Haweenay u dhalatey dalka Nourth America oo lagu magacaabo miss Aparna Bamzai ayaa diyaarisey daraasad ama cilmi-baadhis ku saabsan cilimada wadamada geeska-afrika gaar ahaa Abaaraha oo mudooyinkii u danbeeyay aad loogu saadaalinayey Geeska , haweenaydan ayaa ah mid ka haw-gasha hay,ada la yidhaa (C.V.S.S.N, Climate Voices Science Speraker’s Net work). Qoladani oo laga dhagaysanayey war-bixin Shirkii cimilada aduunka ee dhawaan laysugu yimidey Xarunta Unta ama (National Acadamics of Science And Royal Society Climate Change- Evidance And Causes).
Intaa dheh war-bixin iyo haybteed imikana aan guda-galno waxay ay Miss Aparna Bamzai daraasada sheegtay, Geeska Afrika dunida inteeda kale sinna cimilo-gooreeda sababtuna waa inta badan geesku waa saxare-u-eeke u dhaw lama degaan badida dhulkiisu waana carro-san nafaqeysan si dabiiciyana oon daawo u baahnayn, tanni waxay sababtey inuu ku yaraado Roobku ama xili-roobaadka ma helaan xad biyo ah oo caalamka intiisa kale helaan xii-roobaadkooda, Waxa u dheer masiibadan Geeska Afrika Dhireyn la,aan iyo Naabaad-guur dhinaca dhirta ah, Waayo hada kuma taalo dhir badan oo dabeecada geeska lagu yaqaaney oo wey dabar-go,dey dhibaatadanina waa mid sii fogaynaysa ka soo raynta Cimilada.
Waxay xustay in ay jirto Geeska-afrika liidasho dhinaca ka faa,iideysiga biyaha yar ee ay helaan oo sida ay sheegtey intooda badan dooxyadu dareeriyaan waa tirade wadamada ugu badan geeska afrika marka laga tago dhawr wadan oo DHaamam leh, markaa waxa xaqiiq ah in wadamada geeska-afrika ay macaluulayaan haddii ay ku habsato Abaaraha loo saadaalinayo mudada shanta sanadoodee xidhiidhka ah haddii ay suurta-gasho saadaashaasi, Umadi waxay abaar kaga dabaalan kartaa waa kayd ama saanad ay dhigato oo leh xadi biyo iyo xadi quud ah, sidoo kale wadamadan geesku ma laha intooda badani tabac wax soo saar oo taaba-gala, Waayo wuxuu ka caawinayaa in lagu liico isla markaana lagaga gudbo marxalada taagan ee abaareed.
Wadamada geesku malaha urur-horumarineed oo ka shaqeeya dhinaca bah-wadaagta isu gurmadka xaalada nafla caaridka ah ee abaareed, maasiibo, colaadeed, sidaa darteed abtaar gobalkaa geeska loo saadaalinayaa waxy noqon karataa xaalad adeg oo ku soo fool leh dhamaan geeska oo dhan, haka dhigooda Bariga , Badhtamaha, Koofurta afrika ay leeyihiin ururo iyo kadaro ay kaga gudbaan halisahaasi, Masiibada u daranina waa Urur-goboleedkii abaaraha geeska oo noqodey urur-siyaasadeed Sida hal-ku-dhagiisa ka muuqata waxa uu ahaa (Inter Governmental Droughts Anad Development Agency).
Waxaan aduun-weynaha ka codsanaynaa in indhaha aad loogu hayo wadamadan Geeska-afrika waayo wey ka dhaqaale hooseeyaan caalamka iyo baddi afrikaba, wey ka roobab yar yihiin, weyka tabac yar yihiin, weyka tamar yihiin dhinaca cilmiga iyo saadaalinta, waa sida ay haweeneyda daraasada diyaarisey ugu baroor-diiqdey wadamadan geeska, yadoo waliba shaacisey in saxare-u-eekaha dhamaantii ay saameyn taban ku leeyahay (Global Warmmingku) taasina waa waxa ay cimiada geeska iyo abaartiisuba uga duwan tahay caalamka intiisa kale.
Miss Aparna Bamzai yadoo soo jeediteedii ku jira waxay tidhi maadama loo saadaalinayo geeska abaaro waa in si dhkhso ah loogu raadiyaa xal u heida dhibaatooyinkaasi waayo yagu ma qaadi karayaan dhibaatadaa xaddigaa le,eg, Ee u baahan maal-gainta, bad-baado nafeed, bad-baado la quutayaal ama xoolaha, si noosha dadku u hir-gasho, bilaa dhibaato iyo ooda-lul omaseedna looga baajiyo, Inaga urur ahaan waxaa inagu waajiba inaan booqano geeska umada wacyi-galino oo loogu gurmado siidhadh ku baxa biyo aad u yar oo inta waraabka bani-aadamka la mid ah, Waayo talaabadan waxaa ku bad-baadaya nolosha umadaha ku nool gobalkan ka mid ah ee dhibaatada weyni haysato oo halistiisa aan wadnaha farta ku hayno.
Turjumidii: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
abdiraxmaanjeesto111@gmail.com
Diplomatic Annalysis.
Research Of Aparna Bamzai.
Gabiley/Somailand.