Raggii Garxejiskii ee Huriyay Halgankii SNM iyo Guulihii Saraakiishii H/yoonis Maxaa Daboolka loo Saari jirray?
Bismillaahi Raxmaani Raxiim 30.04.2017ka
Qore taariikhyaqaan Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) Saaxiibayaal qoraagani waxa uu Eebbe u sahlay soo saarista 11 buug oo uu ka qoray taariikhihii dadka iyo dalka Somaliland,kadib muddo 19 sano ah oo uu cilmi baadhis iyo taariikh ururin ku guda jiray 1998-2016ka ). Email address.calidool1@hotmail.com, Tell – 00252634405993
(Taariikhdu qarin mayso noockastaba geesiyadii qaaliga ahaa guulohoodii halgankii SNM),
Illeen dadka da’yarta ahi wax isweydiin deyn maayaan,oo ogaanshaha taariikhihii dadkooda iyo dalkooda ayay iftiinsanayaan oo ay mustaqbalka dalkooda ku eegayaane,todobaadii bishii Abriil 2017kii waxa dhegehayga kusoo duulduulayay,su’aalo ay dhalinyarada Somaliland ama kuwa reer Hargaysa isweydiinayeen,su’aalahaasoo u badan raadraaca taariikheed oo dhacdooyinkii hore ummadan soo maray ku saabsanaa iyo daraasaad ama odos siyaasadeed oo mustaqbalka dalka iyo dadka Somaliland khuseeyay.
Dhalinyaradasai waxay isweydiinayeen waxyaalo badan,sida maxay ahaayeen himilooyinkii ay umadda Somaliland higsanaysay ee ay halganka dheer usoo gashay?,waxay isweydiinayeen su’aalo ku saabsanaa,horta yaa inoo horseeday guulihii ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay?,waxa kale oo ay dhalinyaradaasi maalmahan isweydiinayeen,su’aalo ay ku ladhan yihiin,jihada siyaasadeed ee qaranka Somaliland geedigiisu ku wajahan yahay,waxay isweydiinayeen,habka ugu fiican ee nabadgelyada Somaliland loosii adkayn karo?,waxay isweydiinayeen maxay Somaliland ku guulasatay 2017kii sano ee ay jirtay?,waxay isweydiinayeen,maxay ku guulaysan wayday?,waxay isweydiinayeen maxay ahaayeen caqabadihii Somaliland ka horyimid?,waxay isweydinayeen qarankeena maxaa ka khaldamay ama maxaa ka guracmay?,waxay isweydiinayeen Somaliland maxay mustaqbalka dhow ku taabi kartaa,xukun caddaaladeed iyo horumar dhaqan dhaqaale oo badhaadhe ay bulshada Somaliland ku gaadhi doonto IWM.
Aan dulucdii mowduuceena ku noqdee,waxa la joogaa,madal ilyartu isqabatay oo ku taala xaafadaha dhinaca galbeed magaalada Hargaysa,ninbaa hadlay oo yidhi,nimanyohow horta maxaynu isu yeelyeeli jiray,oo aynu daboolka u saari jiray,guulihii taariikhiga ahaa ee ay halgankii SNM usoo hoyiyeen, raggii geesiyiinta ahaa ee mucjisooyinka dagaal dhigay ee beesha Garxejis amaba jilibka Habaryoonis ee ahaa?
Nin kale oo madashaas fadhiyay ayaa isaga oo yara qoslaya yidhi,maxaad uga jeeddaa su’aashaas?.dabadeedna nin kale ayaa ka jawaanbay oo yidhi,hebelow ninkani wuu innaga da’yar yahay oo taariikhbuu ku weydiiyaye si fiican ugu jawaab?.ninkii dhalinyarada ahaa ayaa hadalkii kusoo noqday oo yidhi,anigu waxaan maqli jiray innaga oo ku dacaadaynayna beesha Habaryoonis,inay gaabis ahaan jirtay xilligii halgankii SNM uu socday,markii aan dhacdooyinkii taariikheed ee halgankii SNM ku saabsanaa,aan dib u raadraacayna,waxan arkay inay been ahayd dacaaddaasi,
Intasa markii uu yidhi,waxa madashii soo galay,nin mujaahidiintii SNM ka mid ahaan jiray oo habaryoonis ahaa,dabadeedna nin kuwii sii fadhiyay ka mid ahaa,ayaa isaga oo afjaaqaya yidhi,”ka gudub ka gudub”.ninkii cusbaa ayaa intii aanu fadhiisanin yidhi,miyaad naxamaynayseen?.dabadeedna nin saaxiibkii ahaa ayaa yidhi,waad garatay,balse waanu idin hadalhaynay laakiin maanta idinmaamaan xamaynine guulihiinii hore iyo garwaaqsiga xaqii la idinka duudsiyi jiray ayaanu maalmahamba ka sheekeynaynay oon hadal haynay,weliba isaga oo kusoo dhoweeyay inuu saaxiibkiis sheekada dhagaystoo oo uu ka qayb qaato,sidaasi miyay xuntahay ayaa ninkii Habaryoonis la su’aalay?,markaasuu wiilkii Habaryoonis sheekadii goobta taalay fahmay,kadibna isaga oo kaftamaya ayuu yidhi, nimanyohow horta Habaryoonis
xaqbaa idinku maqan mooyaane welideed Habaryoonis may arag mana maqal beel kale ku oo tidhaahda xaqbaa
Habaryoonis ka maqane,waad fiican tihiine,walaaladayadii Awal-qaboobow malaha waa aakhiru sebene,bal iska wadwada
ka sheekaynta xaqayagaas aad maanta uun gaateen,hadday idinka dhabtahay!!.waa la qosqoslay waana la yara aamusay.
