Bashe Cawil Morgan ayaa intuu lacag dhiibtay uu Faizal Cali Waraabe oo hanfada ahna gabood ka sii dhigtay yidhi Borama shahaada ha la igu gudoon siiyo. Morgan wuxuu caan ku yahay taariikh dana ku galay in uu yahay wiilka uugu musuq maasuqa badan ee sodohdii na wadanka la xukuma. Shahaadada qudha ee uu muteysan karaa waata musuq-maasuqa. Waa ciyaala suuq nimadii uugu weyneyd ee shicibka la hor keeno iya doo Morgan la gudooon siinayo shahaadad. Shicibku had iyo jeer waxay is weydiiyaan halkuu Morgan ku noolaan marka sodogii kuursiga ka dego isna is maba oga. Somaligii ka soo hor baxaaba wuxuu odhan doonaa waa kii Somaliland hagar daameeyey dabeed cidina ma jeclaan doonto oo wuu ka dhuuman doonaa dadka. Morgan shahaadada uuqaatay dhinac waa ka sax oo waxay noqonaysaa in lagu gudoon siiyey shahaadadii musuq maasuqa uu heerka sare ka gaadhay. Morgan nasiib kiisa waxa u gaboobay sodogii iyo sodhdii oo wuxuu yidhaa uun bay maqlaan. inamadii ilma Silaanyo markay xamili waayeen sida aaba-hood ay u gelayaan Morgan iyo hooyada-dood ayaa la isku dhacay dabeed halkaa ka timaadeen ku noqda bay ku tidhi Amina Weris oo dhana u diideysa inama deeda eedaha uu Morgan faraha kula jiro ee bulshadu ku wada nacday. Waxa Morgan wehelinayay Faizal Cali Waraabe oo xisbigii ucid aan ilaa hada u samayn musharax madaxweyne ku xigeen iyadoo waqtigii doorashada mudo yari ka hadhay. Hase yeeshee Faizal qoloftii busaaradu way ka dhacday oo keligii baa xisbigii ucid ku shaqeysta oo waxna ku caaya kolba meelna uugu duula dowladuna lacag iskaga aamu siisaa. Subxaan: Madaxweyne ku xigeen kii Saylici ayaa ka khajilay in uu ka qeyb galo oo uu Borama u raaco oo ka cudur daartay markuu Morgan weydiistay inuu isna shahaadad la siiyo. Morgan gud-cur buu gudayaa ee waa wiilka loogu necebyay ee aan reer Somaliland magaciisaba maqli karin. Waxba se kaga may tegin haday ku dhejiyeen macag xun oon weligii ka hadhin…Morgan…..
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com