Aamina-Weris iyo Wasiir Samsam: Halkee Ayay Ka Shabbahaan Gabadhii Dumarka Qalabka U Qaybinaysay?

Qaraaba-kiil
Tan iyo markii Samsam Cabdi Aadan la magacaabay waxa ay bulshadu si weyn u hadal-haysaa saamaynta ay talada qaranka ku yeesheen laba nin oo ay walaalo yihiin Wasiirka Maaliyadda kuwaas oo kala ah Xaaji Cabdi Aadan iyo Cali Cabdi Aadan. Labadan nin waxa lagu naasnaajiyaa mashaariic laga siiyo dawladda iyo qandaraasyo looga qaado haayadaha dalka.
Waraaqaha cashuurta gawaadhida
Waraaqaraha lix-biloodleha ah ee lagu cashuuro gawaadhida Somaliland sannadkiiba labada jeer waxa daabici jirtay Madbacadda Qaranka. Runtiina si ku filan ayay u soo saari jirtay waraaqaha ay wasaaradda maaliyaddu u baahan tahay cayn kasta iyo cadad kastaba. Laakiin markii ay Wasiir Samsam la wareegtay wasaaradda maaliyadda ayay daadisay kumannaan warqadood oo qaranka loo daabacay, kuna fadhiya lacag culus. Waxa ay walaalkeed Xaaji Cabdi Aadan siisay qandaraas ah in waraaqahaas uu ka soo daabaco dalka dibaddiisa. Waxa yaab lahayd in markii kowaad waraaqda gawaadhida lagu cashuuro lagu daabacay midabka calanka Xisbiga WADDANI, taasna waa lagu canaantay Wasiirka Maaliyadda. Imaka waxa lagu xardhaa/soo saaraa midabka astaanta u ah calanka Xisbiga KULMIYE.
Qalabka lagu baadho tayada shidaalka
Waxa hubaal ah in Wasiir Cabdicasiis Samaale la beddelay kaddib markii uu codsaday in la sugo inta uu safarka ka soo laabanayo si uu u saxeexo lacag dhan hal milyan oo doollar oo la lahaa “waxa lagu soo iibinayaa qalab lagu baadho tayada shidaalka”. Agabkaas waxa dalka Imaaraadka ka keenayay Baashe Moorgan iyo Xaaji Cabdi Aadan. Lama keenin wax tayo leh, waayo haddii ay haamuhu si fiican u shaqaynayaan lama kireeyeen oo ganacsato gaar ah looma gacan-geliyeen. Waana tii uu sheegay Samaale in loo kala warramay isaga iyo madaxweynaha. Waxaanu tusaale u soo qaatay gabadhii boqorka ee uu Nebi Yuusuf ka diiday in uu ka sinaysto, ee isku dirtay boqorkii iyo Nebi Yuusuf. Halkaa waxa aynu ka dareemi karnaa cidda madaxweynaha iyo Samaale isku dhufatay. Waxa ay ka mid ahaayeen mashaariicda qaraaba-kiilka ah ee ay dhaqanka ka dhigteen labada dumarka ah ee dalka ka taliyaa.
Mashruucii Seyladda
Waxa la-yaab noqotay in loo oggolaado Cali Cabdi Aadan oo ay walaalo yihiin Wasiirka Maaliyadda inuu seyladda xoolaha ee Hargeysa ka dhiso 60 qol oo ganacsi. Haddii lixdan qol meesha laga taago halkee ayay dadka iyo duunyadu istaagayaan? Waxa intaas dheeraa waxqabadyo kale oo la rabay in lagu qaato dhulka seyladda, laakiin waxa gebi ahaanba gaashaanka u diray guddiga seyladda Hargeysa oo hawshan ku tilmaamay mid aan maangal ahayn. Cali Cabdi Aadan, waxa uu halkaas kala carraabay jiciir, qaso iyo wadhi muggeeda leh. Isaga oo ciil dibnaha cunaya ayuu candhuuftiisa dib u liqay. Walaw uu nin weyn yahay, waxa uu magaalada Hargeysa ku leeyahay marfashyo ay rag iyo dumarka ku barjeeyaan. Cali Cabdi Aadan waxa uu ka mid yahay in daaha dabadiisa dalka hagta ee dumarku wax kasta dacalkiisa mariyaan.
Beri ayaa gabadh la yidhi “100kaas qalin u qaybi dumarka”. Sidii ay u lahayd “Kan ayeeyo ayuu ku fiican yahay, kani hooyo, kani eddo, kani habaryaro. Kani ayuu igu sallaxan yahay. Kan inaabtiday ayaan u dhigay. Kan aayaday ayaa ku soo baxaysa” ayay 99 midh u xushay xigaalkeedii. Haweenkii kale oo dhan waxa ay u soo reebtay qalin khadka isku daraya, bilaa fur ah oo gaboobay. Imaka Wasiir Samsam iyo Aamina-Weris sida ay wax walba ula rabaan Baashe Moorgan, Maxamuud Xaashi, Maxamed Cabdi Aadan (Xaaji) iyo Cali Cabdi Aadan, waxa ay duudsiyeen dhammaan ummaddii Somaliland. Yaa dumar wax qaybiya yidhi? Yaa dumar talada qaranka u dhiibay? Yaa Imaamnimada u doortay haweenka?
Nuura Cabdi Muuse
063 4010783