Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Magacyo kala fog iyo mawqifyo midaysan; Maxay tahay koox-diineeddan cusub ee lagu dhawaaqay? (Al-Saadicuuna Bil-xaq)

$
0
0

“Waa maxay xaqan markii hore dadka ka qarsoonaa ee ay kooxdani kaligeed soo ogaatay!”
Labadii bishan Abriil ayeynu shaashadaha ka daawannay oday gadh cad, oo sunnayaal cadcad
leh, oo muraayad iyo koofiyad xidhan, isla markaana ay hareeraha ka fadhiyaan 22 nin oo
saddex ka mid ahi ay Soomaali yihiin, inta kalena ay carab yihiin, marka isaga lagu darana,
dadka isha kamaraddu ay qabanaysay tiradoodu 23 ayey ahayd. Ninkan waxa lagu sheegay in
uu Amiir u yahay Koox-diineed cusub oo isku sheegtay Al-saadicuuna Bil-xaq
(Caddeeyayaasha xaqa), magaciisana waxa lagu sheegay Mustafe Kaamil Maxammed, waana
nin Masaari ah. Ragga meesha fadhiya laba nin iyo Amiirkooga hadlaya marka laga reebo, inta
kale waxay xidhnaayeen dharka Suudhka loo yaqaanno, badankooguna waxay ku darsadeen
marada taayga (Tie) loo yaqaanno ee qoorta laga soo laad-laadiyo. Raggan da’dooda haddii la
qiyaaso, ka ugu yari waxa uu kor u dhaafay da’da 45 jirka, waxaanay u badnaayeen odayaal
madaxu boosaystay (cirraystay). Marka laga reebo Amiirka kooxdan ee jeedinayey hadalkii ay
baaqa ku sheegeen, badankoogu wax gadh ah ma ay lahayn, haddii aan qiyaasana meesha ma
uu fadhiyin hal nin oo gadhkiisu ka dheer yahay 1 sentimitir (1cm), waxaaba la arkayey qaar ay
ku taallo astaamo muujinaya inay gadhka murxiyeen oo aanay wax xushmayn ah u hayn
gadhka. Waxay u ekaayeen rag murugaysan oo khushuucsan, dhaqdhaqaaq badan
xubnahoogu ma ay samaynayn, kaliya indhahooga ayuun buu wiilku dhex wareegayey, marar
kooban ayaana la arkayey iyaga oo dhaqaaq samaynaya intii ay khudbaddu socotay. Waxa ay u
fadhiyeen laba qaybood oo ay qiyaastii tallaabo u dhaxayso, kuwaasi oo ku kala beegnaa
midigta iyo bidixda sheekhan bayaanka wixii ay ku sheegeen jeedinayey.
Isla maalintaas uu Amiirkooga Masaariga ah ee Mustafe Kaamil ku dhawaaqay bayaankaas,
waxa iyadana shaashadaha laga daawaday nin kale oo Soomaali ah, kaasi oo ku jiray saddexdii
nin ee Soomaalida ahaa ee taagnaa goobtii uu Amiirka Jamaacadani baaqa ka akhrinayey,
waxaana uu xidhnaa markii uu Amiirka gadaashiisa taagnaa dhar safaari ah. Ninkan
Soomaaliga ahi wax uu akhiryey khudbaddii Amiirka oo af-soomaali ah, markan waxa uu
xidhan yahay koodh suudh ah iyo shaadh cad oo aan taay lahayn, gadaashiisana waxa fadhiya
labaatan nin oo Soomaali ah oo ka ugu yar qiyaastii da’diisu ay kor u dhaafayso 45 jir. Ragga
meesha ku sugan marka laga reebo laba nin, dhammaantood waxay xidhan yihiin dhar suudh
ah oo qaarkood aanu taay la socon, waxaanay sidii kuwii hore u eg yihiin rag murugaysan,
dhaqdhaqaaqooguna aad ayaa uu u kooban yahay. Labada goobood ee ay Amiirka Jamaacada
iyo ninkan Soomaaliga ahi ku kala qabteen Baaqyada si aad ah ayey iskugu eg yihiin, mararka
qaarna waxaad u malaynaysaaba in ay isku meel kaliya yihiin, inkasta oo baaqan Soomaaliga
ah sida aan u fahmay ay ka dhigayeen in ay Soomaaliya ku qabteen. Sidii kuwii hore oo kalena,
raggani gadh badan ma laha, marka laga reebo timo yaryar oo aad u gaa-gaaban. Ninkan afsoomaaliga
innoogu akhriyey baaqii uu jeediyey Amiirka Jamaacadani, waa nin uu hadalkiisa
taxaddir badani ka muuqdo, khudbaddana warqad ayuu ka akhrinayaa, magiciisana waxa la
yidhaahdaa Cismaan Cabdillaahi Rooble, xasuusnow magacaas!
Intaas wixii ka dambeeyey, labaatankii nin ee Soomaalida ahaa ee fadhiyey goobtii laga
akhriyey baaqii af-soomaaliga ahaa, waxa ay isku qaybiyeen kooxo iyagoo iska soo duubay
muuqaallo gaar-gaar ah oo ay dhowr ninba mar ka soo duubeen, iyagoo koox walba oo
muuqaal iska soo duubtana ka dhigaya in ay joogaan magaalooyinka Soomaalida, weliba ay
laba magaalo yihiin kuwa ugu waaweyn waa Muqdisho iyo Hargeysa’e, iyagoo Garoowena
koox kale sheegtay inay ka taageereen baaqii Amiirka. Raggan muuqaallada gaar-gaarka ah soo
saaray, waxay u muuqatay in ay isku sheegayaan in ay uga wakiil yihiin kooxdan AlSaadicuuna
Bil-xaqi magaalooyinkan ay muuqaalka ku soo duubeen. Nuxurka muuqaalladaasi
waxa uu ahaa in ay taageero u muujiyaan baaqii uu jeediyey Amiirka Jamaacadani. Intaasi
markii ay dhammaatay, haddana waxaa bilaabmay muuqaallo kale oo mid walba laga soo
duubay nin, loona dhiibay mawduuc gaar ah (inta badanna caqiidada ku saabsan), waxaabad
moodday in iyaga diin cusub lagu soo dajiyey oo ay maanta dadka barayaan! Kuwaasi waa
qaar ka mid ah dhacdooyinkii aynu kala kulannay kooxdan la baxday Al-Saadicuuna Bil-xaq,
balse aan hoos ugu dego nuxurka qoraalkan.
