Dacwadaha dhulku waa dhibaatooyinka ugu badan ee bulshadeena dhexyaala kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh, Dawlada Hoose xilbaa ka saaran xalinta khilaafaadka dhulka, Golaha Deegaanka iyo Mayorka Caasimadana waxa saaran masuuliyad gaar ah waayo shacabka ayaa soo doortay. hadaba waxa in badan soo noqnoqatay in si badheedha loo qaato dhul uu leeyahay qof muwaadin ah oo jilicsan horaa loo yidhi Miskiinbaa Misko La Fuulo Leh. Sidaas darteed anigoo ah Boqorkii Dhalinyarada Somaliland ah Boqor Cabdilaahi Xuseen Axmed(Jaleelo) waxaan doonayaa inaan ka hadlo Dacwada Dhulka Muj. Axmed Jimcaale; Ceebay inagu tahay in maanta dadkii dhiigooda usoo shubay Qarankan lagu qabsado dhulkii uu daganaa ee uu uga tagay caruurta agoonta ah, in wax loogu daro mooyee may ahayn kuwii laga qaadi lahaa cid kasta haku qabsadee qaranka ayaa uga damiin ah, waana arin laga xishoodo falkaas cidii ku kacday iyo inta daba ka riixaysaa wax noqonayaan wax magarato maangaab ah. Mayor Soltelco waxaan ka sugayay inuu arintaa xil iska saaro cadaaladna ku dhameeyo, nasiib daro waxa soo baxday in Mayor Soltelco qayb ka yahay lana safan yahay kuwa xaqdarada ku doonaya dhulka agoonta, kadib markii uu shaqadii ka joojiyay Guddidii Dacwadaha Dhulka kuwaas oo si cadaalad ah uga garnaqay dhulkaas ina xukumay Agoontii Lahayd Dhulka ee Ilma Jimcaale.
Hore ayay tan oo kale u dhacday Dhulkii uu lahaa Muj, Axmed Jabaan ayaa sidan oo kale dad qardajeexayaa ay waraaqo aan jirin usoo samaysteen, khasaare badana ka dhacay ilaa caruurtii Mujaahidka mid kamid ah halkaas ku geeriyooday. Iyadoo taasi dhacday in mar labaad la beegsado Ilma Jimcale dhulkoodii waa wax aan la aqbali karin, Cadaalad darana yeeli mayno ninka wadaana isagay dambarsan doontaa If iyo aakhiraba. Mayor Soltelco waxaan leeyahay ceebay kugu tahay in mar labaad tan oo kale soo noqoto adigoo Maayirkii ah, waana talaabo sumcadaada wax u dhimaysa. Dhulkii Muj. Axmed Jimcaale waa la dhistay oo dayrbaa lagu xidhay, dacwadii iyadoo socota markii Gudidaadu ay goaan soo saartay waxaad la safatay kuwii xaqdarada ku socday. Adeer waxaan kusoo jeedinayaa arintaasi waa xaasaasi ka fiirso oo cadaalad ku dhamee; hadii kale khasaare naf iyo maalba leh waa hubaal inuu iman doono hadii xaqa laga leexdo. Sidoo kale adiga shacabka kusoo doortay in wasiir Jaamac Biin kuu yeedhiyo amarna kugu siiyo inaad Gudidaada dhulka kala dirto ama xubno kasoo badasho si arinta loo fushado may ahayn inaad aqabasho oo gudidaadii kala dirto ama shaqada ka badasho, inaad ku faanto ayay ahayd Cadaalad hadii ay xukumeen laakiin imika waxa soo baxday inaad Cadaalad darada qayb ka tahay. Hadaan ahay Boqorkaagii waxaan cod dheer kuugu baaqayaa inaad arintaas dib uga noqoto, cadaalada kusoo laabatid xaqa u hiilisid, hadii aanay sidaa ahayn oo culuys kaa wayni jiro Is casil sidaas ayaa kuu sharaf badan.
Wabilaahi Tawfiiq
Boqor Cabdilaahi Xuseen Axmed(Jaleelo)