Xogta Kuduugan Hasaawaha Dhalinyarada Qarniggan Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Hasaawaha ama shukaansiga dhalinta maanta oo intiisa badan ka bilaama aaladahan casriga ah ee lugu wada xidhiidho, marka laga tago mid ku bilaama is-jaleecid, ama baalo daymood aan u kas ahayn midkuu doonaba wiilka ama gabadha haka yimaadee gebogebadana ku dambeeya kelmada waan ku jecelahay, sidaa darted hasaawaha dhalinyarada maantu sida uu u badanyahay waa been iyo mala awool la dhoodhoobay kaas oo hormuud u noqday in jacayl been ah oo aan jirin dhalin badan dhexmaro iyadoo mararka qaar laga yaabo in labada qof mid kood uu dhab kayahay jacayl kaasi oo ay ugu damayn lasoo daristo dhibaato fara badan , badanaab sida dhacda wiilka iyo gabadha marka ugu horeeya ee ay is arkaan oo kulmaan waxay u wada hadlaan sidii dad in mudo ah isasoo jecalaa si uu madba midka kale u ogaado ujeedkiisa kuna qanciyo jacayl aan jirin .
Ila akhriso fariimo jacayl ah oo ay wiil iyo gabadh isku cusub is weydaarsadeen.
Fariin Jacayl:-
Wiilkii :- “Walaalo marka hore waan ku salaamay …….. Sidii aan kuu arkay oo aad
dhaayahayga ugu dhacday kama boqto hurdad oo boga iyo wadnaha beer kaad
buul ku leedahay biyaha aan cabaayiyo baadka aan cunaayona bilaahan ku Dhaartaye bidhaantaada iiga roon…”
in mudo ah kadib: Jawaab
Gabadhii:– “ walaalo aad baan kaga raali galinayaa intii yarayd ee aan fiiriinta kaala soo daahay runtii macaane sida dareenka jacaylka aad iigu qaaday yaan ana kugu qaaday , walaalo aragtidaadu aad bay ii qancisay aad bayna iisoo jiidatay waxaana filayaa oo aan ku han waynahay inay ilaa heer mustaqbal inoo gaadho waxaan aad ugu faraxsanahay nolosha cusub ee inoo bilaabatay. Jacaylku waa dareen xoogan qofka bini aadam ka ahna ka xoog wayn hadii uu mar ku haleelona in uu kaatago lagama yaabo”.
Miyaysan ahayn wax aad loola yaabo dad is arkay oo kaliya hadana ku haya aadban kuu jacaylahay , waa sida ay sameeyaan dhalinyaro badan oo aad moodido in aysan garanayn jacaylku waxa uu yahay iyo qiimaha uu leeyahay.
Wiilkii:- “ Waad ku mahadsan tahay sida wacan ee aad iiga a jiibatay jacaylkii aan kusoo jeediyay runtii waxaad tahay qof aan u bogay oo aad ii soo jidatay had iyo jeerna waxa aan jeclahay in aad garabkayga joogtid oo aadan iga dheeraan”.
Gabadhii:– “…..Een….. macaan xaqiiqatan waxaa tahay qof aad ii jecel waxaana igu waajib ah in aan wax kula qabato aadna waxa ugu qanacsanahay jecayl in aan kula wadaago macaan sida aad ii jeceshay yaan ku jeclahay.”
Wiilkii:- “Macaaneeeeeey noloshayda inta kahadhsan oo dhan adigaa leh oo aan kuu hadyeeyay lagamana yaabo in aan meel kale kaa aado waxaad tahay qofka kaliye ee aan ifka ka eeganayo mar kastana waa ku jacalahay ……”
Gabadhii:- “Jacaylkaagu waxa uu iila mid yahay si aanan qiyaasi karayn haddaan ku idhaa waxanku qiyaaso magaranaayo maad ila yaabi macaan runtiina waxan ahay mid dartaa la il daran . Marwalaba waan kaa fikiraayaa macankaygiyow . Ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxaan ka warwaraaya sidaan u noolaan doono adiga la’aanta marwalbana waxan ahaan doona mid adiga uun kaa fikirta runtiina waan ku jecelahay”
Wiilkii:- “Jacaylkaaga iyo la joogaguba waxay nafatayda u yihiin farxad aan la soo koobi karayn. Markaan ku arko ayaan dagaa oo ay naftaydu kugu xasishaa lakiin runtii intaa aan maqanahay u malayn maayo inaan nolol daggan ku noolaan doono. Waxanan kugu la dardarmayaa inaad jacaylka halkaaga ka sii xejiso dhib wal oo uu kugu qaatona aad u samirtid waayo samraa ayaa sadkii hela. Dartaa waxaan ahay mid aan garanayn waxaan adiga ahayn. Naftayda, jacaylkaagu waxa uu ka dhigay mid aan jiif iyo joogba aan xamilayn cuntana aan cuni karin talaabo wal oo aan qaadana adigaa ayaa iiga dhex muuqda.”
Sida loo wada xidhiidho manta gaar ahaan dhalinyarada sheekadu ka dhaxayso ama haasawuhu ka dhaxeeyaa waa shayga ugu fudud, siyaabaha ugu muhiimsan ee loo wada xidhiidhana waxaa ugu muhiimsan telefonada (telephone),waa shayga ugu muhiimsan ee lagu wada xidhiidho ee layskaga warhayaa waa telefonada xataa haddii qofka sheekada idinka dhaxeeyaa uu meel dheer kaa jiro!!.taas oo si sahlan aad u heli karto qofka aad doonaysid ama haasawuhu idinka dhexeeyo,waxa ka mid ah aalada Facebook-ga, Whatsup-ka ama Emailka oo fariimaha iyadoo qoraal ah iy iyagoo codba ah layskugu gudbiyo, halka hadii midba midka kale u baahdo sawirkiisana ay isku waydaarsan karaan, sidoo kale sida Tilifishanka iskaga daawan karaan.
Waayaha aduuyadu fara badanaah imisaa wiil dhalinyaro ah jeclaaday gabadh. Gabadhuna ay jeceshay wiil kale wiilkuna uu gabadh kale sii jacal yahay, aduunyada dhamaanteed ayaa ah iskadaba wareeg jacayluna waa shay ka qiimo iyo qaayo badan in lays khiyaamo ama been laysu dhoodhoobo. Jacaylka runta ahina sida lagu helaa way adagtahay waayo mar walba qof ayuu kusoo horaynayaa laakiin qofkii kale oo lajeclaaday sida lagu helo ayaa adag.
Labadaan qof ee wada sheekaysanaya waa dad isku cusub oo is baranaya hadana waxa ay u wada hadlayaan sidii dad waligood isa soo jeclaa oo kale , runtii ma wanaagsana in dad aan wali si fiica isu baran ay adeegsadaan eryada , Macaan, Xabiibi, Gacaliye , I WM . Arintaani waxay qayb libaax leh ka qaadataa in jacayl been ah oo aan afka dhaafsiisanay uu dhalinta dhex maro.
LASOCO QAYBTA XIGTA
Tix-raac:
1. Cilmi Siciid ……………….. Shukaansiga iyo Jacaylka Beenta ah
2. Sharmaake Cabdi Ibraahim ………….Isbarashadii hore iyo maanta.
La soco Q17aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com