Marka ay muuqaalladoodu sidaas ahaayeen, su’aasha koowaad waxay ka imanaysaa magacan
ay sheegteen ee ah Caddeeyayaasha Xaqa, waxa la is weydiinayaa; Xaqan hore u qarsoonaa ee
ay kooxdani kaligeed soo heshay ee ay dadka u caddaynayaan waa maxay? Su’aalaha kale ee
soo raacayaa waxay noqonayaan; Maxay ahayd kooxdani? Yaa aasaasay? Maxaa loo aasaasay?
Waa maxay xaqiiqadeedu? Maxaa keenay in wakhtigan lagu dhawaaqo? Halkee ayaa uu ka soo
burqanayaa fikirka ay ku dhisan tahay? Taariikhdooda dhabta ah iyo fikraddii ay ku curteen
maxay ahayd? Maxaa ka dhab ahaa baaqyadii kala duwanaa ee ay jeediyeen? Isla baaqaas
maxaa laga dhadhansan karayey? Ugu dambayn, goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee
dhulka Soomaalida lagu arko kooxdan?
Dunidu haddii aanay kaa yaabin duni ma’aha! Markii hore waxa aynu la yaabbanayn kooxaha
diinta ee magacyada badan la baxa ee masaajiddadana iska dhalleeceeya iyada oo ay koox
waliba sheeganayso in ay iyadu dariiqii saxda ahaa ku taagan tahay, kooxaha kale oo dhanina
ay hallaysan yihiin. Si kastaba ha noqotee, markii hore kooxahaasi waxay isku haysteen
mas’alooyin dhowr ah, marka si guud loo eegana wax badan ma ay kala fogayn, kooxina
kooxda kale gaalo kuma ay sheegi jirin. Maanta waxa soo baxday koox intiiba ka daran, warkii
horeba war soo dhaaf, waa koox iyada oo aan kala reebin dadka oo dhan u haysata gaalo, inta
iyada raacday mooyaane!
1. Waa maxay xaqan aanay cidina la ogayn ee ay kaligood soo ogaadeen, isla markaana
ay doonayaan inay maanta inoo caddeeyaan?
Jawaabta waxa lagu fahmi karaa uun marka dib loogu noqdo taariikhda ay kooxdani leedahay.
Sida ay iyaguba afkooga ka yidhaahdeen, 40 sannadood ayaa qarsoodi lagu waday dacwadda
ay kooxdani la shir timid (kuma raacsani in uu qarsoodi ahaa jiritaankoogu, balse waan ku
raacsanahay in ay dacwaddoodu qarsoodi ahayd, qoraalka dhanka dambe ayaanan ku caddayn
insha allah), taasi waxa ay inoo caddaynaysaa in aanay kooxdani ahayn mid cusub, waxa kaliya
ee maanta innagu cusubina uu yahay uun dardarta xooggan iyo dariiqa cusub ee ay u jeexeen
faafinta afkaartooda. Sida caanka ah, kooxdani waxa ay markii koowaad ka soo bilaabmatay
xabsiyada dalka Masar, waxa aanay ahaayeen raggii ka tirsanaa kooxda “Ikhwaanul
Muslimiinka” loo yaqaanno ee ciqaabta badan kala kulmay xukuumadihii Masar.
Dhammaadkii lixdanaadkii iyo bilowgii toddobaatanaadkii, xukuumadihii Masar, gaar ahaan
xukuumaddii Jamaal Cabdinaasir waxa ay si arxan-darri ah iyada oo aan u aabbo-yeelin
xabsiyada uga buuxisay dhallin-yartii ku jirtay dhaqdhaqaaqyada diinta, gaar ahaan ururkii
“Ikhwaanul Muslimiinka” iyada oo xabsiyada loogu dhex geystay nooc kasta oo tacaddi iyo
jidh-dil ahba. Dhallin-yartii xabsiyada Masar lagu ciqaabay waxa sii fogaysay deldelaaddii
culumidoodii waaweynayd lagu hor deldelay, oo uu ka mid ahaa Sayid Qudbi. Kaddib
tacaddigaa adag ee ay xukuumaddu u geysatay kaadirkii Ikhwaanul Muslimiinka, waxa
xabsiyada ka soo shaac-baxday aragti cabsi leh oo saan-saan u noqotay dhalashadii Takfiirka.
Haddaba markii ikhwaanka xabsiyada laga sii daayey waxay u kala baxeen laba kooxood; qaar
iska aamusay iyo qaar yidhi Jamaal Cabdinasir waa gaal, iyagoo sabab uga dhigaya inuu
Muslimiinta tacaddi badan u geystay, una haysta tacaddigaasi inuu yahay mid diinta Islaamka
lagula dagaallamayo. Xubnaha fikirkaas dambe qabay ayaa noqday Takfiirka.
