Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka madaxtooyada oo bari iyo galbeed shax la ciyaaray uu hogaanka kulmiye ku doonayo

$
0
0

Wasiirka madaxtooyada ayaa maal gelinaya shir ka dhici doona meel Ceerigaabo u dhow oo beesha Muse Abokor ku qabsanayso. Maxamoud Xaashi wuxuu shirkaa ka doonayaa natiijo ah inay ku taageeraan in uu noqdo hogaamiyaha ruuxiga ah ee xisbiga Kulmiye isaga oo olole uugu jira siduu Maxamed Kaahin dibada u dhigi lahaa. Wasiir Maxamoud Xaashi wuxuu kaloo galbeed ka sameeyey indha-sarcaad uu lix wasiir sii kaxaystay hase yeeshee uu amar ku bixiyey in aan sawir kiisa mooyaane aan sawir kale lagu arag magaalada Gabiley. Halkaas oo uu odayo beesha Muse biixi ka soo jeeda uu kulamo kula qaatay uu uugu gogol xaadhayo inay ka aqbalaan in uu hantiyo mansabka hogaanka Kulmiye. Maxamoud Xaashi oo ka cabsi qaba shaqo la’an ku dhacda haduu xisbiga Waddani kursiga ku guuleysto ayaa wuxuu u tafa xaytay siduu booska Xirsi Xaaji Cali ka hayo Waddani oo kale isna uu kaa mid la mida uuga heli lahaa Kulmiye. Hadaba mish-kiladu waxay tahay hadii wasiir Maxamoud Xaashi uu ku soo duulay Maxamed Kaahin in Kulmiye uu dhamaan waayi doono beesha Maxamed Abokor ee ina kaahin. Hadii uu wasiirku hankiisa waayana in Kulmiye ka quusan doono beesha Muse Abokor ee maxamoud Xaashi ka soo jeedo. Marka wasiirku shaxdan ciyaarayaa waa goor uu Maxamed Kaahin u diray London oo uu ka faaiidey-sanyo maqnaan-shaha ina Kaahin.
Ma jirta xal sadexaad oon labadaa ahayn oo mar kastaba xisbiga Kulmiye waa u khasaare aannu cimrigii ka soo kaban karayn. Maxamoud Xaasi iyo Maxamed Kaahin ayaa jiif cabaus isugu jira Muse Biixina wuxuu taageer-sanyay
Maxamed Kaahin ee Wasiirka waannu joojin karayn oo wuxuu Muse ka baqayaa in xukuumadu ku kacdo oo dhulka lagu dhufto. Isku soo xoori oo wasiirka madaxtooyadu shax cajiiba ayuu ciyaarayaa oo god-kanuu degay kanina u doonan dabeedna irmaanta ayuu qaadayaa Maxamed Kaahin indhaha Muse Biixi oo shan ah. Wasiirku wuu ogyay in aan Muse Biixi cidi dooranayn oo Waddani guuley-sanayo, sidaa darteed wuxuu ka cararayaa shaqo la’aan dabeed na ina Kaahin ayuu ku qabsaday xisbigii kuna qadi maayo oo waa dowladii. Maxamed Kaahin inta uu London daansha daan shoonayo ayuu Maxamoud Xaashi ka gaadhsiiyey olole fara badan uu ku doonayo in uu noqdo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Kulmiye.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmailcom


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>