Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Taliye hawl-gal shaqo lagu dhaawacay Xaalad adagna ku jira oo xukuumaddu awoodi wayday in Dhakhtar dibadeed loo qaado.

$
0
0

Taliye ku xigeenkii Booliska ee magaaladda Burco Captan Aadan Kayse Ismaaciil oo hawl-gal shaqo loogu dhaawacay magaaladda Burco ayaa dhakhtaraddu Kula taliyeen in loo diro dhakhtar dibadeed ilaa haatan dawladu wax Gar-gaar ah umay fidin, isagoo lagu dhaawacay hawl-gal shaqo oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqaynayay, Abaalkiisu wuxuu ahaa in si dhakhso ah loogu qaado dhakhtar dibadeed, xaalada Askariga ayaa cakiran, isagoo xabad looguna gurmado, lagaga dhuftay Caloosha kana dhex baxday macdanta caloosha.

Taliyaha ciidanku xataa muu booqan, dawladana hadalkeeda daa, waa abaal loo dhigtay qofkkasta oo ku hanwaynaa in uu dalkiisa iyo dadkiisaba u dhinto.

Askarigu wuxuu qaataa 80$ lacag u dhigmaysa, wuxuuna naftiisa u hurey dalkiisa iyo dadkiisaba.

Xukuumada iyo taliyaha ciidanka booliskaba waxaan ugu baaqayaa inay si dhakhso ah ugu qaadaan dhakhtar dibadeed ama wax loogu qabto.

Qaabka ay xukuumaddu u daryeelo ciidankeeda ayay iyana ugu shaqaynayaan , ha loo gurmado taliyaha xaalada caafimaad ku jira.

Faafi oo gaadhsii asxaabtaada.

Farxaanmxd@gmail.com

Rakad Mxd Sultan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>