Takfiirka waxa aasaasay Shukri Sacad Mustafa Axmed (Abu Sacad) oo ku dhashay Xawaatik,
Gobolka Asyuut oo ka tirsan Masar, sannadkii 1942-kii. Isagoo dhallin-yar ah ayuu
dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka ku biiray, kadib sannadkii 1965-kii ayaa xabsiga loo
taxaabay. Sannadkii 1971-kii markii uu muddo lix sannadood ah xabsiga ku jiray, ayaa la sii
daayey. Kadib sii dayntiisii, Shukri Mustafa wuxuu isku dubbariday xubnihii Takfiirka oo la
baxay magaca “Jamaacatul Muslimiin” isaga oo u sameeyey qaab goonni ah. Sannadkii 1973kii
wuxuu ku amray kooxdiisii inay ka dhex baxaan bulshada islaamka sheeganaysa ee gaalo-raaca
ah. Intaas kadib, Sir-doonkii Masar ayaa ka shakiyey dhaqdhaqaaqa ay kooxdan cusubi waddo,
Oktoobar 1974-kii ayuu mar kale sirdoonka Masar xabsiga u taxaabay Shukri Mustafa, balse
Anwar Saadaat ayaa cafis ku soo daayey. Kooxdani kama ay hadhin afkaartoodii, waa ay
koreen, qofkii ka baxana waa la dili jiray iyagoo u haysta inuu qofkaasi gaaloobay.
Sababtan awgeed, waxa ay isku haystaan in ay iyagu kaligood dariiqii saxda ahaa, aan
idhaahdo Islaamnimadii ay ku taagan yihiin oo anaay cid kale oo ka baxsan kooxdoodu ku
wehelin, xaqa ay maanta inoo caddaynayaanna waa kaas, kaliya waa kooxdayada ku soo biira,
si aad Islaam u noqotaan! Waxaabad mooddaa in ay iyagu gaadh ka hayaan albaabka laga galo
diinta Islaamka, qof aanay u sexeexinna aanu diinta geli karin.
2. Sidee ayuu fikirka Takfiirku ku yimi dhulka Soomaalida?
Waxa jiray urur diineed Soomaaliya laga aasaasay horraantii toddobaatanaadkii qarnigii tegay.
Ururkaas waxa la odhan jiray Al-Ahli. Ururkani waxa uu ka dab-qaadanayey aragtida ururka
Ikhwaanul Muslimiinka Masar. Ururkaas Al-Ahli waxa guddoomiye ka ahaa Cabdiqaaddir Sh.
Maxamuud oo isaga lagu doortay kulankii ugu horreeyey ee ay xubnaha ururku ku yeesheen
magaalada Muqdisho, iyada oo aan lagu dooran aqoon uu dheeraa dhallin-yartii ururka
aasaastay, balse lagu doortay isaga oo ahaa ka ugu da’da weyn wakhtigaas xubnihii ku sugnaa
goobtii uu kulanku ka dhacay. Al-Ahli in badan waxa uu ku guulaystay in uu dad badan ka
dhaadhaciyo aragtida ururkooga, waxaana uu laamo ku yeeshay gobollo badan oo dalka ku
yaalla. Kadib xukuumaddii kacaanku, inkasta oo aanay ogaan jiritaanka ururkan, haddana
waxa ay xabsiyada ku gurtay badanka culimadii waaweynayd ee ururkaas maskaxda u ahayd,
oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxammed Macallin iyo culimo kale oo ahayd kuwii musdambeedka
(marjaca) u ahaa urukaas Al-Ahli. Waxa kale oo dalka iskaga baxay guddoomiyihii
ururka Al-Ahli Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud isaga oo tegay boqortooyada Sucuudiga, waxaana
xubnihii gudaha dalka joogay wakiil looga dhigay Cismaan Cabdillaahi Rooble (la soco oo
ninkani waa ninkii af-soomaaliga ku akhrinayey bayaankii uu soo saaray Amiirka kooxda AlSaadicuuna
Bil-xaq). Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa haddana xukuumaddii kacaanku xabsiga u
taxaabtay Cismaan Cabdillaahi Rooble oo wakiil u ahaa xubnihii gudaha dalka ku noolaa, intii
xabsiga ku jirayna waxa kaalintiisii si ku-meel-gaadh ah u sii buuxiyey Xuseen Cali Xaaji.
Iyadoo ay xaaladdu sidaas tahay, kooxdi Al-Ahli Culimadadoodii xabsiyada ku jiraan, ayaa
khilaaf ba’ani soo kala dhex galay xubnihii Al-Ahli ee dalka dibaddiisa ku sugnaa, gaar ahaan
xubnihii joogay boqortooyada Sucuudiga oo uu ku jiray guddoomiyihii ururka Al-Ahli
Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud. Meelaha ugu waaweyn ee sida aadka ah la iskugu maandhaafsanaa
waxa ugu weynayd fikradda lagu hagayo ururka Al-Ahli. Inkasta oo ay jireen
sababo kale oo siyaasadeed oo khilaafka sii huriyey, haddana waxa ugu weyn ayaa ahaa dariiqa
lagu hagayo ururka Al-Ahli. Khilaafkii jiray waxa uu meesha ka saaray dhaqdhaqaaqii Al-ahli
oo isagu shaqaynayey intii u dhexaysay 1973 – 1978kii
. Al-Ahli ma lahayn istaraatajiyad ay kaga
baaraan-degaan waxyaabaha iyo xaaladaha soo kordha, aragtiyo shakhsiyeed oo aan tanaasul
lahayn isla markaana mid waliba dhankiisa ku adkaysanayo ayaa soo dedajisay burburkii Al-
ahli. Waxa la iska illoobay fikirkii weynaa ee ay ku midaysnaayeen xubnaha ururku, waxaana
isku muuqday shakhsiyaad. Ugu dambayn, khilaafkaas xididdada u saaray ururkii Al-Ahli
