Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Mundane Musharax Haddii Aad Guulaysato Waxa Ku Sugaya Ma Ogtahay?

$
0
0

Somaliland waxa ka dhacay shan doorasho madaxtooyo oo ay isku kala bedelen afar madaxwayne iyo mar madaxwayne cigaal dib loo doortay .doorashooyinkan oo qaar ahaayeen kuwo baaralamaanku madaxwaynaha soo doorteen qaarna si dimuqraadi ah shacabku u soo doorteen madaxwaynaha waxay tusaale u yihiin sida ay hadba isu bedelaysay marxaladaha kala duwan ee dalku marayey madaxwayne kasta oo la doorto marku talada dalka la wareego waxa hor taagnaa caqabado kala gadisan midba siduu u xalinayo isagu dariiqu doono ha u maree.hadaba wakhtigan aynu joogno waxa kaabiga inagu haysa doorashadii lixaad ee madaxtooyo ee Somaliland laga qabto taaso noqonysa tii sadexaad ee si dimuqraadi ah shacabku ugu dareeraan inay doortaan madaxwaynihii meteli laha Shanta sano ee so socda taaso ay ku loolamayaan sadex xisbi mid muxaafid ah iyo labo xisbi mucaarid kulmiye,waddani iyo ucid oo ay musharaxiinta hogaminaysa ay kala yihiin muse biixi ,Cabdiraxman Cirro iyo Faysal cali .marka aynu u daadegno dulucda qoraalkeena oo ah mudane musharax hadii aad guulaysato ma ogtahay waxa ku sugaaya ?
aynu halkan ku taxno qodobada sugaaya musharixiinta iyana isu diyaarinaya inay madaxwayne ka noqdaan dalka shanta sano ee soo socda.
1.Waxa ku sugaaya dal aan la aqoonsanayn oo caalamka intiisa badan aanu ka dhaxayn xidhiidh oo u baahan in aduunyada lagu qanciyo inay ictiraaf caalami ah u fidiso isla markaana calankiisa la sudho xarunta qaramada midoobay ee ay ka babanayaan calamada wadamada dunidu u aqoonsantahy inay yihiin wadamada dunida aqoonsiga ku diiwaan gashan.

2.Waxa ku sugaya waddan Sabool ah oo heerka dhaqaalihiisu ka hooseeyo liidka lagu cabiro dhaqaalaha dunida oo u baahan in loo dhiso kaabayaasha dhaqaalaha,wax soo saarka dabiiciga ah iyo shaqo abuur.

3.waxa ku sugaaya dal shaqo la,antu taagantahy heerkii ugu sareeyey dhalinyaradii wax baratay ee ubaxa waddanka ahydna ay tahriib badaha ugu dhammaadeen intii kalena ay dhabanada is hayaan iyago ku dhago barjoobay boqcadan alle ku abuuray ee aan qorshe mustaqbal iyo qasnad kaydsan oo ay dhaxal u heelaan midna aanay ku so hagaagin.

4.waxa ku sugaaya dal uu cidhbaha jaray sixir barar aan qiyaastiisa la cabiri Karin oo dhiigi ka shiilay shacabkii Somaliland gaar ahaan intii danyarta ahyd .isla markaana lacagtiisii ay qiimo dhacday oo sarifkeedi kor u kacay tayadii ay lahayd iyo waxtarkii ay bulshada u tari lahyd ee laga dheefsan laha ay meesha ka baxday taasina ay keentay in lacag qalaad oo adag (dolar) ah la isticmaalo lagana aamin baxo lacagtii qaranku laha ee Somaliland shilling.
La soco qaybta danbe isniinta danbe.

Boqore Farah
boqore18@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>