Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Cali Xadhaadhe (Kalsan tv) iyo Mustafe Martin oo madaxda Somaliland been la daba ciira

$
0
0

Wariyaha Kalsan tv Cali Xadhaadhe oo ah nin laasqoray ka soo jeeda hase yeeshee aan aamin sanayn jiritaanka Somaliland ayaa waa beriyaba shaashada soo fadhiisiya Mustafe Martin oo ka soo jeeda gobolka togdheer oo intuu Hargiesa tegay isku deyey in uu ka mid noqdo xisbiga Waddani bal se markii ay arkeen in uu yahay nin fudud oon maskixiyan fayoobayn ay al-baabada ka xidheen. Xisbiga Waddani waxay laba daraale Martin ku diideen markay ogaadeen in aannu diinta muslimkaba heysan magaciisana ka bedelay Mohamed oo u bedelay Martin oo ah xaqiiqa jirta. Cali Xadhaadhe oo dhana Kalsan tv u samaynaya barnaamij dhana dhaqaale uugu samaynaya ayaa Martin oo moodaya in uu cid wax ku yeelayo nac-nacda iyo beenta uu madaxda Somaliland la daba ciirayo kaga faaiideysta. Martin wuxuu ku soo koray magaalada Burco oo aabihii wuxuu u shaqayn jiray nin qaadle ah oo la odhan jiray Badhaafe. Guryaha qaadka lagu iibiyaa way ka buuq badan yiin kuwa kale kana cay badan yiin oo halkaa ayuu ka wataa af-xumada uu marna golaha wakiilada marna guurtida marna madaxtooyada marna xisbiyada ku af-lagaadeeyo rag iyo dumarba. Wax yeelada qaadku u geysan karo caruurta lagu koriyo cid waliba way taqaan oo hoos uugu sii degi maayo. Martin caqligiisa waxa inagaga filan waa ninka xisbiga Waddani u qabtay inay sadex cisho kaga soo jawaabaan sua’alo uu kalsan tv ka sii daayay. Caqliga noocaasi maaha mid caadiya ee waa mid aan caafimaad qabin. Martin mar wal oo uu kalson tv soo fadhiisto lacag buu ku bixiyaa cayda dadka. Ha uugu daraado xisbiga Waddani oo uu iminkana arkay in uu yahay ka uugu taageerada roon. Martin waxa gilgilay raxantii dhawaan ku soo biirtay Waddani. Bal caqliga dooni laga saar wuu arkayaa in hal doorkii Somaliland ku dhamaaday xisbiga Waddani hadana oon cidi ka ismacayn dacaayado rakhiisa hadana maalin walba lacag buu Kalsan tv ku bixiyaa siduu u calaacali lahaa. Martin isma oga in lagu qoslo oo waa nin aan dhamayn. Ha u fadhiyin in albaabka xisbiga Waddani lagaa furo. Martin wuxuu la xidhiidhay madaxda Kulmiye oo wuxuu isku deyey in Kulmiye lacag ku siiyo cayda Abdirahman Ciro hase yeeshee waxba uugamay suurta gelin oo way aamini waayeen markay arkeen in aannu si caadiya u dhaqmayn uu sida carsaanyada dhan walba u cararayo. Martin wuxuu la mid yahay ninkii maskaxda wax uuga dhinaayeen ee uugu cayda badnaa ee BBC du faalaysay ee la odhan jiray hooraaye. ilma caruura hadii la siiyo caanaha riyaha magaalada ee qadka cuna habeen kaas oo dhan ma seexdo hadaba maxaad u malaynaysaa ninka ku soo koray guri qaadka lagu gadana.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>