Xisbiga Kulmiye ayaa maanta ku quus qaatay tirada taageera-yaasha xisbiga Waddani ee soo dhaweeyey weftigii madaarka Hargiesa ka soo degay. Waxay taageera yaashaasi is taxeen wadada labadeeda dhinc ba, laga soo bilaabo Madaarka Hargiesa ilaa guriga uu degenyay musharaxa madaxweyne ee Waddani oo shacabka ku yaala. Xsbigii Kulmiye waxa ku dhacay anfariir iyo ama kaag dabeeddna cundhuuf toodii dib bay u liqeen. Dabeed cadhadii Kulmiye ka qaaday fara badnaanta taageera-yaasha waddani waxay ku talaab sadeen in ay maanta duhurkii xabsiga dhigaan Todoba dhalinyaro ah isla markaana ka tirsan masuulyiinta xisbiga Waddani. Waxay kala yahiin gudoomiyihii degmada Axmed Dhagax ee xisbiga Waddani Guuleed Ismaciil Cismaan, Gudoomiye ku xigeenkiisii Cawil Cabdilaahi Axmed iyo 5 Xubnood oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Waddani ee Xaafada Maxamuud Haybe. Waxa ka horeyay 2 sarkaal oo iyagana hore xabsiga loo dhigay Gudoomiyihii dhalin yarada iyo kii ciyaaraha. Tirada saraa kiisha xidhan ee xisbiga Waddani waxay gaadhayaan 9. Hase yeeshee waxay calaamad u yihiin rafadka xisbiga Kulmiye ee talada haya. Horaa loo yidhi faras dhimanaya ayaa uugu laad kulul. Hadaba Kulmiye wuu baqtiyayaa dabeed rafadkii u danbeeyey buu wadaa oo sidaa darteed ayuu cidii juuq tidhaaba xabsiga uugu taxaabayaa. Maanta wacdaraha soo dhawaynta weftiga u dhacay waxay la mid ahayd xisbiga Waddani oo doorashada ku guuleystay sabab too ah yar iyo weyn looma kala hadhin labada daamood ee Hargiesa. Waddani wuxuu soo bandhigay cududiisa iyo awoodiisa iyo taageera yaashiisa markay doorasha timaado in aan lagu murmi karin lana haybsan karin. Qof joogay uun baa fahmi kari lahaa wixii taageera-yaal maanta u soo baxay weftiga Waddani. Waxa maanta Hargiesa aad loogu hadal hayay haday doorasho timaado in xisbiga Waddani barqada horeba ka guuleysanayo Kulmiye. Warkaa waan idiin soo tebiyey ee been ha moodina, waanay ka sii badantay ee ila badhi taara.
Abmustafe123@gmail.com
↧
Kulmiye oo can-dhuuf tiisa dub liqay markuu arkay jamhuurka soo dhaweeyey Waddani
↧