Sida la sheego waxyaabihii dhibta ku hayey dadka reer Somaliland ee daganaa wixii loo yaqaanay gobolada waqooyi ka hor burburkii dawladii Soomaalida ee ay ku midaysnaayeen goboladii Koonfureed iyo kuwii waqooyiga, waxyaaba ay aad uga caban jireen waxaa ka mid ahaa arinta in caasimada oo keliya wax kasta lagu koobo taas oo keeni karta kala fogaansho gobolada kale iyo caasimada oo dhinacyo badan ah, oo ahaa maamul daadajin la’aan.
Arimaha ugu waa weyn ee hadda dhibta ku haya dadweynaha ka fog caasimada Hargeysa waxa ka mid ah sida iyada oo ay arini kaaga xidhanto dawlada oo mararka qaar aanay ka fursanayn in aad safar u xidh-xidhato aad ku tagtid caasimada iyada oo laga yaabo in arimo kale oo badanina ay kuu qorsheysan yihiin oo ka mihiimsan mida aad safarka aad u galayso oo si sahlan lagu dhamayn lahaa gobolka aad joogtid haddii maamul daadajin buuxda ay jiri lahayd.
Sida dalalka kale ee aduunka caasimadu waa bilicda dal uu leeyahay, mana ah in wax kasta caasimada loo badiyo iyada oo gobolada kalena ay u baahan yihiin adeegyadaas, haddii ay ka fursan weydana waa in laga hirgaliyo meel dhex u noqon karta oo masaafo ahaan laga soo gaadhi karo, waxaana adeegyadaas ka mid arimaha caafimaadka, waxbarashada, xafiisyada gaarka loo leeyahay, iyo safaaradaha ama qunsuliyadaha dawladaha shisheeye oo dhamaantood qeyb ka ah maamul daadajin rasmi ah oo dhab ah oo aan ka ahayn balanqaad bar kuma taal ah.
Asxaabta siyaasaduna waa in ay ku darsadaan xisaabta maamul daadajin dalka oo dhan ah, taas oo laga dhabeeyo aan ku koobnaan balanqaaad gole kaga dhaqaag ah.
Mahadsanidiin
Maxamuud Xeef
↧
Somaliland Hargeysa Uun Maaha!!!
↧