oo lagu yidhi waar badhida cab iyadaa sunta maska ka dawo ahe. Dee waa nin xumadi haysee wuu diidey inuu cabo, nin ag taagnaa ninka masku qaniiney, oo subaga badhida inuu cabo jeclaa baa adkaysan kari waayey oo markaas yidhi hadal calaal u eg oo sidan u dhigan “ninkii badhida cabi lahaa masku muu qaniinin”. Iminka maxaan garanayaa dhowr nin oo haday fursad ay kula beratamaan saddexdan musharax heli lahaayeen, iga wala waxay u badnaan lahayd inay xadhuudh laha ku dari lahaayeen. Waa iska xaal adduun!
Cali Kubad