WIXII AAN KU SOO ARKAY DHAQTARKA WEYN EE HARGAYSA ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad
QALINKII Cabdi Cawiye
14 bisha may goor ay tahay 7:58 daqiqo xaafada goljano ayaa waxa meel dukaana soo galay inan yar oo ay eryanayaan laba askari markiba ninkii dukaanka ayaa la hadlay askartii oo yidhi “ waar waa inankii dukaanka ila hayey ee ciyaalo xaafadkii maaha “. Haba odhan lahaydee mid askarta ka mid ahaa ayaa dhibaaxo dhabanka kaga balaadhiyey mulkiilihii dukaanka dabadeed dumar ka dhawaa meesha ayaa dhawaaqo iyo qaylo isku daray ka dib dumar badan ayaa soo ururay oo meeshii kusoo xoomay.
Mid kale oo askarta ka mid ahaa ayaa xabad si kama ah iskaga riday dabdeed waxa ay haleeshay inan dayar ah oo gurigooda kasoo baxday oo da’deedu ahayd 14 sanno inanta yar xabadu waxay ka dhex baxday caloosha oo ay jiidhay.
Ka dib tacab iyo dhibaato iyo jahanwareer inantii yarayd waxaa lagula cararay cibitaalka wayn ee magaalada hargeysa saacadu waa abaaro 8:30 habeenimo kadibna waxaa la geeyey goobta qalinkii markii aanu masuuliyiintii loo tagay hadalkii u horeeyey ee lagu yidhi waxay ahayd “masoo bixiseen lacagtii qaliinka “ yaab amakaag iyo anfariir inan meesha taagnaa oo qoyska inanta yar ka mida ayaa ku yidhi “ walaal lacag la waayi maayee nafbaa go’aysee horta inanta yar badbaadi”. Yaab waxa uu ugu jawaabay ninkii qaybt qaliinka haystay “ kaadhkii lacagta aad ku soo bixisay oo aad ii keento mooyaane ha u fadhiyin in far la saaro “
Allahu akbar hadada inanta yar waxaa xabada ku dhuftay waa askari dawlada ka tirsan waxa loo diidayaana waa dhaqtarkii dawlada, intaa ka dib waxaa lacagti soo bixiyey inan khayr badan oo ehelada ka mida. Markii uu keenay kaadhkii ayaa waxa kazoo yeedhay masuulkii dhaqtarka dawooyinkaa soo iibso gacamo-gashi ama ( gloves) na soo iibso iyo 8 irbadood oo number 2 ah.
Haddaba markii lasoo iibiyey ayaa waxa kasoo yeedhay ninkii masuulka ahaa inantu waa bilaa dhiige dhiig dad u shuba keena, waxa lagu yidhi dhaqtarkii inanta dhiiga baanka yaala noogu sii shub aanu dad la dhiiga aanu doonanee intii uu meeraysanaayey ayaa waqtigii gaadhay 10:30 habeenimo hada u fiirso saacada la keenay inanta dhiigu ka socdaana waa 8:30 habeenimo waa immisa waqtiga ay inantu qaliinka sugaysay
(10:30pm – 8:30 pm = 2 hours )
Bal hada u fiirso waqtiga ay dhaqtarka iyo qaliinka sugaysay waa 2 saacadood waana qof nolol iyo geeri u dhaxaysa
Yaa inoogu wacan in dadkeena muwaadiniinta dawadii hayaduhu bilaash ku bixiyeen dadkii kaba dhintaan.
Immisa qof ayaa u dhinta lacag daraadeed dhaqtarka guud ee caasimada.
Waxaan soo gubindoonaa maqaalada dambe dad badan oo aan waraysatay oo qaarkood ay ii sheegeen in shaqo xumo iyo iimaan la,aan dhaqaatiirta haysata daraadeed ay u waayeen caruurtoodii oo lagala daahay gargaarkii qaliinka lacag daraadeed
LASOCO……..
TELL 0634115877
GMAIL SHAYWAAL12@GAMIL.COM
HOTMAIL CAWIYE17@LIVE.COM
↧
Wixii aan ku soo arkay dhakhtarka weyn ee Hargeysa
↧