Dekedda Berbera iyo sheekadeedu qiso ayaa ay reebtay. Kalmad ah, “Waanu wareejinay” ayaa aad moodaa in ay afsoomaaligii ku soo korodhay. Dadkii Hargeysa joogay, shicib iyo dawlad, mucaarid iyo muxaafid, kii aad wax ka su’aashid amuurtan dekedda, waxa uu kugu odhanayaa mooyi! Waxa soo baxay boqol iyo koow su’alood, oo jawaab nus ah loo hayo, ama aan jawaab ba loo haynin! Yaa wax leh? Intee cid waliba leedahay? Sidee ku yeelatay cidda waxaas lihi? Ilaa hadma ayaa ay leedahay waxaas? Iyo qaar kaloo badan. Maalmihii sheekadu bilaabatay, wasiiradda Somaliland waxa ay odhan jireen dawladda Itoobiya ayaa boqolkiiba toban yeelan doonta saamiyada guud, tobankasi na waxa ay ka mid yihiin 65% ka Imaaraadku yeelan doono. Hadda tii waa is bedeshay, war cusub oo odhanaaya Itoobiyaanku 19% ayaa ay leeyihiin baana yimid, wax se cadaynaaya xataa 19% kaas cidina ma hayso. Geesta kale, Wasiir Dawlaha Madaxtooyada oo hadlay ayaa sheegay in 19% kani ka mid yahay saamigii Somaliland ee 35% ka lagu sheegay, sidaas darted na ay 16% uun Somaliland leedahay. Mid kale oo hadlay na waxa uu yidhi, saamiga Itoobiyaanku waxa uu ka mid yahay qaybta Imaaraadka. Al-muhim, xogtan oo dhamays tirani waxa ay ku sheegnaan lahayd heshiiska kama dambaysta ah, kaasna in baarlamaanka la keeno oo lagaga bogto ayaa ay ahayd, taasi se ma dhicin, mana dhici doonto haba yaraatee. Sidaas darted, waxa muuqata in qofba uu qayb yar oo xogta ka mid ah uun hayo, cid xogtii oo dhamays tiran haysaana aanay jirin. Hadiiba ay jirto cid xog haysaa na, waa qof ama laba, hadii aan badiyo na waa saddex. Waynu u joogi wixii noolaada, iyada oo su’alo wada cakirani soo baxeen, oo qofkii la waydiiyaaba uu odhan doono ma ogi iyo mooyi! Dee Maxamuud Xaashi baa sidaas lahaa…. Dee Baashe ayaa aniga maalin igu yidhi…. Dee hebel/heblaayo ayaa ii sheegtay in… Dee… Dee…! Aakhirka na waxa ay ku dambayn – wa qaddar Ilahay ee aan iska samirno.
Maxamed Haaruun
mbiixi@googlemail.com