Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Dawlada Somaliya oo heshiish kula gashay shirkad ka diiwaan gashan dalka Holland ilaalinta xeebaha Somaliya oo ay ku jirto Somaliland

$
0
0

Dawlada Somaliya oo heshiish kula gashay Shirkad ka diiwaan gashan dalka Holland ilaalinta xeebaha Somaliya

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay doraad (30-07-2013) shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group, taasoo shaqadeedu noqon doonto ilaalinta iyo tababarka ciidamada badda Soomaaliya.

Atlantic Marine Group

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi uu saxiixay heshiis ay dawladu la gashay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group oo fadhigeedu yahay dalka Holland.

 

Heshiiskan ayaa waxaa uu qeexayaa in dawlada Soomaaliya ay mas’uul ka tahay dhul badeedka EEZ iyo soo celinta aaga dhaqaalaha ee badda Soomaaliya. waxaana qodobada heshiiskaan uu dhigayaa:.

 

1- U kuurgalida iyo kor ka eegista aaga dhaqaalaha (Exclusive Economic Zone) EEZ.

 

2- Kormeerista, kontoroolista iyo amni ka dhigista aagga dhaqaalaha EEZ.

 

3- Xasilinta ganacsiga iyo dekedaha.

 

4- Difaaca kheyraadka dabiiciga.

 

5- Ka ilaalinta dhulka kalluumeysiga doonyaha kalluumeysiga ee sharci darrada ee ajnabiga.

 

6- Ka hortagida sunta iyo waxyaabaha kale ee lagu aaso badda.

 

7- Raadinta, badbaadinta iyo ka hortegida hawlaha tahriibka.

 

Sida ku cad war saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada, waxay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group keeni doontaa maraakiib iyo doonyo dheereeya oo ilaaliya badaha iyadoo la shaqeyneysa ciidamada badda ee qaranka.

 

Waxay sidoo kale shirkaddu furi doontaa goobo lagu tabaro ciidamada badda ee Soomaaliyeed iyo xarumo looga gurmado dhanka badaha.

 

Atlantic Marine and Offshore Group ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in ay ku shaqeyneyso wakiilna ka tahay hay’addaha maamul ee dawladda ee qaabilsan badaha iyadoo shirkadu u hogaansameyso dhammaan cunaqabateynada iyo qaraarada Qaramada Midoobay ee xayiraada hubka ee Soomaaliya.

Dhanka kalena warar aanu ka helayno ilo u dhuun daloola xafiiska raysal wasaaraha Somaliya ayaa noo xaqiijiyay in uuraysal wasaaraha sheegay in arintani ay ula danleeyihiin sidii ay Somaliland cuno qabatayn ugu soo rogilahaayeen isla markaasina ay shirkadani u cadaadin doonto shicibka Somaliland oo iyagu Somaliya inteeda kale ka go’ay 1991-kii, tabahan iyo shirkadanina waa mid soo celinaysa dagaaladii iyo colaadahii u dhaxeeyay labada dal ee Somaliya iyo Somaliland.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo baxay oo ku saabsan calooshooda u shaqystayaasha ay marlabaad Somaliya u soo adeegsan doonto shicibka Somaliland.

Taasi oo 1988kii ay dawladii Siyaad Bare ay calooshooda u shaqaystayaal u soo adeegsatay diyaarado ku duqeeyay magaalooyinka Somaliland oo xasuuqay kumaan kun oo qof, arintani ayaan wax sidaasi ah aan ka duwanayn, iyadoo shirkadani Holandsika ay soo hagi doonto ciidmo ku sheega xooga dalka Somaliya oo dhwaan ku dhawaaqay in ay calanka Somaliya ka soo taagi doonaan magaalada Hargysa.

Waxa la gudboon qurba jooga reer Somaliland in ay raintaasi ka mudaharaadaan siiba kuwa degan qaarada Yurub, gaar ahaan dalka Holland oo shirkadani ay ka soo duuli doonto.

Isku soo wada duuboo Raysal wasaaraha Somaliya waxa uu hayaa oo uu qaaday dhabadii adeerkii Siyaad Bare ee uu calooshooda u shaqaystayaal uu ku xasuuq shicibka reer Somaliland, uu u keenay Somaliland 1988-kii arintani ayaa imanaysa iyada oo aan xasuuqii 1988-kii ee ciidamadii ay dawladii Somaliya soo kiraysatay ee ahaa South Afrikaanka aan cidna lagu maxkmadaynin marka laga reebo Madaxweyne ku xigeenkii Siyaad Bare Cali Samataroo oo ku sugan dalka Marykanka, taasi oo raysal wasaaraha hada keenaya calooshooda u shaqaystayaalka xeebaha Somaliland ku soo duuli doona uu difaacay Cali Smatar.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>