Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

HADDII DOONIDII S/LAND DEGAYSO ,XAL MAXA NOQON KARA.? By Adam Nokia

$
0
0

HADDII DOONIDII S/LAND DEGAYSO ,XAL MAXA NOQON KARA.?  By Adam Nokia 


“Haynala degtee jooga,waa damacsanaydeene” (Tixdii : cabdi idan) xigasho M.Haruun. 
waaqaca iyo majiiraha s/land waan maqlaynaa, arkaynaa, garanaynaa,qayladuna ma yara,abwaan iyo aqoon-yahan,sheekh iyo shariif,laakiin waxaad moodaa in aanay jirin cid si gaara isu xilqaamaysaa ama wax macquula la timi,mucaarad muxuu soo kordhin,madaxweyna la bedelaa muxuu tari ? waxba  “beeni maxay tari booramaan ka imiye” miyaa la waalan yahay mise waa is yeel-yeel.
marka la rabo nadaam fiican,haddii hogaamiyuhu gaabiyo xilka ayuu iska dhiibaa,hadduu garan waayona,ciddii awood u leh ayaa ka wareejisa,hadday dhici weydo kacdoono ayaa iman kara,taas uma  baahnin maanta, waxay keeni kartaa in nadaam dambe la waayo.
in badan Rabbi wuxuu qur’aanka ku soo cel-celiyaa “AFALAA TACQILUUN”miyeydaan wax garanayn oo caqli lahayn.caqliga waa inaad ka faa’iidaysato,oo xal raadisid,socon mayso in  baabuurka daawayaashu lagu kaxeeyo way isku fadhisanayaan,adigana meel xun buu dhigi.
Dhibta jirta waa la dareemayaa,laakiin waxaa kasii daran tan soo socota haddaaan wax la beddelin.
maanta waxaan dareemaynaa Gaajada iyo darxumada dadkeena haysta iyo kuwii xilka hayey oo aynu ognahay xaalkooda,waxaa kasii daran wax rajo ah oo la filayo ayaan jirin. waxaan kaloo dareemaynaa boqolaal kun oo dhallin yaro ah oo soo kacay oo aan hayn meel ay u irkadaan iyo waxay sugayaan,jiilkaasi waxay u baahan yihiin shaqo,guur iyo gabbood(guryo) maxaa loo hayaa? waxba.
waxaa kasii daran waxyaabaha soo socda oo ay ugu weyn tahay nadaam xumo iyo caddaalad darro lakala dhaxlayo , caddaaladda miskiinka oo qudhi uma baahna waxaa u baahan madaxda haddii la waayo waxay la kulmayaan diidmo,nacayb,habaar iyo cawaaqib xumo.
Caddaaladda waxaa u baahan ganacsatada,haddii caddaalad la waayo,midba kan kale ayuu cunayaa oo cirka u dirayaa,sanadaha soo socda waxaa iman karta  in islaamaha tamaadhada iyo hilibka iibiya laga qaado shaqadooda oo ganacsato waaweyni iibiyaan weliba iyagu soo beeraan,ha sugu waayina taas! lama diidana maalgashiga laakiin waa inaad iska ilaaliso in ganacsigaagu qof kale ama shirkad kale dhibaato ku keeno inagu muslim baynu nahay lama ogola. ganacsatadeedu waxay rabaan in ay boqolaal KM.oo dhul ah sees mariyaan maydkana meel lagu aaso la waayo oo baloodh aadan siiro lee yahay la baryo.waa nidaamkii hanti goosadka,wixii ka dhacayna taariikhda ayaa lagu dhigtaa,malaayiin qof ayaa ku dhimatay kacdoonkii France.
Qoraalku hadduu bato waa lagu daalaa waxaan ku soo koobayaa,midda aynu ku jirno  iyo midda  soo socota midna wax ku socon mayaan,iskuna bixin mayso.weligeena gabonimodoon ahaanmayno,madaxweyne la bedelaana waxba tarimayso sidaan hore u soo sheegnay.
xalku wuxuu noqonayaa  in al helo dammaand qaad lagu xakmayn karo qofka xil qabanaya intaanu fuulin iyo sidoo kale sifooyinka/shuruudaha qof kasta oo xil qabanaya lagu hubiyo.nin xil raba xakame haloo helo. waxaa kaloo loo  baahan yahay in la qoro gabood falada qof kasta oo bulshada iyo degaankaba dulmi ku sameeyey si loola xisaabtayo markay habboonaato.
maanta xilku wuxuu saaran yahay qof kasta oo damiir leh,gaar ahaan inta xil-kaska ah ama dadku wax soo moodaan,talo waarta oo dhaxalgala waa in lala yimaado.
mustaqbalkaaga adaa lagaa rabaa.naftaadana cad yeedhin looma qarsho.
adam noor

shalqane@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>