OGAYSIIS: SHIRWAYNAHA BEELAHA WALAALAHA AH EE “ HABAR JECLO & HABAR YOONIS” OO LAGU QABAN DOONO LONDON ,SABTIDA 13TH MAY,2017.
Salaanta Islaamka ka bacdi ,waxa si xushmad leh loogu martiqadayaa dhamaan Jaaliyadaha deggan U.K ee kasoo jeeda beelaha walaalaha ah ee HY & HJ inay si mug-leh uga soo qayb galaan Shirwaynahaa lagu qaban doono London,U.K. Ajanadaha shirku wuxuu ku koobanyahay : Horumarinta deeganadda ay wada degaan labada beelood ee Saaxil, Sanaag, Sool, Saraar, Toghdeer & Kilidhka Shanaad; dhiirigelinta maalgaashiga & wax-wada lahaanshaha; fududaynta isdhexgalaka iyo wax wada qabsiga bulshada rayidka ah; adkaynta nabadgelyadda & jiritaanka qaranimadda Somaliland. Waxa kale oo kasoo qayb galayaasha shirka “ Participants “ la ogaysiinayaa in madasha lagu qaban doono “ FUND RAISING “ lagu maamulo doono shirarka isdaba-joog ah ee ka dhici doono gudaha Somaliland iyo kiraynta guryaha loogu tallo galay isdhex-galka bulshada rayidka ah siiba dhalinyaradda.

GOOBTA : TREDGAR COMMUNITY CENTER, 333 MORVILLE STREET ,BOW LONDON E32DZ LONDON.
WAQTIGA : 2-9 PM , SATURDAY, 13TH MAY.
WAA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDIDA QABANQAABADA