Wer Deg Deg Ah : Ciidamo Rasaas Ku Hujuumay Gudiga Qabanqaabada Shirkii Balidhiig ,iyo Shicibka Deegaankaasi Oo Shiraayay ,Khasaaraha Ka Dhashay iyo Xogo Kale.
Burco,(Qaran-news)-Ciidamo tiro badan oo taabacsan xukumadda iyo xisbiga Kulmiye oo laga raray Magaaladda Burco ayaa Rasaas ku hujuumay Gudiga Qaban-qaabada shirka horumarinta Dhalinyaradda Beelaha H/Jeclo ,oo saaka gaadhay Magaaladda Bilidhiig ,halkaasi oo ay shirweyn kula qaateen Odayaasha iyo Shicibka Magaaladaasi ,kuwaasi oo si buuxda u taageeray qabsoomida shirkaasi isla markaana cayimay goobta uu ka dhacaayo oo ay martigaliyeen .
Ciidamadan laga daad-gureeyay Magaaladda Burco ayaa rasaas xoogan oo naxariis-daro ah u adeegsaday Gudigan iyo dadweynaha reer Bali-dhiig ee shiraayay ,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo sida la xaqiijiyay ay tiro dad ahi ku dhaawacmeen ,kuwaasi oo mid ka mid ahi dhaawaciisu daranyahay .
Sidoo kale ciidankan ayaa Xabsiga u taxaabay dad ka badan 30 Qof kuwaasi oo ay xiitaa ka midyihiin ka qaybgalayaashii shirkaasi.
Ilaa iyo hada lama garanaayo ujeeddda ay Xukuumadu ciidanka u galisay shicibkan horumarka deegaamadooda ka tashanaayay ,kamanay hadal.
Waxaaney talaabooyinkan Xukuumadu qaadaysaa shicibka xusuusinayaan ,Kaligiitalisnimadii lagu yaqiinay nidaamakii Siyaad Bare iyo Xukuumadaha afrikaanku marka ay dhacayaan.