kadib, Al-ahli waxa ay u kala jabtay saddex garab oo kala ahaa Al-Islaax, Salafiyiin iyo
Takfiiriyiin (Gaalaysiiyeyaal). Halkaas ayaanay ka soo unkantay taariikhda Takfiirka
Soomaaliya, maalintaas ayaanay kow u noqotay umadda Soomaaliyeed in lagu dhex arko dad
aaminsan fikirka Takfiirka. Xubnihii aragtida Takfiirka qaatay waxa ay la baxeen magaca
“Jamaacatul Muslimiin” oo ay ka soo dheegteen magicii ay la baxeen Takfiirkii Masar, xubnihii
ugu muhiimsanaa ee qaatay aragtidaas Takfiirkana waxa ugu horreeyey guddoomiyihii Al-Ahli
Cabdiqaadir Sh. Maxamuud. Kadib mar kale, guddoomiyihii Al-Ahli waxa uu beddashay
shaadhkiisii hore, waxa aanu soo qaatay shaadhka Takfiiriyiinta. Waxa la aasaasay kooxdii
Takfiiriyiinta Soomaaliya dhammaadkii toddobaatanaadkii, waxa guddoomiye ka noqday isla
guddoomiyihii hore ee Al-Ahli Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud, waxaana ku xigeen ka noqday
Cismaan Cabdille Rooble (waa ninkii akhrinayey bayaankii af-soomaaliga ahaa ee kooxda AlSaadicuuna
Bil-xaq uu Amiirkoogu soo saaray). Inta ugu badan xubnihii Al-Ahli ee ku sugnaa
dalka gudihiisu waxa ay qaateen fikirka Takfiirnimada, balse qaar badani dib ayey uga soo
noqdeen markii loo caqli celiyey. Cidda u caqli celisayna waxa ay ahaayeen culimadoodu
markii ay xabsiyada ka soo baxday. Dhacdooyinkani waxa ay ahaayeen dhammaadkii
toddobaatanaadkii (1978-kii). Guddoomiyihii hore ee Al-Ahli, Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud
cidda ku qancisay fikirka Takfiirnimadu waxa uu ahaa macallinkiisii oo Masaari ahaa.
Waxa jiray duruufo Soomaaliya ka jiray oo ku dhowaa ama la mid ahaa duruufihii Masar ka
jiray oo bisleeyey curashada aragtida Takfiirimada. Duruufahaas waxa ka mid ahaa tacaddigii
ay dowladda Soomaaliya ku haysay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, maalmaha ugu madow ee
soo maray taariikhda Soomaalida waxa ka mid ah, maalintii tobanka wadaad ay xukuumaddii
Kacaanku dilka ku fulisay oo ahayd 23.jeenawari.1975-kii. Waxa kale oo aynu soo aragnay in
fikirka Takfiirku ka soo dhex baxay kooxdii Ikhwaanul Muslimiinka, halka ururkii Al-Ahli ee
Soomaaliya joogayna uu ka dab-qaadanayey isla aragtidaas Ikhwaanul Muslimiinka. Waxa la
xidhxidhay culimadii Jaan-gooynta u ahayd fikirka iyo aqoonta dhallin-yartii degdegaysay.
Dhallin-yartu waxay isku darsadeen aqoontooda oo aad u koobnayd iyo culimadoodii oo la
xidhxidhay, taasi oo keentay in ay fikir walba u nuglaadaan, wixii la hor keenana iska qaataan
maadaama oo aanay lahayn cilmi ay isku difaacaan amaba ay ku kala shaandheeyaan
aragtiyaha is-hirdinaya, culimadii dariiqa tusi lahaydna agtooda way ka maqnayd oo xabsiyada
ayey ka buuxeen, duruufaha noocaas ah ayaa keenay in fikirka Takfiirku ka curto dhulka
Soomaalida.
Geba-gabadii, kooxdii qaadatay aragtida Takfiirka oo la baxday magaca “Jamaacatul
Muslimiin” iyo dadkii ku raacayba waa ay ka dhex baxeen dadkii, waxa aanay degeen meesha
Daafeed la yidhaahdo ama Wanla-weyn. Waxa ay bilaabeen in ay beeraha qotaan, xoolana
dhaqdaan. Waxaanay aaminsanaayeen in dadka oo dhani gaalo yihiin, waajibna ay tahay in
laga baxo ummaddan aan caqiidada lahayn, oo laga go’doonsanaado.
3. Sidee ayey u noolaayeen Takfiirkii Soomaaliya joogi jiray?
Takfiirkii Soomaaliya joogi jiray waxay ku noolaayeen xaalad murugo ah, waxaanay isku
haysteen in ay ku jiraan wakhtigii Nebiga la soo saaray oo kale. Waxaanay dhisayeen aragtidii
Sayid Qudbi ee ahayd in diinta mar kale eber laga soo bilaabo, xaaladahana loo qaybiyo markii
Makka la joogay oo kale, markii Madiina la joogay oo kale iyo in Marka hore sir laga dhigo
dacwadda, marka dambena la shaaciyo. Amiirkooga waxa ay u haysteen in uu magan u yahay
Nebi muxammed scw isla markaana inuu Ilaahay daacad u yahay. Qofka khilaafa waxa loogu
digi jiray aayadda ah: “Mu’min iyo mu’minad midna uma sugnaan inuu ikhtiyaar yeesho
marka ay Ilaahay iyo rasuulkiisu arrin go’aamiyaan”, Suuratul Axzaab, aayadda 36aad. Intii ay
bilaabmeenna wax koritaan ah ma ay samayn maadaama oo aanay dad badani ku soo biirin
jamaacadan. Inta badan aabbuhu ilmihiisa ayuu u gudbin jiray dacwaddan Takrfiirnimad ah,
maadaama oo ay aaminsanaayeen inay dacwaddu ku jirto wakhtigii ay sirta ahayd.
