Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo sas ka qaaday socdaalkii ay dhawaan Yurub ku yimaadeen madaxda xisbiga Waddani isna u soo biyaystay

$
0
0

London,(Qaran-news)-Safarkii ay dhawaan qaarada Yurubta galbeed ku yimaadeen waftigii balaadhnaa ee xisbiga Waddani ee uu hogaaminaayay musharaxa xisbigaasi mudane C/raxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa joog iyo jiifba u diiday kaadiriinta xisbi xaakimka Kulmiye.

Waxna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku bilaabmay war wer balaadhan iyo sas uu ka qaaday warar sheegaaya in ay isu soo dhawaanayaan ama is fahan buuxa oo walaaltinimo uu dhex maray beelaha dega gobolka Togdheer ee ku sugan qaarada Yurub iyo meelo kale oo dunida ka mid ah oo ay ku jirto xarunta gobolka Togdheer.

Waxna uu Muuse aaminsanyahay in dhaq dhaqaaqayada ay isku afgarteen ama ay isku fahmeen si walaalnimada iyo wada noolaashaha iyo is aaminka u dhexeeya ee la isla qaatay ay ka soo unkantay qurbaha siiba magaalada London, waxna ay arintaasi gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku kaliftay in uu waftiyo u soo diro dalka Ingriiska iyo qaarada Yurub siiba dalka Sweden iyo UK.

Iyada oo uu ka duulaayo fariimahii ku laabtay ee baaxda ay leegtahay in isfahan walaaltinimo oo qoto dheer uu u socdo isla markaasna si bilaa shuurudo ah la isu fahmay ayaa Muuse Biixi is hayn kari waayay waxna lagu wadaa in uu arimahaasi sidii uu u kala tuuri lahaa uu u yimaado magaalada London dhawaan, waxna uu xiligani ku mashquulsanyahay sidii uu dalka Itoobiya uga soo qaadan lahaa dal ku galka Ingriiska.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in kulan balaadhan oo walaaltinimo oo noociisa ahi kii ugu horeeyay tan iyo mudo dheer uu dhex maro beelaha wada gobolada Togdheer,Saraar,Sanaag iyo meelo kaleba kuwaasi oo xaruntooda weyni ay tahay magaalada Burco, kulamadaasi oo aan ahayn kuwo siyaasadeed hase ahaatee ah sidii loo xoojin lahaa wada noolaanshaha iyo aminga madaama oo ay beelahaasi wada degaan baaxada dhuleed uu ugu balaadhan dalka iyada oo aan marnaba gor gortan la galinaynin qadiyada Somaliland.

/


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>