Su’aalihii Dhalinyarada iyo Xogihii Taariikheed ee la Qarin jiray
Laakiin ninkii qoraaga ahaa ee dhalinyarada ahaa oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi,anigu imika uunbaan ogaaday inay
Habaryoonis ama Garxejis ahaayeen raggii asaaskii halgankii SNM kaalinta 1aad ku lahaa,waxaan ogaaday raggiii Garxejis
ama Habaryoonis ay guulihii ugu caansanaa halgankii SNM u keenay SNM,gaar ahaan dhowrkii sano ee ka horeeyay
qarixii dagaalkii weynaa ee dadweynihii dalku ka wada qaybgaleen ee 1988dii,waxaan ogaaday inuu mujaahid Lixle ahaa
ninkii jeelka Mandheera weeraray ee maxaabiistii ku idhnaa kala baxay 1983dii,waxaan ogaaday inuu Lixle ahaa ninkii
dagaalkii Burco Duuray wacdaraha ka dhigay ee 11 pp gubay,waxaan ogaaday inuu Cawil Cadami ahaa ninkii diyaaradii
Somali Airline Muqdisho kasoo afduubay 1984tii,waxaan ogaaday inay Ibraahim koodbuur iyo C/salaan Turki ahaayeen
saraakiishii SNM ee Cabdillaahi Askar Hargaysa badhtankeeda jeelka kala baxay,waxaan ogaaday inuu Maxamed Cali
ahaa ninkii asaasay ciidankii ugu horeeyay ee SNM (guutadii 4aad),inkasta oo ciidankaasi uu beesheena u badnaa,waxaan
ogaaday inuu Axmed Mire ahaa sarkaalkii xerooyinkii tababarka ciidan ee Jinacsanay iyo Baabuli kumaandoostii 400 ahayd
ee SNM ku tababari jiray 1982-19984tii,waxaan ogaaday inuu axmire ahaa ninkii guushii ugu weynayd halgankii SNM u
keenay ee barqada cad weeraray dowladdii Somaliya ee xabbadda ka bilaabay badhtanka Buco 27kii May 1988dii iyo
saldhiggii gaaskii 3aad ee fadhiyay gudaha magaalada Burco,waxaan ogaaday inuu Axmed Mire ahaa ninkii xeebaha
Sanaag maraakiibta waa weyn ku qabsaday 1989kii,waxaan ogaaday inay Maxamed Cali iyo Xuseen Dheere ahaayeen
nimankii weeraray saldhiggii adkaa ee degmada Caddaadlay 1988dii,waxaan ogaaday inuu harag waafi aha aninkii duhurka
weeraray cusbitaalkii Burco ee kala baxay kornaylkii Itoobiyaanka ahaa ee ay ciidankii Somaliya maxbuuska dagaal u
haysteen ee ay Ballidhiig kusoo qabteen 1984tii,miyaanu cbadiraxmana Tuur gudoomiyihii SNM ee cahdigiisii dalka la
xoreeyay ahayn?,miyaanay… ……waxaan ogaaday…… waxaan ogaaday……?,hadaba waxaan idin weydiinayaa maxaynu
Garxejis amaba Habaryoonis u duudsiyi jiray oo guulohoodii halgankii SNM u qarin jiray?,maxaynuse walaaleheen kaga
bugsiin karraa,waxyaalaha ay innaga tabanayaan?.
Dabadeedna nin kale ayaa hadlay oo yidhi,duudsiga guulahooda iyo dacaaddaynta Habaryoonis waxa ku sheekeyn
jiray,garabkii ururkii SNM Khaakhda la odhan jiray,ee uu xafiiltanka siyaaasdeed ka dhexeeyay garabkii kale ee SNM ee
Shiishta la odhan jiraye,innagga,ama aan idhaahdo inankaas su’aalaha badnoow,adiga maxaa manta kugu cusub oo aad
soo maqashay oo aad jawaabtooda naga doonaysaa?.