Dhaqannada la yaabka leh ee kooxdan waxa ka mid ah in ay guursadaan kaliya dumarka
Takfiirka ah, in ay gabadha ku soo biirta dib u meheriyaan iyagoo aaminsan in lagu meheriyey
markii hore gaalnimo, dhinaca kalena, ninka dhallin-yarta ah looma ogola in uu guursado
gabadh aan ku jirin kooxdan, Waxaa gabadha u soo xulaysa jamaacada, hadduu diido waxa
lagu qorayaa mid ku madax adaygay jamaacada. Ilaahay raga Muslimiinta ah waxa uu u
banneeyey in ay guursadaan dumarka muslinka ah iska dhaaf’e kuwii kutubta hore lagu soo
dajiyey (ehlul kitaabka), iyagu miyaanay khilaafinba xaqa ay sheegayaan inay caddaynayaan.
Mise waxay ka dhigayaan in wixii ka soo hadhay kooxdani ay Mushrikiin yihiin. Ma raacaan
baabuurta dad-weynaha sida basaska, ma cunaan xoolo aanu gowricin nin aan Takfiir ahayni,
nalalka waddooyinka ee baabuurta kala haga (ishaarooyinka) dan kama galaan ee way iska
dhaafaan, uma istaagaan salaanta calanka waxaana ay leeyihiin dhaqaanno la yaab leh oo
badan. Waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay kooxdani leedahay waxaa ka mid ah in ay
aaminsan tahay dabaqado kala sarreeya oo midba si gaar ah loola dhaqmo.
4. Maxay ahayd kooxdan Al-Saadicuuna Bil-xaq?
Sida uu yidhi Amiirka kooxdani Mustafe Kaamil Muxammed, waxa uu sheegay in ay 40
sannadood indho-indhaynayeen xaaladaha ay ku sugan tahay dunida Muslimka sheegataa
(waa sida uu hadalka u dhigay). Haddii aynu dib ugu noqonno dhalashadii aragtida
Takfiirnimadu, waxa ay ahayd toddobaatanaadkii oo laga joogo afatameeyo sannadood, sidaas
awgeed kooxdani waa Takfiirkii oo shaadh kale inoo soo xidhay, mana qarsanayaan
aragtidooda ah in dadku ay dib u soo Muslimaan, oo mar labaad ay diinta soo galaan, taasi oo
shaki la’aan ah Takfiir mutuxan. Aragtidani waxa ay ka soo maaxanaysaa buugaagtii uu qoray
Sayid Qudbi oo aragtidoodu ay ahayd in aanay Jaahiliyaddu ahayn wakhti la soo maray, balse
ay tahay dhaqan iyo anshax uu banii-aadamku la yimaaddo, taasi oo maanta lagu jiro
Jaahiliyad Casri ah, khasabna ay tahay in dacwadda laga soo bilaabo wakhtigii uu Nebi
Muxammed Makka joogay oo kale (waa markii ay dacwaddu bilowga ahayd) iyo markii uu
Madiina joogay (waa markii dowladda Islaamka la dhisay). Aragtida ah in dacwadda laga soo
bilaabo wakhtigii Makka, Takfiiriyiintu waxa ay ka dhigteen in ay dadku wada gaalo yihiin
illaa iyo ay dib u soo Islaamayaan, dibna loo ashahaadinayo.
Gebo-gebadii, kooxdani waa Takfiirkii oo magac kale la soo baxay, waana sababta aan
ciwaanka uga dhigtay “Magacyo kala fog iyo mowqifyo midaysan”, Takfiirka iyo Kooxdani
isku magac ma’aha, balse waa isku mawqif.
5. Yaa aasaasay?
Kooxdan waxa aasaasay xubno ka kala socda dhowr dal oo kala duwan oo ay ugu horrayso
Masar, Liibiya, Soomaaliya, iyo Kuweyt. Marka la eegana, Amiirkooga Mustafe Kaamil waxa
uu ku jiraa dhallin-yartii xabsiyada Masar ay ku xidhay xukuumaddii Jamaal Cabdinaasir,
halka wakiilka ay Soomaaliya u soo direenna uu yahay sida aan soo sheegay guddoomiye kuxigeenkii
hore ee kooxdii Takfiirka Soomaaliya. Ninka la yidhaahdo Xassan Cabdillaahi
Cosoble oo ka soo muuqday muuqaalkii lagu soo saaray baaqii Af-soomaaliga ahaa waxa uu ka
tirsanaan jiray xubnihii ugu muhiimsanaa ee ururkii Al-Ahli, ma caddayn karo isagu inuu
xilligaas qaatay aragtida Takfiirnimada, balse maanta aynu arkayno inuu isaguna kooxdan ka
mid noqday. Kooxdan waxa lagaga dhawaaqay dhammaan dalalka ay ka soo kala jeedaan
xubnaha bud-dhigayaasha u ah aasaaskeega oo kala ah Masar, Soomaaliya, Liibiya iyo Kuweyt.
Astaanna waxa ay ka dhigteen aayadda qur’aanka ah ee ah ee leh: “Ilaahay caabuda ma lihidin
Ilaah aan isaga ahayne”.
Xarunta ugu weyn ee kooxdani waa Masar, waxa aanay durba laamo ku yeelatay dalalka kale
ee ay ka soo kala jeedaan aasaaseyaasha kooxdani.
