TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO
Qormadii 5` aad
Furashadii Xassaa
Waxa uu u diray Amiir C/casiis Wiilkiisii Sucuud bin C/casiis bin Maxamed Aalla Sucuud is uu u weeraro Xassaa. Waxaanu Sucuud ku qaaday Xassaa weerarro iyo dagaalo is daba joog ahaa ka dib waa uu qabsaday Xassaa sannadkii 1208 ee hijriyada waxaanu ka guulaystay Amiirkii Xasaa Sayid Bin Carii-car Markii uu dhamaaday dagaalkii Xasaa ee la baabiiyey maamulkii reer Aalla Xamiid ee deegaanka Xassa ka talin jiray waxa loo magacaabay Sucuud waxaana u magacaabay aabihii C/casiis.
Xidhiidhkii Xijaas iyo sidii loo furtay
Waxa ay si dhaw ula socdeen qolyaha Ashraaftu oo ay taageersanaayeen dacwada iyo Islaaxii ay waday dawlada sucuudigu. Waxaanay u arkayeen in ay dacwadaasi guulaysan doonto . Dawladii koobaad ee sucuudigu waxa ay ku dadaashay in ay dadkaas la sameyso xidhiidh dhaw oo saaxiibtinimo. Laakiin Ashraaftu waxa ay isha ku hayeen isbalaadhinta Sucuudiga iyagoo cuqdad iyo cadawtinimo ay caloosha ugu hayeen. Waxaanay kolba u muujinayeen dawlada Sucuudiga cadaawad marna wanaag ayey u muujinayeen iyagoo markaana ulla dhaqmaayey dawlada Sucuudiga qaab laba wajiila nima ah. Sidoo kale dhawr jeer oo hore waxa ay soo direen odayga Makka waxaanu la kulmay Amiir Maxamed Bin Sucuudkii hore iyo Sheekh Maxamed Cabdiwahaaba, sidoo kalana waxa uu u soo diray warqad uu kaga codsanaayey in loo soo diro isaga iyo kooxdiis Nin Farii ah oo Caalim ah oo u cadeeya waxa loogu yeedhaayo ee Diinta ah.
Dabadeeto waxa loo diray C/casiis Bin C/llaahi Al-muxsin laakiin Ashraafti waxa ay sii wadeen dhibtii ay ku hayeen dawlada sucuudiga siiba waqtigii hogaamiyahoodii Shiriifka uu maamulaaayey. Amiir C/casiis waxa uu u diray ciidamo uu horkacaayey inankiisii Sucuud C/casiis kaas oo dagaal ku qaaday Shiriifka iyo kooxdiisii oo kana guulaystay makkana galay , waxaanu maamul iyo Amiir u magacaabay shiriif Cabdi-muciin Bin Musaacid .
Dagaaladii Ciraaq
Ciraaq waxa xukumaayey xiligaas Xaakim Ka amar qaadanaayey Dawladii weynayd ee Cusmaaniyiinta. Dawladaasina waxa ay ahayd mid dadka deegaanka ku dhiiri galin jirtay in lala dagaalamo dawlada Sucuudiga, sidoo kale waxa ay ku hubayn jireen qabaailo. Laakiin Amiir C/casiis iyo Wiilkiisuba dagaaladii iyo weeraradii Ciraaq kaga imanaayey si weyn ayey iska difaaceen , ugu danbaytiina way ka guuleysteen.
Xaakimkii Ciraaq waxa uu dardar galiyey dhibaatooyinkii uu dawlada Sucuudiga ku hayn jiray. Waxaanu soo abaabulay kooxo hubaysan oo budhcad ah. Kooxahaasina waxa ay boobeen safaro xujaaj ahaa oo ku socday Baytulaahi xaraamka oo ay ilaalinayeen reer Aalla Sucuud , taasina waxa ay dhalisay fadeexad ah in la boobay lana dhacay Xujaajtii Baytka Alle. Arrinkaasna waxa aad uga cadhooday Amiir C/casiis. Ka dibna inankiisii iyo col uu watay ayuu u diray Ciraaq illaa ay gaadheen deegaanka kala badhka furaad , waxa kale oo ay qabsadeen magaalada Karbala , waxa kale oo ay dumiyeen Maqaamka Al-xuseeni ee ay shiicadu ka barakaysato ee uu ku aasaan yahay Imaam Xuseen raali Alle ha ka noqdee .Sannadadii ku xigayna dagaaladu waxa ay ka socdeen dhamaan gobolada Ciraaq oo dhaan illaa iyo tuulooyinka.
Dilkii iyo Shirqoolkii Amiir C/casiis
Waxa laga soo maleegay dilkii loo gaystay Amiir C/Casiis Magaalada Karbala ee dalka Ciraaq halkaas oo ay shiicadu ku xoog badan yihiin xaruna u ah , halkaas oo laga soo diray ninkii fuliyey dilka Amiirka. Waxaanu yimi ninkaasi Darciya oo ahayd xaruntii Amiirka. Halkaasna waxa uu ku sugnaa ninkaasi mudaddii uu maleegaayey qorshaha dilka Amiirka. Ugu danbaytiina ninki waxa uu ku booday Amiirkii xilli uu salaad ku gudda jiray waxaanu ku dhufday Mindi oo uu ku dooxay. Waxaana Amiirka loola cararay gurigiisii halkaas oo uu ku shahiiday sannadkii 1218 hijriyada , halkaana waxa lagu waayey geesi weyn oo ka mid ahaa geesiyaasha muslimiinta .Maantana halkaa ha inoo joogo casharku .
Lasoco qaybta 6aad maalinta Isniinta ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allah tacaalaa. Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi Bariise_77@hotmail.com
Tel: 0634149171