Ninkii Sheekadiisii iyo Xusuusihii Hore ay Ka Oohiyeen
Nin kale oo goobta fadhiyay,ayaa isaga oo aan is ogayn si degdeg ah hadalkii u boobay oo isaga oo aad u cadhaysan
yidhi,waaryaadha,miyaydaan ilaahay ka cabsanaynin,meesha miyaan iddinka tagnaa?, maxaad calool xumadayada ku
falaysaan?,xummaantii ay bulshada beesheena iyo kuwa aynu gulufeysiga leenahay ku dhexfaafiyeen,nimankii qarintii
guulihii raga kale ku macaashi jiray,ee guuldarrada siyaasadeed,khilaafaadka,muranka iyo garbaduubka halgamayaashii
SNMta hoosta ka wadi jiray,nimankaas iskooxeysiga siyaaasadeed ku wada jiray khaladaadkii ay sameeyeen ee aanu is
illowsiinaynay maxaad u faqfaqaysaan ood noo xusuusinaysaan?,ma wax aydaan ogaynbaa jira?,
Waaryaadha waa nimankiinan,innagu guuleheena waynu buunbuuninaa,lakaiin beelaha kale kama guul badnin,haddaynu
runta isu sheego,dadkan iyo dalkan horeysiyo dambayso arrimhii ka xummaaday,marka la qaybqaybiyo,inta ugu badan
aakhiro waa dubnaddeena.maxaayeelay innaga ayaa dadka xummayn jiray oo geesiyaashii SNM ee aan beesheena ahayn
guulohooda dafiji jiray.,innaga ayaa Ina Cigaal been u sheegnay oo ku nidhi,mujaahid Axmed Mire weligii 20km uma aanu
gaadhin meel ay xabadi ka dhayso.innaga madaxdii beesheena ee xilligaas talinaysay,reerkuu doonaba ha ahaatee,ayaa
dadka qofkii waxgarad ah ama aqoon leh iyo qofkii caqli leh ee fikrad ama talo wanaagsan keeni kara,iyo xitaa qofkii
beesheena ah ee runta ka sheega halgankii SNM ama qofkii guulihii mujaahidiintii waa weynaa ee Habaryoonis soo
hoyiyeen iyo xitaa geesiyadii beelaha kale dagaaladii faraha badnaa ee ay guulaha kasoo hoyiyeen,raggaas ayaa ruuxii
bulshada uga sheekeeya caayi jiray,oo fikradihiisa xalaasha ah cabudhin jiray,oo cunaqabateyn jiray,oo cadaadin jiray,oo
dacaayadayn jiray,oo takoori jiray oo inuu run sheegaasi cadow xun yahay ummadda uga dhigi jiray,.
Inanyohow waad naga hadashiinaysaaye,rag innaga ah ayaa geesiyaashii Habaryoonis ama Garxejis guulohoodii faraha
badnaa ka hinaasi jiray oo qarin jiray,oo taageerayaashooda marin hababain jiray,oo taariikhda uga been sheegi jiray,ciddii
aan iyaga indhala’aan ku taabeerinna dacaayado badan ku furi jiray,rag innaga ah ayaa wixii calool xumo bulsheed iyo
cudur siyaaasadeed ee ummadda la dhex dhigay faafin jiray,iyaga oo siyaasadohoodii qarafaadhugta,hanjabaadda iyo
qabwablaynta ku salaysnaa,ku doonayay inay ku cabsi geliyaan dadweynaha dalkan,kadibna ay xukunka dalkan sidaas ku
haleelaan oo weligood ay iyagu kooto ku haystaan awoodda dowladnimo ee ummaddu wada leedahay,Ilaahayse waxwalba
wuu ogyahay mana odhan,Ilaahayna ma guuleeyo khaa’imiinta shirqooladooda khatarta ah,waxaan odhan karaa
dhammaan siyaasadihii guracnaa ee dadka Somaliland lagu khasbay iyo calool xumooyinkii bulshada la dhexdhigay
raggaas ayaa Aabbe iyo hooyo u ahaa.…..!.maantana bal ogow oo………!!!
Intaas markii uu yidhi,ayuu cunuhu qalalay,kadib markii ay aad qiiradiisii iyo xusuusihiisii kacday uuna dib u xusuustay
khaladaadkii faraha badnaa ee uu ogaa cidda samayn jirtay,dabadeedna inta uu hadli kari waayay oo uu ilmeeyay
ayuualaabtiisii laalaabtay oo uu si degdeg ah madashii uga baxay.