6. Maxaa loo aasaasay? Waa maxay se xaqiiqadoodu?
Sida ay iyagu sheegeen, waxay yidhaahdeen: “Annagu adduunyo doon ma nihin, xukun
doonna ma nihin, waayo haddaanu labadaas mid uun doonayno waxa aanu u mari lahayn
waddo kale”. Waxa ay inoo sheegeen in ay u aasaaseen kooxdan Ilaahay dartii iyo kor yeelidda
kalmadda Ilaahay, balse marka aynu iska dhaafno af-macaanida iyo diinta lagu soo gabbanayo,
maxaa ka dhab ah intaas ay sheegteen. Inkasta oo ay weli kooban tahay xogta laga hayo
kooxdan, haddana waxa hubaal ah in ay jiraan waxyaabo u qarsoon oo aanay weli muujin,
balse baaqyadooda laga dhex dheehan karayey. Tusaale ahaan, waxa ay ina yidhaahdeen:
“Waanu raacaynaa cid kasta oo Ilaahay kitaabkiisa dadka ku xukumaysa”, iyagoo isla
markaasna daba-dhigay shuruudo dhowr ah. Waxa is-weydiin leh, haddii la waayo Amiirkaas
dadka ku xukumaya kitaabka Ilaahay (waa Amiir iyagu ay raalli ka yihiin), maxaa ay
samaynayaan? Taas inooma ay sheegin, balse waxa aan rumaysanahay in uu yahay qorshe
iyaga u qarsoon. Waxa kale oo ay yidhaahdeen: “Annagu dagaal uma soconno, argagaxisana
ma nihin”, waynu garannay taas, balse dagaalku iskii ayaa uu iskaga imanayaaba, haddaanay u
socon iyo hadday u socdaan labadaba. Waayo waa koox khilaafsan dhammaan kooxaha diinta
ee kale, khilaafkaasi waxa uu ku riixayaa in ay kooxaha kale dagaal la galaan, saw ma ogid in
uu addinkuba ka dhasho af xumaaday, sidaas oo kale ayaa uu dagaalkuba ka dhalanayaa
khilaafkaas weyn ee ay iyagu khilaafeen kooxaha kale ee diinta.
Waxa dhici karta in ay jiraan dan ka baxsan danaha diimeed oo noqon kara mid siyaasadeed,
mid dhaqaale ama mid xog-raadineed (sir-doon) in ay adeegayaal u yihiin dowlado shisheeye
sidii in badan oo hore soo dhacday oo koox diin sheeganaysaa ay noqotay sir-doon dalal kale u
shaqeeya, ama dhaqaale raadis ah amaba doonaya in ay siyaasadda saamayn ku yeeshaan. Tan
dambe ee siyaasadd ah, kooxdani ma qarsan oo waxa ay tidhi waxa aanu doonaynaa in aanu
dhisno dowlad Islaam ah (dowlad Takfiir ah), taasi oo muran la’aan ah in ay dan siyaasadeed
immika inoo muujisteen, balse dano badan oo kalena ay dhex socdaan.
Soo koobidda qodobkani waxa ay noqonaysaa, inkasta oo ay iyagu inoo sheegteen in ay diin
Ilaahay u socdaan, haddana waxa Baaqyadooda ka muuqatay in ay sidoo kale jiraan qodobbo u
qarsoon. Waxa kale oo ay sheegteen in ay nabad u socdaan, balse isla Baaqyadooda waxa ka
dhex muuqday in uu dagaalkuna yahay qorshe u qarsoon oo malaha ay la sugayaan marka ay
awood yeeshaan. Waxaan meesha ka maqnayn dan siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid u
adeegidda dowlado shisheeye ahba. Gebo-gabaduna waxa ay tahay, mar haddii baaqyadoodii
ugu horreeyey lagu arkayo hadallo shaki leh iyo odhaahyo beenta u dhow amaba been ah, lama
yaraysan karo kooxdan, ninkii Ilaahay ku simaana waa uu la kulmi.
7. Maxaa keenay in wakhtigan lagu dhawaaqo?
Sida ay sheegeen, muddo nus qarni ku dhow ayey sugayeen maalin uun in ay shaaciyaan
mabdo’ooga iyo waxa ay aaminsan yihiin, maalintaasina waxa ay noqotay Abriil 2, 2017-kii. Is
weydiintu waxa ay tahay, maxaa keenay maalintan in lagu dhawaqo ee looga soo soocday
maalmihii hore oo dhan? Ma’aha wax lala yaabo in wakhtigan lagu dhawaaqo ururkan cusub,
waayo dooddu waxa ay socotay muddo siddeed sannadood ah, dooddaas oo ka dhaxaysay
xubnaha ururka, kuna saabsanayd kaliya wakhtiga lagu dhawaaqayo kooxdan iyo xilliga uu
noqon doono. Kadib gunaadkii doodda waxa loo batay in lagu dhawaaqo oo la shaaciyo
dacwadda ay kooxdani waddo, halkaasna waxa ka qarxay khilaaf soo kala dhex galay xubnihii
ururkan, iyadoo kuwii diiddanaa in lagu dhawaaqo dacwaddan oo si shaacsan loo baahiyo ay
daliishanayeen aayadda ku jirta Suuratul Al-Baqarah, “Nafihiina halaag ha ku tuurina”.
Go’aankii waxa uu noqday in xubnihii diidday in dacwadda la shaaciyo meesha laga saaray.
Marka aynu ku soo noqonno kuwii go’aansaday in ay shaaciyaan dacwadda ay kooxdani
wadato, waxa ay ku ballameen xabsiyada, waxa ay isku dardaarmeen samir, waxaana ay ku
heshiiyeen in haddii ay la kulmaan ciqaab ama daba-gal dheeraad ah ay soo sheegi doonaan
dhammaan ciddii xubnaha ka ahayd ururkan, ku dhawaaqidda ka hor ama ka dib.
Inkasta oo aan weli la shaacin natiijadii ka soo baxday dooddan socotay siddeeda sannadood,
iyo weliba waxa ay isku qanciyeen kuwii isku raacay in maanta la soo gaadhay wakhtigii la
shaacin lahaa, haddana sida aan ka akhriyey bogga uu Facebook-ga ku leeyahay Sheekha reer
Jabuuti, Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, waxa uu yidhi: “Kooxdani waxa ay aamintay in uu
dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul Muslimiinku kaalintiisii ka soo bixi waayey oo ay bannaan tahay,
dabadeed iyaga ayaa is tusay in ay kaalintaas buuxiyaan, waana taas sababta keentay in maanta
lagu dhawaaqo”. Balse Sh. Cabdiraxmaan waxa aan weydiin lahaa: Ikhwaanku ma 2017-kii
ayaa uu gudan waayey kaalintii uu bulshada ku lahaa, mise hore ayuu kaalintaas uga soo bixi
waayey? Su’aasha kalena waxa ay tahay, maxaa caddayn ah in uu Ikhwaanku kaalintaas
maanta gabay oo uu awal buuxinayey?
