War-weyn:Baybkii Shidaalka Maraakiibta Berbera ka soo qaadi jiray ee Haamaha ku shubi Jiray oo Markab Jiidhay+Dhaawca gaadhay

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews Baybkii Shidaalka ka soo qaadi jiray ama ka soo bamgareyn jiray Maraakiibta (Fuel Tankers) ee ku shubi jiray Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera ayaa dhaawacmay ka dib markii Markab jiidhay.
Baybkan ayaa ahaa Bayka keliya ee Berbera ku yaal ee Shidaalka ka soo qaada Maraakiibta kuna shuba Haamaha kaydka Shidaalka Berbera,badiil kalena ma jiro,Waxaana Muddo ilaa inta la kabaayo ama la dayactiraayo aan jiri doonin wax shidaala oo Haamaha Kaydka lagu shubi doono Waxa laga dhaamiyo mooyee,waxaana haddii qadiyadaas dayactirku waqti qaadato dhici kara in Qiimaha shidaalku kor u kaco, shidaal yari baahsanina soo foodsaarto Somaliland
Geesta kalena tan iyo intii shirkadaha & Maati-maalqabeenada Madaxtooyada ku tiirsani la wareegeen Haamaha Kaydka shidaalka Berbera ayaan haba yaraatee wax dayactir oo muuqda lagu sameyn Haamaha Laftooda,ku darsoo ma jiraan wax la tilmaamo oo Qasriga Madaxtooyada oo dusha ka maamula & Shirkadaha Dumaalay midkoona ku kordhiyey Agabkii ay kula wareegeen,keliya Shidaal baa lagu shubaa,lagana dhaamiyaa.
Yeelkeede Khasaaraha soo gaadhay Baybka Shidaalka ayaa la eegi doonaa mudada loo cadilnaan Doono iyo Raad ku reebi doono Bulshada Shidaal ku noolka ah ama noloshoodu ku tiirsan tahay.
Qarannews