Waxa markhaati ma doona in Wasiirka madaxtooyadu lunsaday lacag lagu qiyaaso 8 million oo dollar oo uu ku qarsado Bank Dubai ku yaala. Hadaba waxa dad badaaannni is weydiinayaan hadii qofku uu maal xaaraana haysto sidee buu bait al- Xaraam ku tegi karaa. Maxamoud Xaashi maanta wuxuu joogaa Cimrada weliba dad badan oo reer Kulmiye ah baa habeen walba daba yaacaya oo le suxuurta naga bixi SR 300. Maxamoud Xaashi ma diintaa ku yar miyaannu ogeyn hadii aad xaaraan urursato in xataa tii xalaasha ahayd ee aad haysatay markaad isku darto ay isla wada xaaraan timooba yaan. Maxamoud Dadka wuu khiyaamayn karaa dalkana wuu dhici karaa hase yeeshee ilaahay waxba kama qarin karo. Waxa dhici karta in Wasiirka madaxctooyadu qiiqa isku qarinayo, cimradana food saaro ka dhiganayo oo uu doonayo in uu la kulmo madaxda Suadiga marka ciidu baxdo. Waxa kaloo cimrada ku weheliya Bashe Morgan ayaa isaguna Mecca ku sugan oo cimreysanaya. Cajaaiib …. Bal qoom kan aan cad xalaala ku cashayn 8 sanadood oo Kulmiye dalka ka talinayay ee hantidii dalka dhacay ee hadana moodaya in sidaa cimro lagaga aqbalayo eega. Qofku waa in uu daahiriyaa wuxuu xidhanyay iyo wuxuu cunayo oo aanay xaarani meela kaa soo gelin si uu Xaramka u tagto. Jahligu markuu qofka biyo dhigo waxa la arkaa calamdahan oo kale ee wasiirkii madaxtooyada iyo Bashe Morgan Xaramka dawaafayaan.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com