Markii uu ninkii waramayay madashii ka baxay,madashii cid juuq tidhaahda yaa la waayay,cabbaar ayaa la wada
aamusnaa,oo isha mirig laga siinayay,raga qaar madaxa ayay gacmaha saareen,qaarna eegmo dhaygag ah iyo dhabbana
hays ayaa kasoo hadhay,markii xaaladdaas muddo nus saac ah lagu jiray,ayuu ninkii Habaryoonis hadalkii u baxay,oo uu
sheekadan gaaban ku kaftamay,
Sheeko Gaaban oo Garnaqsigii Ninkii Habaryoonis ah
Horta nimanyohow,dhammaanteen dad walaalo ah ayaynu nahay,beel keligeed isku filan oo ana inta kale u baahnayna ma
jirto,haseyeeshee idinku ama khaldanaada ama saxsanaadee,waxaad nagaga guulaysateen inaad walaaleheenii kale ee
aynu u sinnayn aad xilliyada qaar dhegehoodii qabsateen..
Qolkasta oo reer Somaliland ahna guulo waa weyn oo ay ummadda Somaliland usoo hiyisay way jiraan,
Hadaba beribaa waxa jiray,rag walaalo ahaa,oo 8 nin ahaa,kuwaasoo markii uu Aabohood dhintay,ee uu sidii dhaqanka
Somalidu ahaa uu inankii curadka reerka ahaa uu taladii qoyska hormuud ka noqday,ayay raggii walaalihii ahaa ee ka
yaryaraa aad uga hinaaseen,kaalintii hogaaminta reerka ee uu buuxiyay walaalkoodii ka weynaa,waxay ku bilaabeen inay
talakasta oo wanaagsan haddii uu keeno inay khilaafaan oo ay horjoogsadaan,waxay ku xigsiiyeen inay markasta
fashilyaan howlaha shaqo ee uu qoyska u hayo ama u qabanayo,markii damabana way showreen oo inay shirqoolaan oo
ay khaarajiyaan walaalkood ayaay qorsheysteen,kadibna walaalkood ayaa xanuunsaday,markii uu muuddo xanuunsanaa
ee ay reerihii jaarka lahaa wada ogaadeen inuu walaalkood buko,ayaay maalintii dambe,intay maro cad kusoo kanfeen oo
ay naxash soo saareen ayay soo qaadeen oo dadkii ku yidhaahdeen,Hebelbaa xalay dhintay oo aanu soo aasaynaa,dadkii
tuuladuna intay hareeraha ka galeen ayay naxashkii la hinjiyeen,inyar dabadeed ayuu ninkii liitay ee Naxashka
saarraa,qayliyay oo uu yidhi,dadyohow maan dhinane,waan bukaa oo aad ayaan u jilcay mana kici karo,walaalahayna
aniga oo nool inay xabaal igu ridaan oo ay isoo aasaan ayay doonayaane iga qabta.
Dadkii ayaa yaabay oo socodkii joojiyay,markaasay walaalihiis dadkii lahadleen oo ay ku yidhaahdeen,ninkan annagu 7dii
nin ee walaalihiis ahaa miyaanaan ahayn?,haa ayaa lagu yidhi,haddaba ma isaga ayaad rumaysanaysaan mise annagan
7da ah ayaad na rumaysanaysaan?,dadkii oo yaaban ayuu soo gaadhay sheekhii tuulada ee ninkan nool xalay
gunaanaday ee salaadda jinaasada ku tukan lahaa,markaasay dadkii sheekhii tuulada ku yaaceen oo ku
yidhaahdeen,sheekhayagiiyow ninkan Naxasha saarani ma dhiman oo wuu hadlayaaye sideebaa loo aasi karaa kiiyoo
nool?,markaasuu sheekhoodii ku yidhi,anigaba walaalihiis oo isudhan ayaa xalay igu yidhi,wuu dhintay,waanaan
gunaanaday,hadaba innagu ma nin keliya ayaan rumasnnaa mise 7 da nin ee walaalihiis ah?…..ninkii Naxashka
saarraa,ayaaba shakiyay oo isyidhi malaha waa runtoode waad dhimatay,haddaba annagu Garxejis ahaan markaan
aragnay 7diinii nin ee kale ee waalahayo ahaa,beentii aad naga faafinayseen,dacaayadayntayadii iyo khaladaadkii dhacay
ee aad anaga keligayo dusha noo nasaarayseen, markii aad xummaanahaas isku wada raacdeen, ayaanu shakinnay oo
waxaanu is nidhi, malaha idinkaaba khaldan oo walalaihiin ayaa run sheegayoo aamus uunbaana nagasoo hdahaye,bal
manta sheekadiinan cusub halkay ku dambayso ayaanu ka dhursugi….
LASOCO……………………………
Taariikhyahan Cali Dool Axmed (C. Qoryoley)