Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wariye Coldoon oo fariintii samafal ee ugu horaysay ku ganay madaxweyne Siilaanyo tan iyo intii la soo daayay maanta kana dalbadaay in la sii daayo dad ku xidhan…..

$
0
0

Wariye Coldoon ayaa iftiimiyay in aanu helin cadaalad isga oo ka hadlaaya xukunkii lagu riday ee hada madaxweyne Siilaanyo cafiska siiyay ayaa waxa uu yidhi, xadhigaygu in uu ahaa xaq iyo in aanu ahayn waxa idinkaga filan kala hadalka xaakinkii aniga i xukumay iyo gudoomiyaha maxkmada sare oo ku kala hadlay laba hadal oo is khilaafsan kala sheegay markii la i xukumay kadib ayaa gudoomiyaha maxkamada sare Farxaan Xaaji Cali uu wax kale saxaafada ka sheegay xiligii uu ku sugnaa dalka Ingriiska, markaa idinka ayaan idiin dhaafyaa hadaldaasi is khilaafsan.

Waxa uu wariye Cabdi-maalik Coldoon uu daboolka ka qaaday in xabsigii uu ku jiray ay ku xidhanyihiin rag dhamaystay mudadii xukunka lagu riday oo ay  qaarkood  ay lix sanadood xidhanyihiin, arintaasi oo uu ku tilmaamay  xaq daro isla ma, waxna uu fariin gaar ah hawada u mariyay madaxweyne Siilaanyo isaga oo ka codsday in dadkaasi ay ku mudo dhaaftay ee iska xidhan in xabsiga laga sii daayo, waxna uu xusay in dadkaasi xidhan ee dhibaataysan awgood uu roobku inoogu diwaayay oo ay haboontahay in dadkaasi dhamastay xukunkoodii ooda laga qaado oo xoriyadoodii ay helaan.

Cabdimaalik Coldoon oo sharxaaya qadiyada Somaliland waxa uu sheegay in aanu haba yaraatee ka soo hor jeedin dawladnimada iyo qaranimada Somaliland, waxna uu xusay in ay dad si gaar ah arintaasi u buun buuniyeen, waxna uu sheegay in uu la dagaalamaayo oo farata  ku fiiqaayo cidii duminaysa jiritaanka Somaliland, waxna uu xusay in uu mar kale i balaadhan u hadli doono

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>