8. Halkee ayaa uu ka soo maaxanayaa fikirka ay ku aasaasantay kooxdani?
Shaki kuma jiro in ay kooxdani ka soo farcantay Ikhwaanul Muslimiinkii Masar, fikirkeeguna
uu salka ku hayo culimada iyo mufakiriintii ka tirsanayd dhaqdhaqaas Ikhwaanul
Muslimiinka. Waxa si gaar ah u saameeyey kooxdan aragtiyihii Sayid Qudbi iyo qaar ka mid ah
buugaagtii uu qoray. Sidaas awgeed, afkaarta kooxdani waxay ka soo maaxanaysaa aragtiyihii
Sayid Qudbi iyo buugaagtii uu qoray kadib markii isaga iyo kooxdiisaba tacaddi badan lagula
kacay. Sidaan hore u soo sheegay, Sayid Qudbi waxa uu rumaysnaa in aanay Jaahiliyadu ahayn
marxalad la soo maray, balse ay tahay afkaar, caqiidooyin iyo dhaqan kasta oo khilaafsan diinta
Islaamka, waxaana uu rumaysnaa in ay jirto wax loogu yeedhi karo “Jaahiliyadda wakhtigan
casriga ah”. Sayid Qudbi waxa uu qalinkiisa ku adkeeyey in jaahiliyadda casriga ahi ay ka
daran tahay jaahiliyo kasta oo dunida soo martay. Sayid Qudbi, sidaan hore u soo xusay waxa
uu aaminsanaa in dacwaddan faafinteeda loo kala qaybiyo laba qaybood, iyadoo laga tusaale
qaadanayo taariikhdii Nebiga, in laga dhigo wakhtigii Makka ee ay dacwaddu bilowga ahayd,
qarsoodigana ahayd iyo wakhtigii Madiina ee dowladda Islaamka dhidibada loo taagay, isla
markaana Jihaadka la waajibiyey. Waxa uu Aaminsanaa in aan jihaad la geli karin, illaa iyo la
aasaaso dowlad Islaam ah. Aragtidan lafteeda ayaad ka dhex dheehan kartaa Baaqyadii ay soo
jeediyeen kooxdan Al-Saadicuuna Bil-Xaqi la baxday.
Geba-gabada qodobkan, kooxdan fikirkeegu waxa uu ka soo unkamay oo uu ku dul-dhisan
yahay aragtiyo ay aaminsanaayeen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha iyo culimada kooxda
Ikhwaanul Muslimiinka, si gaar ahna waxa kooxdan u saameeyey aragtiyihii Sayid Qudbi oo ay
ku talax-tageen.
9. Maxaa laga dhadhansan karaa baaqyadii ay Kooxdani soo saartay?
Marka la isku soo ururiyo baaqyadii ay kooxdani jeedisay, waxa ay ku soo ururayeen
saddexdan arrimood: “In Ilaahay kaligiis la rumeeyo, in isaga si sax ah loo caabudo,
cibaadadana loo badhax-tiro iyo in xukunka Ilaahay la qaato lagana tago sharciyada ay dadku
samaysteen”. Kooxdani waxa ay aad ugu xeel-dheeraanayeen, si dedbanna inoogu sheegeen in
sharci kasta oo aan ahayn sharciga Ilaahay cidda ku dhaqantaa aanay Muslimiin ahayn iyada
oo aan la kala reebin xukuumad iyo shacab. Aayadaha ay aadka u daliishanayeen waxa ka mid
ah: Aaayadda 50aad ee Suuratul Maa’idah, waxay odhanaysaa “Ma waxa ay doonayaan
xukunkii Jaahiliyadda, maxaa Ilaahay uga xukun wanaagsan dadka garanaya”, Aayadda 36aad
ee Suurtul Axzaab oo odhaysa,“Qof Ilaahay si dhab ah u rumeeyey iyo gabadh Ilaahay si dhab
ah u rumaystay marnaba uma sugnaan in ay doorasho yeeshaan marka ay Ilaahay iyo
Rasuulkiisu arrin go’aamiyaan”, Aayadda 65aad ee Suuratul Nisaa’ oo odhanaysa:“Rabbigaaga
ayaan ku dhaartee ma ay rumayn illaa iyo ay waxa dhexdooda ka socda adiga xaakin kaaga
dhiganayaan (Nebi Muxammedow), dabadeed aanay naftooda ka helin wax culays ah waxa
aad adigu go’aamisay oo ay is-dhiibaan is-dhiibid”, Aayadaha 45aad, 46aad iyo 47aad ee
Suurtul Maa’idah ee odhanaya; “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay
(waxiyga) waa Daallimiin”, “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay
(waxiyga) waa gaalo”, “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay (waxiyga)
waa faasiqiin”. Haddii aad u fiirsato aayadahani waxa ay ka wada hadlayaan waa xukun,
waxaana muuqata in kooxdani ujeeddada koowaad ee ay leedahayba ay tahay xukun uun.
Aayado xaq ah ayey doonayaan in ay baadilkooga ku xalaashadaan.
Si kastaba ha noqotee, marnaba ma ay sheegin kooxdani tafsiirka aayadahan iyo sidii ay
culimadu islaamku u fasireen aayadahan. Taasi waxa ay inoo muujinaysaa uun laba arrimood
midkood; in ay iyagu gaarkooga u fasirteen aayadahan qur’aanka ah oo ay aragtidooda ku sargooyeen,
amaba in ay daahirka aayadda uun ay qaadanayaan oo aanay tafsiirkeega dan ka
lahayn, tan dambe ayaanay u badan tahay. Labadaas ka ay noqotaba waa dhibaato hore uu
Islaamku u soo maray, natiijadeedana la hayo, waxa ay soo wadaan ee khilaaf ahna aan loo
toog hayn.
