Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Hoggaamiyaasha dunida oo third class iyo fourth class ah intooda badani

$
0
0

Hoggaamiyaasha dunida oo third class iyo fourth class ah intooda badani

Maanta hoggaamiyaasha dunida ka taliya intooda badani maaha siyaasiyiin garaad ama aqoon siyaasadeed leh oo indheer garad siyaasadeed leh , laakiin intooda badani waxay buuxiyaan kursiga madhan .

Waxaa maanta loo dareerayaa dalka UK doorasho deg deg ku timi , markii ay codsatey Ra iisal wasaaraha vdalka UK , ee markabkii Captai_ka ka noqotay , markii uu Ra iisal wasaarihii la doortay iscasilay , markii ay dadka reer UK u codeeyeeen in ay ururka Europe iskaga baxaan ee ay sidaas u codeeyeen .

T. May waxay markabka talada dalka kula wareegtey markabkii oo badda dhex maraaaya , isaga oo aanay caddayn dekedda uu ku socdo iyo dekedda uu si nabad gelyo ah ugu xidhan doono .

Ka dibna waxay istustey in uu xisbiga Labour_ku aad u jilicsan yahay iminka oo haddii ay doorasho iminka ku dhawaaqdo ay heli karto , oo ay sidaas ku noqon karto , Ra iisal wasaare la doortey  oo ay si kalsooni ah ula gorgor tami karto dalalka Europe ee wada hadalka badani u wada hadhay , laakiin wax yaabo badan iyo dhacdooyin kala duwan oo is daba joog ah ayaa dhacay . sidii qaraxyadii dalka todobaadkii hore ka dhacay iyo siyaasad xumo ay T.May ay doonayso in ay meel mariso iyo nabad-gelyadii oo aanay waxba ka qaban , iyada oo uu qarax qore bishii hore ka dhacau magaalada Manchester oo dad badani ku dhinteen.

Laakiin si kasta ha ahaato , ee doorashadan waxa ku guulaysanaaya xisbiga wata barnaamij siyaasadeed oo ku wajahan  nabad-gelyada iyo wax qabadka bulshada iyo adeega bulshada iyo caafimaadka iyo wax barashada , intaas oo dhan oo uu xisbiga Conservative _ ku uu ka aradan yahay .

Hadaba xisaabtii ay ku tashatey T. May iminka way isla rogi kartaa , oo xisbigaqa Conservative_ku doorashada sidaas ayuu ku waayi karaa .

Dhibaatada weyn ee jirtaana waxa weeye , in aan cidina iminka siyaasadda saadaalin  karayn , oo waxaa dunida ka dhacay in ay yimaadeen oo ay xilalkii la wareegeen qaar aan weligeed cidina ku tashan in la dooran karo ama ay dalal hoggaamin karaan , sida Donald Trunp oo kale oo subaxdiina wax ku hadla , fiidkiina wixii uu saaka yidhi bedela oo wax ka duwan yidhaahda ,

Wixii uu caawa ku hadlayna  berito subax ama saqda dhexe wax kale oo ka duwan ku hadla , ilaa iminka ay dawladdii maraykanku qaadday jaah wareer oo ay tidhi ( ninkanu ma metelo siyaasadda dalka lagu maamulo , shaqona  kuma laha ) iminka waxay maraysaa in laga qariyo sirtii dalka ,

Dalka France_na waxa xukunkii la wareegey oo la doortey xisbi aan hore talada dalka u qaban oo aan ka mid ahayn labadii xisbi ee loo bartey , lamana garanaayo halka iyo siyaasadda uu dalka u hoggaamin doono .

Dalka UK waxa hortaalla dhibaatooyin fara badan oo soo bixi doona , marka uu Honeymoon_ ka siyaaasadeed iyo doorashasdu ay dhamaato .

Dhibaatooyin weli la qarinaayo oo dhaqaale iyo siyaasadeed iyo asqo aanay garanayn meel ay wax ka qabtaanama meel ay dalka u hoggaamiyaan ama meel uu dalku ku socdo . , sababtoo ah , ka bixitaankii dalka UK uu ka baxay ururkii Europe waxay sababtey in dalka uu go doon noqdo , oo uu dib nolol cusub u bilaabi doono , isaga oo aan isku filayn keligii   , qorshena uga degsanayn

Hadaba ilaa sanadka danbe waxa la filayaa ilaa April in ay dalka UK soo waajihi doonto dhaqaale xumo iyo shaqo la aan badani , iyada oo ay dhibaatooyinkaasi ay socon doonaan muddo aan yarayn , ilaa iyo inta uu dalku waddo cad oo siyaasadeed oo dhaqaale oo qorshe  uu heli doono , ama uu abuuri doono .

Laakiin waxa cad in ay dunida maanta hoggaaminayaan dad aan siyaasadda aqoon u lahayn oo garaad siyaasadeed lahayn oo aan indheer garad siyaasadeed ahayn .

Maanta waxaad arkaysaa dalkii Saudiga oo hogaaminaaya siyaasaddii bariga dhexe  ( Carabta ) iyo caalamka Islaamka oo dalkii Masar iyo Iraq iyo Syria aan cidina waxba waydiinayn . hadda waa Saudi_ga oo aan boqolkiiba 55 dadkiisa waxba akhriyin , waxna qorin .

Markaa siyaasiyiinta Somaliland_na maxaad ula yaabi doontaa , bal adiguba miisanka saar oo qiimee siyaasiyiinta ku tartameysa jagada madaxweyne ee dalka Somaliland .

Ma yihhin qaar u qalma dalka iyo dadka ay doonayaan in ay hogaamiyaan ?

Ma ku jiraa :

Mid lehi   saddexdooda murashax ,  barmnaamij siyaasadeed oo dhaqaale oo qorshe wataa

hadda su aashaa ka feker adiga oo aan caadifad qabyaalad ahi ku qaadin .

Hadaba maanta dunida waxa hoggaan u wada ah oo ka taliya siyaasiyiin jagada buuxiya , oo third class iyo fourth class ah oo aan aqoon siyaasadda u lahayn iyo hoggaanka toona .

Hadaba siyaasadda iyo siyaasiyiinta dunida oo dhan inteeda badani asqo iyo jaahwareer siyaasadeed ayey ka siman yihiin .

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>