Wasiirka maaliyadu waxay tidhi suuf iyo xanjo waxaannu isu geynaba million iyo laba boqol oo dollar baannu bixinay.
Talow xukuumadu yay ka sugaysaa afarta million ee kaadh qaadashada gobolada hadhay. Sidey doonayaan in doorasho u qabsoonto hadaanay lacagba u quudheyn oo ay is leeyiin ku sii fara laaba. isma oga smidh iyo ninkii eyro foofsaday….Shicibka todoba sanadood iyo badh la jacta-diyey haday dowladu isku deydu inay ku ciyaarto doora shadooda waxaan shaki ku jirin in sida ka dhacday wadano badan oo Africa ah madaxtooyada loo daadan. Su’asha da’da weyn ee madaxa daalinay saa waxay tahay qoyska dalka ka taliyaa cir weynaa goor may lacag ka dhergayaan sow kuwii wadan dhan xaraashay. Shicibku wuxuu doonataa oo keliya doorasho, hase yeeshee dadka madaxtooyada fadhiyaa waxay ka shaqayna yaan sidii shicibku wadanka u bilili-qeysan lahaa ee la isu dili lahaa ee qaran nimadu ku bur-buri lahayd.Hadaanay sidaa doonayn malaayiin doolar bay Somaliland ka dhaceen oo lagu qarsaday baananka Dubai ee maxay u bixin la’ yiin afarta million ee ay ku balan qaadeen. Dowladihii Somaliland ka caawin jiray iyagaa diiday oo mudo korodhis ka door biday, iminkana lacagtii baa la buuraatay oo laga fur-furi kari la’yay. Natiijada halkaa ka dhalataa waxay u eegtay in aanay kad banayn oo iyagu qoolayaan dabinkii ay ku dhici la haayeen. Mudo dheer baa dad aan la doorani dalka ka talinayay oo ay moodayaan inay ku waarayaan. Cilada jirtaa waxa weeye Amina Weris oo dhana lacagta caabuda dhana ka sii jecley sanaysa inay qasriga madaxtooyada sii fadhido hadaba miyaanay maqal Fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa. Madaxtooyadu waxaanay ku xisaab tamin in aan dulmigu cimri dheer lahayn waxaana uugu wacan ma akhriyaan taariikhda aduunku soo maray iyo diintu waxay tidhi toona ee xaal koodu wuxuu isugu ururay halkaynnu iibinaa dabeed shicibku waxay sugayaan bal halkay ku dan beeyaan ileyn xoolo agooneed baa ku maqan e.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com