Hargeysa,(Qaran-news)- Dr Xuseen Cabdillahi Bulxan oo shalay daboolka ka qaaday in uu magaalada Muqdisho u tagi doono u ololaynta qadiyada Somaliland oo uu la kulmi doono bulshada rayidka ah, dhalinyarada,waxgaradka iyo dhamaan dadweynaha reer Muqdiosho isga oo sheegay in uu qadiyada gooni isu taaga Somaliland uu xagaasi ka soo bilaabi doono una ololayn doono madax banaanida Somaliland oo mudo hada laga joogo 25 sanadood ka hor lagu dhawaaqay.
Hadaba maanta mar wariye madax banaani uu Dr Bulxan waydiiyay waxa ka jira in dadka dhigiisa ah ee aaminsan qadiyada Somaliweyn ee u dhashay Koonfurta Somaliya in uu ku marti qaadi doono oo ay iman karaannb Hargeysa si ay qadiyada Somaliland uga ololeeyaan waxa uu sheegay in uu arintaasi aaminsanyahay oo uu soo dhawaynaayo.
Waa markii u horaysay ee qof aqoonyahan sheeganayaa uu qadiyada gooni isu taaga Somaliland uu shaki galiyo, kana talaabsado shuruucda dalka u taala iyada oo uu dastuurka dalka u yaalaa uu dhigaayo in qof ka soo hor jeeda qadiyada Somaliland aanu ka dhex ololayn karin gudaha Somaliland ayaa Dr Bulxan uu sheegayaa in aqoonyahanka Koonfurta Somaliya ay dalka u iman karaan sidii ay qadiyada Somaliweyn ugu ololayn lahaayeen
HALKANI KA DAAWO KULANKII UU SHALAY QABTAY DR BULXAN.