TAARIIKH NOLOLEEDKII MUJAAHID OTTO BIIXI OO KOOBAN
Waxaa Shalay oo taariikhdu ahayd 05/06/2017, Geeri naxdin lihi u timid Mujaahid Otto-Biixi Biixi Caalin; Dembigiisa Illahay ha dhaafo, Qoyskii & Qaraabadii uu ka tegayna Eebe Samir iyo Iimaan ha ka siiyo.
Mujaahidku wuxuu ku dhashay Hargeysa, Waxbarashadiisana wuxuu ku soo Qaatay isla Hargeysa. Mujaahid Otto Biixi wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Jabhadii SNM, Wuxuuna ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ee Tababarka ku soo dhamaysatey Xaruntii tababarka ee Baabuli.
Mujaahidku wuxuu ka mid noqday Guutadii Sancaani ee Soo gashay Magaalada Hargeysa. Gooni isu-taagii Somaliland ee 1991 wuxuu ka mid ahaa Ragii Dhidibada u taagay; Waxaana Xusid mudan in si loo yagleelo Qaran uu ahaa Madaxdii Sancaani ee Hubkii ugu horeeyey ku wareejisay Xukuumadii Markaas la dhisay ee Madaxweyne A/rahman Ahmed Ali “Tuur” hogaaminayey.
Mujaahidku wuxuu kaalin Nabadeed ka qaatay Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1994, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka qayb-qaatay isu-soo dhoweynta Beelaha. Mujaahid Otto Biixi wuxuu qayb-lixaad leh ka qaatay geedisocodkii Dimoqraadiyada Somaliland, Wuxuuna ka mid ahaa Aas-aasayaashii Ururkii Xaqsoor.
Mujaahidku wuxuu Caan ka ahaa Dhamaanba geyiga Soomaaludu degto, Wuxuuna ku lahaa Saaxiibo Badan. Waxaa Xusid mudan in Warbaahinta Baraha Bulshada aad loogu hadal-hayey Geerida Mujaahidka, Gaar-ahaana Qurbaha oo uu Saaxiibo badan ku lahaa.
Mujaahid Otto Biixi oon taariikhdiisa qoraal lagu soo koobi karin ayaa wuxuu hada ka tirsanaa Saraakiisha Sar-sare ee Xisbiga Waddani, wuxuuna ahaa Shaqsi Xibiga aad looga Jecel yahay, Kuna dhex-lahaa Saaxiibo tiro badan. Mujaahid Otto Biixi wuxuu ifka kaga tegayna Xaas iyo Caruur Badan, Waxaa xusid mudan inay jiraan Caruur badan oo uu Awoow u ahaa oo Caruurtiisu dhaceen.
Ugu Dambayn Waxaan xusid mudan in Mujaahidku uusan Wax Xurmo & Xaqdhowr ah toona ku haysan Xukuumadan kulmiye ee Hogaanka u goysey halgamayaashii Dalkan Xoreeyey, Caruurtoodii iyo Xaasaskoodiiba.
Waxaa u mahadcelinayaa A/samed Ali Madobe oo ay Mujaahidka Saaxiib ahaayeen oo Xogtan kooban ila Wadaagay.
Qore: Qasim A Saleebaan