Hargeysa,(Qaran-news)- Wax gabi ahaanba shalay la qaatay oo la musuqay saynduuq yaalay xaafada Goljano oo numberkiisu uu ahaa 379, waxna saynduuqaasi ku jiray kaadhahdh faro badan oo dhowr kun lagu qiyaasay waxna isla markiiba musuqaasi dareemay muraaqibiinta xisbiyada mucaaridka waxna markiiba lala xidhiidhay gudiga doorashooyinka qaranka iyada oo goobtaasi isla markiiba baadhitaan xoogan lagu sameeyay waxna la ogaaday in la xaday saynduuqii ay ku juireen kaadhadhkii la filaayay in loo qaybiyo dadkii lahaa, waxna isla markiiba xabsiga loo taxaabay laba askari oo goobtaasi ilaalinaayay iyo muraaqibkii xisbiga Kulmiye.
Waxana isla goobtii la keenay kaadhadh cusub iyada oo kuwii horena laga saaray khadka, waxna ay gudiga doorashooyinku saareen kaadhadhka cusub Calaamada R- oo u tagan Renew- waxna lagu wadaa in aan xaafada Goljano siiba goobta uu yaalo saynduuqa 379- aan laga aqbali doonin Kaadh aan ahayn ka leh xarafka R- wixii aan lahaynina waa kuwii la xaday.
Hadaba dad goob joogayaal ah oo noo waramay ayaa sheegay in markii la xidhay askartii iyo muraaibiintii Kulmiye isla xalay fiidkii saynduuqii oo xoogaa kaadhadh ahi ku jiraan lagu soo ag tuuray goobtii laga xaday dadkii tuurayna ay baabuur ku baxsadeen oo aan la qaban.
Musuqa noocani ahi waa kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Hargeysa, waxna arimahaasi loo tirinyaa oo loo hayaa xisbiga Kulmiye, hase ahaatee ma aha arinta noocani ahi mid ku cusub dalka oo ay sameeyaan xisbi xaakimku waxa ay hore falal noocani ah looga sameeyay magaalooyinka Berbera,Saylac, Salal iyo Gabiilay, waxna falalka noocaasi ah dhamaantood ay ku cadaadeed xisbi xaakimka.
Dhanka kalena waxa soo ifbaxaysa sida loo aamini karo qalabka casiriga ah ee ay isticmaalayaan gudiga doorashooyinku, waxna dhamaan isku dayada noocaasi ahi oo dhami ay ku dhamaadeen faashi