Sida ay Baaqoogii 1aad ku sheegeen, waxa ay yidhaahdeen 40 sannadood ayaanu eegaynay
waaqica, waxa ay u muuqataa in ay leeyihiin afartankaas sannadoodba kuma ay habboonayn in
lagu dhawaaqo kooxdan, balse ay leeyihiin maanta ayey ku habboon tahay, taasna waxa u
markhaati furayaa waa maalintan ay ku dhawaaqeenba. Illaa hadda inooma ay sheegin sababta
ay wakhtigan ugu qanceen in ay ku shaaciyaan fikirkooga iyo waxa is beddalay midna, sidoo
kale inooma ay sheegin sababta keentay in ay afartan sannadood qarsadaan. Waxa ay u
muuqdaan koox uu fikirkoogu dunida ka dambeeyo afartankaas sannadood ee ay
aamusnaayeen laba sababood dartood; Marka hore waxa ay daliishanayaan aragtiyihii Sayid
Qudbi oo aan soo gaadhin wakhtigan casriga ah iyo dunidan is beddashay, marka labaadna
waxa ay sitaan manhajkii Takfiirka lagu aasasay ku dhawaad nus qarni ka hor, waxaaba
muuqata in aanay dunidan maanta ah la jaan-qaadi karayn kooxdani.
Si dedban ayaa looga dareemi karaa in ay leeyihiin “waxa aanu ahayn koox qarsoodi ah”, balse
wax badani run kama aha hadalkoogaas. Waxa ay ahaayeen koox caan ah oo la yaqaanno oo
dadka ka faquuqan, aragtiyo ad-adagna iska dhaadhicisay, inkasta oo ay mar walba noloshu ku
adkaan jirtay, cidina kuma ay adkayn nolosha ee iyaga ayaa isku adkayn jiray.
10. Is burinta baaqyadoodii:
Waxay yidhaahdeen sharci kasta oo aan ka ilaahay ahayni waa baadil, waxa kale oo ay
yidhaahdeen golayaasha Baarlamaanku waa xarumo Ilaahay lagula doodo sharci dajinta uu
xaqa u leeyahay. Is weydiintu waxa ay tahay, waa maxay iyagu kooxdan ay sameeysteen ee
islaamka dhexdiisa ah, waa maxay Amiirkan ay kaligood soo boqradeen, ma aayad ayaa tidhi
mise iyaga ayaa samaystay. Sharci ka duwan kii Ilaahay miyaanay iyaguba la iman.
Waxay yidhaahdeen ma rabno annagu xukun iyo adduunyo midnaba. Waxaanay yidhaahdeen
haddii la helo cid dadka ku xukunta sharciga Ilaahay waanu raacaynaa, iyaga oo shuruudo ku
xidhay cidda ay iyagu u haystaan inuu sharciga Ilaahay fulinayo. Balse inoomay sheegin haddii
la waayo cid xukunkaas fulisa waxa ay samayn doonaan. Waxay yidhaadheen: “Ma
dagaallamayno, waayo wax waliba wuxuu leeyahay wakhtigiisa” waxaabay u eg tahay in ay ku
jiraan wakhtigii uu Nebigu Makka joogay ee lagu amray ha dagaallamin, waxaanay u eg tahay
in ay dagaalka wakhti gaar ah la sugayaan sidaan horeba u soo sheegay.
Geba-gabada qoraalkaygan, kooxdan la baxday magaca cusub ee Al-Saadicuuna Bil-Xaq oo afsoomaaliga
ku noqonaysa “Caddeeyayaasha xaqa” waa koox ka dab-qaadanaysa aragtidii xagjirka
ahayd ee kooxdii uu aasaasay Shukri Mustafa ee Takfiiriyiinta loo yaqaannay balse iyagu
la baxay magaca “Jamaacatul Muslimiin” kuwaas oo ka soo unkamay xabsiyadii Masar,
aragtidooduna ay shaac-baxday badhtamihii toddobaatanaadkii qarngii tegay. Inkasta oo ay
kolba magac cusub oo la soo qurxiyey ay dadka u soo dhex galayaan, haddana mar walba waa
iyagii uun, fikirkuna waa kii uun, sidaas awged magacyadu haba kala fogaadaane, mawqifyada
ayaa midaysan, waana koox si walba uga fog waaqica ay maanta ku nool yihiin dadka
Muslimiinta ahi, mushkilad cusubna aloosaya.
Tixraac:
Kocobicii Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 – 2002, Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol)
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir bogga uu ku leeyahay Facebook-ga
http://www.somalitimes.net/2017/04/03/%D9%82%D8%B1%D8%A7%D8%A1%D8%A9-
%D8%B3%D8%B1%D9%8A%D8%B9%D8%A9-
%D9%84%D8%A3%D9%87%D8%AF%D8%A7%D9%81-
%D9%88%D9%85%D9%84%D8%A7%D9%85%D8%AD-
%D9%88%D9%85%D8%B3%D8%AA%D9%82%D8%A8%D9%84-%D8%AC%D9%85%D8%A7/
https://www.almunajjid.com/6480
http://takayaa.com/2017/04/06/%D9%85%D8%A7-%D9%84%D9%85-
%D9%8A%D8%B5%D8%AF%D8%B9-%D8%A8%D9%87-
%D8%A7%D9%84%D8%B5%D8%A7%D8%AF%D8%B9%D9%88%D9%86-

 

 

Qore; Maxamed Sharma’arke
Sharmaake91@ggmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>