Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28232

Qalin jabintii ardayda jaamacda Sanaag ee uu ka qayb galay madaxweyne Cirro

$
0
0

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧-𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jabinta Jaamacadda Sanaag, Dufcaddii 11-aad oo ay ka qalin-jabiyeen arday ku dhaw 200 oo 55% ay yihiin hablo, isaga oo halkaas ka jeediyey hadallo dhiirrigelin, duco iyo dardaaran.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u diray ardayda, waalidiintooda iyo macallimiinta soo tababbaray, isaga oo ku bogaadiyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaadheen.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda qalin-jabisay ku waaniyey in ay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta bulshada ay ka soojeedaan, ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada ku wada nool Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda qalin-jabisay xasuusiyey in qalin-jabintu ay tahay bilow cusub oo mas’uuliyad leh. Waxa uu xusay in dalku uu iyaga
sugayo, mustaqbalka Somaliland uu gacantooda ku jiro.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u duceeyey ardayda in Ilaahay u barakeeyo aqoontooda, kuna hanuuniyo jidka toosan ee qarankoodu ku horumarayo.

Xafladdan qalin-jabinta ah ayaa ahayd mid farxadeed, taas oo muujisay heerka aqooneed ee gobolka Sanaag iyo muhiimadda ay waxbarashadu ku leedahay dhismaha bulshada deegaanka iyo mustaqbalka Somaliland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28232

Latest Images

Trending Articles