Reer Burco ayaa indhaha ku haya raxan wasiiro iyo isugu jira saraakiil xisbiga Kulmiye ka socota oo ay ka mid yihiin Maxamoud Xaashi, Zamzam Abdi, Muse Biixi iyo Maxamed Kaahin. Magaalada Burco ayaa sida la wada ogyay mar qudha isu wada bedeshay mucaarad oo shirar fara badani ka socdaan. Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ayaa xamili kari waayay guuxa Burco ka socda oo doonaya inay damba basaan hase yeeshee reer Burco waxa ka goa’n hadii weftigaasi faraha la galo arimaha Burco siiba mideynta labada beelood ee HY iyo HJ in magaaladu ku kacdo oo weftiga laga caydhiyo Burco oo meel ay cag dhigaan ay ka waayaan magaalada. Waxay kale oo xukuumadu ka gami’ weyday shirar dhalainyarada beesha HJ ku baaqday oo lagu qaban doono bisha July magaalada bali dhiig. xukuumada qudheeda ayaa la sheegayaa inay 40% mucaarad yihiin. Waxaanay ku anda-coodaan oo hadii ilka nalaga qaado waxaanu seegaynaa waa dhowr bilood mushahar kood oo doorashadii ba la gelayaa. Isku soo xoori oo waqtigan la joogo mucaaradka iyo muxaafadka waxa badan mucaaradka. Weftiga Burco meerey-sanayaa way ogyiin in aanay waxba ka bedeli karin beelo tashaday ee Muse Biixi uun baa lagu qancinayaa sida shalayba ay dowladu uugu dhiibtay $70,000 laguna heshiiyey in uu Muse Biixi yidhaa taageera yaasha Kulmiye ayaa soo ururiyey oo dadka xanuunka shuban biyoodku ku dhacay baannu ku caawinay. Waa bil Ramadaan ee may beenta iska daayaan waa la ogyay inay cashuurtii ummada tahay e. Halkan kala soco waxa weftiga iyo reer Burco kala qabsada.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com