Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Muuse Biixi oo iibsaday Cabdirashiid Xasan Mataan Waase Kuma Dilaalka Kala Tuuray Arintiisa?

$
0
0

Borama,(Qaran news)-Xoghayha warfaafinta ee xisbiga Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa suuqa iibka ee siyaasada Somaliland dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyayba yaalay, waxna uu kulamo qarsoodi ah uu la yeeshay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyada oo kulankoodii ugu horeeyay uu ka dhacay magaalada Borama oo mudo 2 saacadood ah ay ku wada hadlayeen gaadhi gudihii xaga kulanka labaadna oo qarsoodi ahaa uu ka dhacay magaalada Hargeysa.

Kulamadani iyo xidhiidhkani dhex maray Muuse Biixi iyo Cabdirashiid Xasan Mataan waxa soo abaabulay oo lahaa isku xidhkooda Jamaal Cali Xuseen oo Mr Mataan ku qanciyay in uu qaato lacag ku dhow tii isga la siiyay iyo dhul Hargeysa ku yaala oo isgaba la siiyay, taasi oo uu kula dar daarmay in aan fursadaasi dhaafin mana cada ilaa hada waxa uu Cabdirashiid Xasan Mataan ku qancay, hase ahaatee Jalmaal Cali Xuseen Waxa uu qaatay oo uu magciisii siistay 650kun oo doolar iyo dhul ku yaala magaalada Hargeysa oo qaali ah

Abdirashiid Xasan Mataan iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa musharaxyo ka ahaa xisbiga UCID-ka hor intii aanu Faysal Cali Waraabe daaqada ka soo tuurin, waxna ay isku qanciyeen Jamaal iyo Mataan in aan dib looo lumin fursadaha hanti urursiga ah ee ay ugu baaqayaan xisbiga Kulmiye.

Mar aanu isku daynay in aanu xidhiidh la samayno Cabdirashiid Xasan Mataan si aanu wax uga waydiino ku biirista kharashaysan ee uu ugu wareegaayo xisbiga Kulmiye waa ay noo suurto gali wayday mobil-kiisa oo xidhnaa awgeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>