Somaliland Iyo Soomaaliya, Ma Noqon Karaan Laba Dal Oo Deris Ah?
W/Q Maxamuud Xeef
- Somaliland waxay 1991kii ku dhawaaqday inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale ka dib dagaal xoog badan oo jabahadii SNM la gashay kaligii taliyihii Siyaad bare, waxaanay qabsadeen goboladii waqooyiga oo ah Somaliland horena maxmiyad ugu ahayd boqortooyadii Ingiriiska 1884-1960kii.
Wixii intaas ka danbeeyeyna waxa jiray horumaro la taaban karo, waxa kale oo dadka ku jirtay yidiilo iyo wadaniyad, iyadoo qabyaaladu ay jirtay balse saameynteedu ay koobnayd marka laga yimaado dhawr dagaal oo sokeeye laakiin markii danbe laga heshiisay.
Soomaaliya waxay weli ku doodaysaa in Somaliland ay tahay qeyb iyada ka mid ah sidaa awgeedna aanay jirin cid citiraafi karta amaba xidhiidho gaar ah la sameyn karta, walaw ay dhacday in dalal badan oo dunida si iskood ah ay Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyihiin, mararka qaarna ay shidaal sahamin, qodis iyo ganacsi dhex maro, in kasta oo maalgelin debada ah aanay gudaheeda hadda ka jirin, waana mida ka mid ah caqabadaha shaqo la’aanta ah ee ka jira Somaliland haysatana dhalinyarada oo dalka debada uga tahriibta, nafahoodana halis geliya si ay nolol u helaan iyo shaqo.
Si kastaba Somaliland waxay dhankeeda ku dhawaaqdaa inay tahay dal madax banaan oo ay u dhan yihiin, dhamaan shuruudihii dawladnimo looga baahnaa, hase yeeshee ilaa iyo haatan ma jiro dal keliya oo Somaliland citiraafsan, waxaana madaxda dalka loo sheega in citiraafku uu ku jiro wada hadal iyo is afgarasho dhexmarta labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya oo arinkan ku kala aragti duwan.
Sidaa awgeed wax iska cad in citiraaf ay Soomaaliya ay siiso Somaliland ay tahay wax hadda aan suurtagal ahayn, loona baahan yahay in arinta dhinaca kale looga wareego oo ah in Somaliland ay ka shaqeyso horumarka gudaheeda iyo mida arimaha debada oo ay kordhiso xidhiidhada caalamiga ah, waxaana inoo cad in Soomaaliya aan diyaar u ahayn in ay laba dal oo deris ama jaar ah ay noqdaan Somaliland oo ay ka jiraan xasilooni, nabad iyo horumar dhinacyo badan ah.
Rajada citiraaf ay Somaliland ka hesho Soomaaliya waa inay iska ilawdo, dhanka kalena waa in la joojiyaa wada hadalada wakhti lumiska ah ee dhexmara labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana haboon in Somaliland ay dawladaha arintan wada hadalada dabada ka riixaya u sheegto in aanay Soomaaliya daacad ka ahayn, isla markaana ay ka cago jiidayso loona baahan yahay xal iyo in la dhexdhexaadiyo si loo soo gabagabeeyo.
Ugu danbeyntii, waxa iska cad in Somaliland aanay sugin citiraaf ay ka hesho Soomaaliya, waana in dadweynuhu taas ogaadaan, oo meeshaas ay ka soo baxaan laba dal oo deris ah, siyaasiyiintuna waa in ay dadweynah xaqiiqda u sheegaan oo ay ka daayaan rajada beenta ah, haday ahaan lahaayeen kuwa maanta jooga iyo kuwo hadda tartamaya ee xiga.
Mahadsanidiin.
Maxamuud Xeef