Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Shirkii golah wsiirda Somaliland uu Shir-gudoominayey madaxweyne ku-xigeenka iyo qodobadii lagaga hadlay

$
0
0

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Fadhigii 37-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna KU-SIMAHA Madaxweynaha JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 37-aad waxa ka mid ahaa:

𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba amniga dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira Dalka JSL.

Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxda. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shir doceedyadii Gogosha Nabadda ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhigay magaalada Ceerigaabo ay si habsami leh u socdaan. Wasiirku waxa uu sheegay in Shilalka Gaadiidku ay noqdeen mushkilad Qaran oo u baahan in Qaran ahaan si wadajir ah wax laga qabto.

𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu Golaha si guud ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha Berriga iyo kaalinta ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in xaaladda dakhliga iyo dhaqaalaha dalka ay u socdaan sidii loogu talo galay, isaga oo sheegay in ay jirto korodh muuqda oo ku yimid dakhliga gudaha, sidoo kalena ay sii xoogaysanayso xasiloonida dhaqaale ee dalka JSL.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in Dawladda Somaliland ay mudnaanta siineyso wax-soo-saarka iyo maalgashiga gudaha, kobcinta ganacsiga, iyo abuurista istiraatijiyado Qaran oo lagu kobcinayo dhaqaalaha Dalka.

Dhinaca kale, Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa isaguna Golaha siiyey warbixin gaar ah oo ku saabsan halbeegyada maaliyadeed (metrics) ee muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha siiyey warbixin aqooneed oo la xidhiidha afar qaybood oo waaweyn:

𝟭. 𝗙𝗶𝗻𝗮𝗻𝗰𝗶𝗮𝗹 𝗦𝗲𝗰𝘁𝗼𝗿 𝗠𝗲𝘁𝗿𝗶𝗰𝘀
𝟮. 𝗧𝗿𝗮𝗱𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗧𝗿𝗮𝘃𝗲𝗹 𝗠𝗲𝘁𝗿𝗶𝗰𝘀
𝟯. 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗠𝗲𝘁𝗿𝗶𝗰𝘀
𝟰. 𝗙𝗶𝘀𝗰𝗮𝗹 𝗠𝗲𝘁𝗿𝗶𝗰𝘀.

Wasiiru-Dawluhu waxa uu sheegay in xogtani ay muhiim u tahay Dejinta Siyaasadaha dhaqaale iyo go’aannada istaraatiijiga ah ee Dakhliga gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka.

𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in roobku uu ka da’ay meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, laakiin ay weli Gobollada Bariga dalka ka jirto biyo yaraan. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani iyo Dayactirka Ceelasha Biyaha.

𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢-𝐮-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirku ayaa Golaha siiyey warbixin nuxur leh oo ku saabsan xaaladda guud ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah, iyo dedaallada socda ee lagu xoojinayo mowqifka Somaliland ee aqoonsi raadiska iyo iskaashiga arrimaha horumarka bulshada. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in dedaallada aqoonsiga Somaliland ee ay horseedka ka yihiin Goleyaasha Sharci Dejinta ee dalka Mareykanku ay u socdaan si wacan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si joogto ah ugu hawlan tahay xoojinta xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo lala yeelanayo Dawladaha saaxiibka la ah Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo:

1. Dhiirrigelinta iyo Dardargelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Kor u qaadista Sumcadda iyo Muuqaalka Wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland ee bulshada caalamka, gaar ahaan arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida, Dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka Sharciga.

3. Kobcinta xidhiidhka siyaasadeed, ka maalgashi iyo ka ganacsi ee ay Somaliland iyo dalalka caalamka.

4. Ka qaybgalka iyo ka muuqashada Madalaha Caalamiga ah, si loo muujiyo Mawqifka iyo Madax bannaanida Somaliland.

𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay xoogga saarayso tayaynta adeegyada caafimaadka dalka, ballaadhinta xarumaha caafimaadka, iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in muddadii ay jirtay Xukuumadda cusubi ay adeegyada caafimaadka guud ahaan soo hagaagayaan, gaar ahaan dhinacyada hooyada iyo dhallaanka, tallaalka, iyo la dagaallanka cudurrada faafa.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyso Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo hufan, oo daboola baahiyaha xagga Caafimaadka bulshada.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>